Ladaneey

Fadlan xusuusta xiliga Ciidal Fidriga dadka tabaalaysan
pics from: lionsgrove.com

Allah Mahad Leh-Rasuulkeenii Suubanaa (CSW) ayaa sharaf iyo ku dayasho

mudan. Ramadaanka bisha kheyrka, barakadda, raxmadda, dembi dhaafka iyo

cadaab ka xoreeynta, bisha camal kheeyrka, isu gargaarida, is caawinta iyo

dan yar u taakuleeynta, bisha Raxmaanku fadliga gaarka ah siiyeey,abaal

maranteeduna Allah u gaar tahay. Alloow, Raxmaankoow naga dhig kuwii

soonkoodda, salaadoodda iyo camal kheeyrkoodda laga aqbalo. Aamiin.

Walaalayaal waxeeynu geleeynaa hadii Allah idmo maalmuhii ugu dameeyey

ramadaanta oo ah maalmihii cadaab ka xoreeynta, Alloow naga dhig

kuwii cadaabta laga xoreeyo – Aamiin. Maalmahan oo eey ku jirto habeenka

faldhiga iyo abaal marinta weyn leh (leylatu Qadarka). Kadibna farxadii iyo

reyreynntii munaasabadda ciida qaaliga ah, xaflado, damaashaad, xirashadda

dhar qurxoon (cusub), ehel,asxaab iyo deris booqasho, diyaarinta cuntada

nooc nooc ah, madadaaladda caruurta iyo kulanka waayeelka iyo qaabab

kale oo farxadeed. Hadaba su’aasha ayaa ah dadka somaaliyeed

ma wada awoodan? Jawaabtuna waa may, waana moowcuuda qormadan.

Walaalayaal qormadan ayaa ah baaq ama fariin muslinnimo, si gaar ahna u

khuseeysa munaasabada farxada weyn ee ciid fidrigga fooda inagu soo

heeysa oo maalmo kooban inaga xigaan. Walaalaheeyga ku

sugan ama ku dhaqan qurbaha oo isu diyaarinayana

munaasabadaas, qoysaskeena iyo ehelkeenana u sameeynayno ama ugu tallo

galnay dhar cusub, casuumado iyo hadiyado ayaa ah arimo wanaagsan.

Hadabma ognahay in ay jiraan dad tabaaleeysan oo aan awoodu

u saamaxeeyn dhaqaale ahaan, caruur agoon ah, naafo iyo curyaamiin

dad bara kacsan iyo kuwo dalka gudihiisa qaxooti ku ah, bukaan Isbitaaladda jiif ah?

Ma ognahay in intaas iyo kuwo kaleba masuuliyad diineed, qarameed

inaga saaran tahay? Ma ognahay in eey doonayaan in aan il naxariis leh ay

doonayaan in aan ku eegno?

Ma ognahay in eey yihiin walaalaheen, caruurteena iyo

waalidkeen oo kaleba? Maognahay in eeynu wadaagno islaanimada,

dalka iyo dhaqanka? Ma ognahay weliba qaarkood in dagaal,colaad iyo dhibaato

culeeyskeeda iyo xanuunkeeda leh oo joogto ah waqtigan haysto?

Ma ognahay in murugada, cabsida iyo rafaadka dadkaas heysta?

Ma ognahay walaalayaal inta guri tacsi taal iyo inta guri dhaawac daawo la’aan ah dhex jiifa?,

Alloow dhibaatada iyo rafaadka dheeraaday naga qaad oo noogu bedel nabadgelyo iyo hanasho

barwaaqo aad raali ka tahay.

Walaalayaal baaqeeygu waa gacan u fidiinta, u gargaaridda dadka tabaaleeysan

munaasabadda ciida si gaar ah weliba caruurta, agoomaha ah oo inaga mudan in

eey maalintaas ama munaasabaas inala farxaan oo eey helaan dhar cusub oo ku

abuuro wajigooda farxada ciideed iyo hanashada qiimaha maalintaasu leedahay.

Iyadoo jiraan xarumo agooneed, fadlan ka farxiya agoonta, fadlan xauusta agoonta

munaasabada ciida.

Fadlan garta masuuliyada diineed, qarameed iyo akhlaaqeed oo inaga saaran guud

ahaanba dadka walaalaheen ah oo tabaaleeysan, fadlan la xiriira:-

Maamulka Xarumaha Agoomaha.

Gudiyadda Afurinta Soomanayaasha.

SWACRO ama 4somaliwomen.com

Gudiyada Bara-kacsanayaasha

Xurumaha Naafadii Xooga Dalka

Kaamamka Curyaamiinta

N.B-Waxaan filaayaa inaad xafiisyadda shirkadaha xawaaladaha somaaliyeed ka

heli kartaan Koontooyin xisaabeed oo taakuleeynta u furan.

-ALLAH MAHAD LEH-

Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)

sharifhassan50@hotmail.co.uk.

Ladaneey Magazine

Adiguna ka qayb qaado ka farxinta ciida shacabka aan awoodin!

Halkan hoose ayaad kaga dhiiban kartaa rayigaaga maqaalkan.

Related posts:

Bisha ramadaan darteed soo daaya lamaanaha ingriiska ah Munaasabadda bisha barakeeysan ee ramadaanka oo ah bisha raxmadda,naxariista, is...

Hababka lagu kobciyo xusuusta  Sida aynu wadda ogsoonahay xuusuusta xun iyo tan wanaagsanba...

Ma lee dahay sifooyinka dadka dhista shirkadaha?     Ma jeceshahay in aad noqotid qof dhisa shirkad?...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Wiil soomaaliyeed oo soo saare caan ah ka noqday UK
pics from: jilaa.com

Wiilkaan soomaaliga ah oo lagu magacaabo Mo Ali, ama Maxamed Cali, ayaa ka mid noqday kuwa uga sareeya soo saarayaasha aflaamta ee dalka Ingriiska.

Mo Ali ayaa soo shaacbaxay dhawaan, kadib markuu soo saaray filimka lagu magacaabo Shank, oo taariikh ka galay shineemada Britishka waxaana uu Mo Ali ku helay abaalmarino waaweyn iyadoo uu kadib na soo saaray muuqaalo ama filimo kale.

Director Mo Ali ayaa waxuu kusoo galay sameynta filimada 15 jir ah, waxaana uu soo saaray ilaa 65 hees oo ah muuqaal iyo dhowr filin, kuwaasoo laga daba dhacay. Waxeyna taasi usii gudbisay inuu Mo ka gaaro shaqadiisa meel sare.

Mo Ali ayaa kusoo koray xaafadaha dan yarta degaan ee dalkaasi Sacuudiga kahor inta aysan qoyskiisa u guurin dalka Ingiriiska oo uu haatan Mo ka yahay nin caan ah. waxa uuna Mo mar uu la hadlayay saxaafada sheegay inuu kusoo barbaaray xaafadaha ay degaan gaangistarada ama dhalinta qaska iyo fowdada badan, taasoo Mo u fududeysay inuu soo saaro filinka SHANK oo ka hadlayay dhibaatada dambiyada  iyo dilka ay geystaan dhalinyarada ku nool magaalada London. Kuwaasoo filimka Shank lagu xusay inay la wareegayaan magaalada London sanadka 2015, iyadoo ay gabi ahaanba ka dhigayaan meel fowdo iyo kala dambeyn la’aan ka jirto.

Mo ayaa haatan la shaqeeya Flynn Productions oo ah shirkad weyn oo dalkaasi Ingiriiska laga texgiliyo, taasoo caan ku ah soo saarista Filimada isagoo hashiis la galay sanadkii 2008.

Soomaalida ku nool dalka  Ingiriiska ee xiiseeya aflaamta ayaa aad ula dhacay markii ay shaashadaha ka arkeen magaca Direcotorka ka soo jeeda dalkooda oo soo saaraya aflaam qabsatay suuqa dalkaasi. Waxaana sidoo kale uu dhiirigalin u noqonayaa dhalinyarada jecel inay sameeyaan filimada ama daneeya arimahaas.

jilaa.com

Adiguna ka dhiibo rayigaaga!

<object width="500" height="344">
<param name="allowfullscreen" value="true" />
<param name="allowscriptaccess" value="always" />
<param name="movie" value="http://www.youtube.com/v/RVxDIoJmG7g&autoplay=0&loop=0&rel=0" />
<param name="wmode" value="transparent">
<embed src="http://www.youtube.com/v/RVxDIoJmG7g&autoplay=0&loop=0&rel=0" type="application/x-shockwave-flash" wmode="transparent" allowfullscreen="true" allowscriptaccess="always" width="500" height="344">
</embed>
</object>

Related posts:

Wiil soomali ah oo markii ugu horeeysay aktar ka noqday film talyani ah  Waxaa markii ugu horreysay laga daawaday wadamo ka tirsan...

Ciyaaryahanka Salemon kalou oo seedi u noqday soomaalida  Ciyaaryahanka u dhashay dalka Ivory Cost ee weerarka uga...

Fanaan soomaaliyeed oo qaada R&B oo kasoo baxay Ingiriiska   Fanaankan u dhashay Soomaaliya, kuna soo barbaaray dalka Holland, ...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Jacyl u sabir ama ka sabir
pics from: myphotoblogs.com

Lamaane calafku isa siiyay ayay qisadani ka hadlaysa, waa wiil waxbarasho u banbaxay iyo gabadh shaqo iyo axdiga jacaylka isku wada, duruufo badan ayaa bar bilow ilaa bar dhamaad hadheeyey sheekadan ee akhris wanaagsan.

Bilawgii hore qoyska inantu waxay diideen in ay siiyaan inantooda wiilka ay jeceshahay, sababo la xidhiidha qoyska uu ka soo jeedo waxayna u arkayeen inanka mid aan u qalmin inantooda. Arrintani ma ay farxad gelin lamaanaha is jecel, waxayna murgisay xidhoodhkooda. Inantu waxay ku cadho burburtaa wiilka, isna afkiibaa juuqda gabay oo wuxu ku hadlo ayuu garan la’yahay. Sanado badan ayaa ka soo wareegay, waxay arrintu sidan ahaatoba, ugu danbayntii wiilkii wuxu dhamaystay waxbarashadisa, wuxuna go’aansaday inuu sii wato tacliintiisa oo dhamaysto qaybaha ka hadhay.

Isaga oo aan weli dhoofin ayuu maalin maalmaha ka mid ah telefoon u diray inantii wuxuna u shegay inuu tagayo oo dal kale tacliintiisa kusoo qaadanayo, wuxu ku yidhi: ” waxa aan hubaa jacaylka aan kuu hayo, hadaad igu raacdona noloshada inta ka dhiman aniga ayaa dusha u ritay. Arrinta qoyskiinana, ka hadhi mayo oo waxan isku dayayaa inaan bedelo fikradooda. Adna waxan kaa codsanaya inaad igu garab gasho arrinkaas” Inantiina, ‘hawraarsan’ ayay ugu jawabtay.

Inankii wuxu ka fekeray sidii uu inanta reerkooda ugu qancin lahaa inay isu hibeeyaan, jiif iyo joogba waa loogu taag waayay, waqtigu wuu hayaa oo dhoofkiisa ayaa soo dhow, talo way ka kala yaacsantahay, waxbaa maskaxdiisa ka dhex guuxaya, habeeno badan ma ledin, hurdo la’aanta waxa ugu biiray feker badan. Nin habari dhashay hal ma seegi waayee, wixii rag u kaco rabina aqbalo way rumoobaane, wiilkii wuxu arrinta rog rogaba, wuxu qaatay go’aan ragonimo. Wuxu is tusay inuu geesinimo yeesho, oo inanta reerkooda sidii xeer ahaan jiray rag u kaxaysto si loogu soo qanciyo arrinta guurka.

Waqtigu wuu hayaa, tolow yaa saacada u yar joojiya, goor galab ah oo roob barqadii da’ay biyihii iyo daadkii kasoo rogmaday buuruhu weli dhulka sii qulqulayaan ayaa koox guurti ah oo hab dhaqan iyo xushmad leh oo aad moodo in loo darbay sida dadka loo qanciyo, erayba erayga uu ka haboonyahayna odhan og, ayuu inanki ku jiheeyey inanta reerkoodii.

Markii madashii la gaadhay, reer Islaameed warama iyo belo ma ogina lays yidhi, martidiina qol heersare ah la fadhiisiyay waxa la guda galay hadafkii loo socday, qoladii guurtidu fariintii dhiibe, odaygii inanta dhalay iyo intii ka agdhowaydna rog roge taladii, aakhirkiina gudoonay fariintiinii, inantiina waanu idin siinay ayaa lagu kala tagay, iyo mahad Alla lehe, sharaf iyo ducaanu idinkaga tagnay.

Habeenkaa, inankii farxad aan hore loogu arag iyo dhoola cadayn qurux badan ayuu ku habeensaday. Maalmo kadiba, waxa la guda galay xafladii meherka, inankii iyo inantiina halkaas bay ku noqdeen ul iyo diirkeed. Inankii sidii balantu ahayd wuxu u safrayaa dal kale si uu waxbarashadiisa u sii wato, inantuna shaqadeedii ayay sidii caadada u ahayd ka hawl gashaa. Intii lakala maqnaa, xidhiidhku ma istaagin, oo waxa la yahay hal bawlaha dhiiga qaada iyo wadnaha dhiiga qaybiya, telefoon iyo dhambaaloba wixii lagu wada xidhiidhi karayay waa la joogteeyey. Xaalku wuxu noqday dhoof nooli kulantee, ha dhantaalin caashaqa dhakhso waan u soo noqon, inkasta oo duruufuu kala fogeeyeen lamanahan cusub, hadana mid kastaaba dhankiisa ayuu ka ilaaliyay kana xaq dhawray axdiga dhex yaala.

Maalmuhu ways daba socdaanoo, cashadii timaadaba samaan ama dhiilo mid uun bay sidaa, waxa dhacday inantii oo maalin ku socota xafiiskii ay ka shaqayn jirtay, ayaa waxa gaadhigeedii jiidhay oo meel isgoys ah kaga soo baxay gaadhi wayn waxana inantii helay shil aanay filaneyn. Miyir la’aan ayaa u xigay, waxayna ku war heshay iyadoo cusbitaalka taala oo la hareero joogo. Intii hore ma rumaysan waxa dhacay oo riyay u haysatay, hase yeeshee markay aragtay waalidkeed oo garab fadhiya ayay ogaatay inay shil gashay.

Hooyadeed oo ilmo kasoo shagax tidhi ayay indhaha ku kala furtay, hadal ayay isku dayday mise afkiiba juuqduu gabay. Indhaha ayuunbay dadka ka aragtaa ee carabkiiba hadal maso celin karo. Waxa ku dhacay af xidhan oo hadalkii ayaa ka xidhmay. Dhakaatirtu waxay u sheegeen waalidkeeda in jugtii ka gaadhay maskaxdu ay waxyeeshay qaybtii hadalka.

Inantii waxa ku habsaday arrin laga naxo, waxa usoo galay waa cusub oo aan farxad lahayn, waxay noqotay dhegayso oo ha hadlin, waxay ku gashay mudo badan oo oohin aamusan ah. Mudo markii lagu hayay cusbitaalkii waxa loo qaaday gurigooda, laakiinse weli sidii bay u cod la’dahay, oo hadalku uga soo bixi la’yahay. Waxa aad u dhibay sanqadha ama cida telefoonka marku soo dhacayo, ma doonayso in wiilkii maqlo sida xaalku noqday, waxay ka cabsoonaysaa in uu telefoon soo diro oo ay la hadli kari waydo.

Inantii talo waxay ku gaadhay inay warqad u dirto wiilkii, una sheegto inaanay sugi karayn, oo uu fasax ka yahay. Fariintii markii ay gaadhay wiilkii, amakaag iyo fajaciso aan hore loo arag ayay ku noqotay, wuxu is waydiiyay waxa soo dersay ee cusub, hase yeeshee jawaab waafi ah umuu helin weydiimaha ka dhex guuxaya maskaxdiisa. Dhambaalo hor leh ayuu dabada isugu soo taxay, mase helin wax jawaab ah.. Telefoonka ayuu soo eersaday, tana waxba uma soo kordhin. Waxa keliya ee inantu samayn karaysay wuxu ahaa inay oohinta sii wado, ilayn ilmo kaama dhamaato.

Waalidkii waxay is tuseen inay meel kale u guuraan bal in ay kasoo rayso oo ilawdo arrimaha dhacay iyo shilka ay gashay. Deeganka cusub ee ay usoo diga rogteen, waxa ku yaala dugsi lagu barto luqada faraha layskala hadlo. Inantiina dugsigaas ayaa lagu daray.Waxay nafteeda ku qancisay inay ilawdo inankii, oo daadka ku darto warkiisa. Gabadh saaxibadeed ah ayaa u sheegtay in inankii soo noqday, kuye, ha u sheegin arrinkayga oo iska ilow ninkaas.

Sanad ayaa ka soo wareegay, gabadhii saaxibadeed ayaa maalin loo keenay kaadh casuumad aroos ah, mise maba laha iyadu ee waxay ku socotaa inanta hadalku ka xidhmay. Warqadii markii ay furtay inantii shilku helay iyada oo gariiraysa oo yaaban tolow waa ayo tan uu guursaday wiilkii, waxaba kaga soo baxay inantii warqadii wax la yaab leh, tolow waa maxay? Waa yaabka yaabkiise, inantii waxay ku aragtay kaadhka casuumada arooska magaceeda oo ku daba yaala magaca wiilkii.

Inankii wuxu ogaaday wixii dhacay, wuxuna gaadhi u soo kaxaystay guriga cusub ee inantu joogtay, iyada oo labadii hablood iswaydiinayaan waxa ay tahay warqadu iyo sida wax u jiraan ayuu guriga hortiisa gaadhigii ku bakhtiiyay. Albaabka ayuu deg deg u soo garaacay waana laga furay, waxana uu markiiba dalbaday in la tuso qolka ay ku jirto inantu.

Markuu soo galay qolkii ayuu faraha ka hadlay, isaga oo leh, mudo sanad ah ayaan soo bartay luqada faraha ama calaamadaha, waxanse kuu sheegayaa inaanan anigu marnaba ku ilaawin wax kasta oo kugu dhacayba,ii ogolow inaan noqdo codka aad ku hadlayso, waanan ku jecelahay. Waxa xigay fargalkii oo uu farta u galiyay, iyo dhoolacadayn qurux badan oo inantu ku jawabtay. Sidaas bayna ku noqdeen kuwii hodmee hoy wada galee isku waara abid.” Samraa sedkii hela”

Axmed Maxamud Cilmi-Shawqi

Adiguna ka dhiibo rayigaaga!

Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga!

Related posts:

Maxay tahay shaqada ay gabadhi ku xulato wiil? Dumarku qaarkood waxay Raga ku xushaan waxyaabo kala duwan ,...

Maxaad ku garan kartaa in jacayl ku asiibay? Jacaylkuse dhaawac ma leeyhay? Dhamaan su’aalahani waa su’aalo waawayn oo u baahan in kaligood...

Talo ku socota  hablaha Gabar xaas ah ayaa waxay maalin u tagtay nin caalim...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Aqoon korodhsi: Maxaad ka taqaan Afrika?
pics from: img.photobucket.com

Barnaamijkii Xiisaha Gaarka Ah Lahaa Ee (Ku Darso Ogaalkaaga) oo aanu Idiinku Hayno Qodobo La Yaab Leh Oo Aydaan Hore U Maqal Oo Ku Saabsan Afrika.

Waa mar kale iyo barnaamijkeenii todobaadlaha ahaa ee xiisaha badnaa ee (ku darso ogaalkaaga), oo aanu idiinku hayno qodobo la yaab leh oo xanbaarsan aqoon gaar ah oo ku saabsan qaaradda Afrika.

Ma ogtahay dadka ku nool dalka Sierra Leone, in Kunkii qofba, seddex ka mid ahi ay isticmaalaan Internetka, halka dalka Seychelles, Kunkii qofba 371 ka mid ahi ay isticmaalaan Internetka, isla markaana kunkii qofba 212 ka mid ahi ay haystaan Kumbuyuutaro.

Ma ogtahay in baarlamaanka dalka Rwanda uu noqday ka ugu badan Afrika ee ay dumarku ku leeyihiin kuraasta ugu tirada badan qiyaas ahaan 56.3 %, halka dalalka Sao Tome iyo Principe ay noqdeen kuwa ugu yar qiyaas gaadhaysa1.8 % .

Ma ogtahay dalka Equatorial Guinea in uu noqday dalka Afrika ugu sareeya tirada ragga shaqeeya qiyaas gaadhaysa (93.8%); halka dalka Namibia ay qiyaastaasi ka noqotay (60.35%).

Ma ogtahay in dalka Burundi uu noqday sanadkii 2007-dii dalka ugu badan Afrika ee ay haweenkiisu shaqeeyaan qiyaastii (90.2%); halka dalka Sudan uu noqday ka ugu hooseeya qiyaas ahaan (32.8%).

Ma ogtahay tirada dadka ku nool dalka Djibouti in ay ku nool yihiin magaalooyinka (84.6%), halka dalka Burundi  ay ka noqonayso tiradaasi (10.4 %).

Ma ogtahay in dalka Zimbabwe uu noqday sanadkii 2007-dii dalka ugu sareeya Afrika ee dadkiiisa qaangaadhka ahi ay wax qoraan waxna akhriyaan qiyaas gaadhaysa (91.2 %). Halka dalalka Burkina Faso iyo Mali ay noqdeen kuwa ugu hooseeya qiyaas ku siman (28.7%).

Ma ogtahay in dalka Gabon uu noqday dalka ugu keymaha badan Afrika, iyada oo baaxada dhulka ay keymahaasi ku fadhiyaan ay bedka dalkaa ka noqonayso 84.4 %, halka dalka Djibouti uu ka naqonayo dalka ugu yar, keymaha ku yaalaana ay bedka dalkaa ka noqonayaan 0.2 %.

Ma ogtahay dalka Seychelles, in uu noqday dalka ugu badan dumarka wax qora waxna akhriya  Afrika qiyaas gaadhaysa 92%, halka dalka Chad ay dumarku ka noqdeen 13%, dalka Niger-na15%.

Ma ogtahay carruurta ku nool dalka Burundi , ee ka yar shan jirku in jooga dhererkoodu uu ka gaaban yahay da”dooda  63.1%, halka dalka Senegal ay qiyaastaasi ka noqonayso 20.1%.

Ma ogtahay carruurta dhigata dugsiyada hoose ee dalka Mauritius in 22-kii ardayba uu ku soo hagaagayo hal macalin oo kali ahi, halka dalka Jamhuuriyadda Afrlkadda Dhexe ay 22-kii ardayba ku soo hagaagayaan 91 Macalin.

Ma ogtahay tobankii sano ee u danbeeyay(1997-2007) dadka ku nool dalalka Rwanda iyo Sierra Leone in dhereka cimriga dadka ku nooli ay sare u kacday qiyaas gaadhaysa 8 ilaa 11 sano, halka dalka Lesotho, ay hoos u dhacday 13 sano, dalalka South Africa iyo Swaziland-na uu ku yimi hoos dhac gaadhaya 10 sano.

Ma ogtahay in dalka Seychelles uu noqday sanadihii 2007-08, dalka dadkiisu ay ugu cimri dhererka badan yihiin Afrika oo ay gaadhaan 73 jir, halka dalka Mozambique uu noqday dalka ay dadkiisu ugu cimriga hooseeya qiyaas ku siman 42 jir celcelis ahaan.

Ma ogtahay dalka South Africa in uu noqday dalka ugu sareeya Afrika ee sii daaya carbon dioxide-ka qiyaas gaadhaysa 414,649 metric tons, halka dalka Comoros uu noqday dalka ugu hooseeya qiyaas gaadhaysa 88 metric tons.

Ma ogtahay in dalka Cape Verde uu noqday dalka Ugu sareeya tirada ardayda dhigata dugsiyada sare qiyaas ku siman (90%). Halka dalka Niger uu noqday ka ugu hooseeya qiyaas gaadhaysa (11 %).

Ma ogtahay Kunkii Carruur ah ee ku nool dalka Sierra Leone, in 272 ka mid ahi ay dhintaan iyaga oo aan gaadhin Shan sano, halka dalka Seychelles ay dhintaan Kunkii carruur ahba 13 ka mid ahi.

Ma ogtahay dalka ku nool dalka Chad, in 9% kali ahi ay helaan adeegyada lagu horumarinayo goobaha nadaafada ee khashin qubka, halka dalka Mauritius uu noqday ka ugu sareeya qiyaas ku siman 94%.

Ma ogtahay in dadka ku nool dalka Koonfur Afrika. Ay noqdeen kuwa ugu koronto isticmaalka badan Afrika shakhsi ahaan, celcelis ahaana uu qof waliba isticmaalo koronto qiyaasteedu tahay (4,809.0kW/h); halka dadka dalka Ethiopia ku nooli ay noqdeen kuwa ugu yar, calaa qofna celcelis ahaan ay isticmaalaan (38.4 kW/h).

Ma ogtahay dalka Mauritius in uu noqday dalka ugu badan Afrika ee ay dadkiisu isticmaalaan Kondhomka iyo kiniinka kala dheeraynta dhalaanka qiyaastii 75.85%, halka dalka Chad, uu ka noqday ka ugu hooseeya qiyaas ku siman 2.8%.

Ma ogtahay in dalka Sao Tome uu noqday dalka Afrika ugu sareeya saami ahaan tirada ardayda dhigata dugsiyada Hoose qiyaas gaadhaysa (97.1%)., halka dalka Liberia , uu noqday ka ugu hooseeya qiyaastii (30.9%).

Ma ogtahay dalka Gabon in uu noqday dalka ugu sareeya Afrika dhallinyarada wax qorta waxna akhrida qiyaas gaadhaysa 97%, halka dalka Burkina Faso uu noqday ka ugu hooseeya 39.3%.

Ma ogtahay carruurta Shan jirka ka yar ee ku nool dalka Burundi, in 38.9% ay yihiin kuwo miisaanka culayska jidhkoodu uu ka hooseeyo qiyaastii la rabay, halka dalka Gabon ay qiyaastaasi noqonayso 8.8%.

Ma ogtahay In Kunkii caruur ah ee ay da”doodu ka yar tahay Hal sano jirka ee ku nool dalka Sierra Leone, in 155 ka mid ahi ay dhintaan cimrigooda oo aan gaadhin Hal sano, halka ay qiyaastaasi ka noqonayso dalka Mauritius, Kunkii carruur ahba 12 kaliya.

Ma ogtahay sanadkan 2010-ka in dalka Sudan uu noqday dalkii ugu sareeyay Afrika ee laga hirgeliyo heshiisyada horumarineed ee la sexeexo qiyaas gaadhaysa 53%, halka dalka Rwanda uu noqday ka ugu hooseeya qiyaastii 24%.

Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)

Himilo_10@yahoo.com

hadhwanaag.com

Related posts:

Maxaad ka taqaan erayada ganacsiga sida meherad iyo macaash? Dhaqaalaha oo ah waxa kala wada aduuka ayaa waqtiyadan dambe...

Aqoon korosi – Ma ogtahay Ma ogtahay in xuruufta luqada Ingiliishka lagu soo kobo odhaah...

Xaqiiqo layaableh: Maxaad ka taqaan jirkaaga?  Bani aadmigu waa noolaha qudhee  mudhbaxsan ee toosan. Celcelis ahaan qof...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Farsama yaqaanka oo ay haweenku ka jecel yihiin quruxlowga
pics from:tustinmagazine.com spokane-handyman.com

Marka uu qof ka helo qof kale ayaa waxa meesha ka maqnayn in ay jiraan sababo keenay ka helitaankaas kuwaas oo noqon kara dabeecada uu qofku leeyahay, quruxdiisa ama dhaqaalahiisa iyo kuwa kale oo badan. Sida ay qortay Daily Express ayaa waxa baadhitaan cilmiyaysan oo la sameeyay lagu ogaaday in quruxdu ahayn ta ugu horeeysa ee ragu ku soo jiitaan hablaha. Waxa ka xoog badan oo hablaha soo jiita marka uu wiilku yahay mid farsama yaqaan ah. Sdia asaga oo ku fiican wax dhisida, xirxirida alaabaha iwm.

Waraysi laga qaaday 3000 oo haween ah oo baadhitaanka lagu samaynayay aa in ka badan kala bar haweenkaasi waxa ay sheegeen in ninka ku fiican farsamada gacanta oo yahay ninka ay xiisaynayaan. Hadii uu yahay mid suubin kara marka tv-ga, video-ga, pc-ga halaabaan ayaa waxa ay u arkaan in uu yahay nin daryeelaya haweenaydiisa.

Waxa jirta in ay haweenku jecel yihiin in ay daawadaan fanaaniinta, jilayaasha quruxda badan laakiin marka xidhiidh yimaado oo la is guursado ay doorbidaan in ay la noolaadaan nin farsamada gacanta ku fiican si uu ugu sahlo qosyska howshooda ayuu yiri afhayeenka Geek Squad oo baadhitaanka sameeyay.

Safiya Ahmed

Ladaneey Magazine

Adiguna sideed u aragtaa! Rayigaaga ka dhiibo!

Related posts:

Jiifka lamaanaha ayaa laga arkaa in ay farxad ku nool yihiin Maqaal ku soo baxay jariidada The Sun ayaa waxa shaaca...

Sidee baad ku ogaan kartaa gabadha sida dhabta ah kuu jecel?  Run ahaantii jacaylku waa tartan qarsoon oo ogaanshihiisu ay...

Kaalinta ay haweenku ku leeyihiin horurmarka Hadii aan taariikh yar oo gaaban dib u jaleecno bulshadu...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Ku naso seista – powernap ama indho guduudsiga
pics from: icakuriren.se

Waxa in badan oo soomaalida ka mid ahi hore u sameen jireen in ay galinka dambe, marka ay qoroxdu kulushahay ku nastaan hurdo. Taas oo ay ka heli jireen firficooni iyo awood badan. Hadana ay jiraan soomaali halkii ka sii wada taas. Hurdada – seista ama powernap – galinka dambe la seexanayo ayaa waxa ay ku xiran tahay halka uu qofku ku nool yahay.

Hadii uu qofku degan yahay wadan maalintii oo dhan la shaqaynayo ama skool la dhiganayo ayaa waxa yar fursada uu qofku ku seexan karo. Laakiin qofka degan meelaha galinka dambe la nasto sida Italy iyo wadamo kale ayaa waxa uu qofku fursad u heli karaa in uu seexdo. Meelaha maalintii oo dhan la shaqaynayo ayaa waxa qofku leeyahay xili uu ku nasto oo ah hal saac ama nusa saace. Waqtigaas oo ku yar qofka in uu hurdo fiican seexdo. Laakiin hadii uu qofku nusa saacahaas inadhaha guduudsado ayaa waxa uu ka heli karaa nasasho badan.

Waxa dhici karta in aanad habeenkii si fiican u seexan oo aad maalintii marka aad shaqada ku jirto ama skoolka joogto dareento daal badan. Si aad hadaba u noqoto mid fir fircoon, ka faa’iidayso waqtiga nasashada ee aad fasaxa gaaban haysato. Isku day in aad heshid meel ka mid ah shaqada ama dugsiga aad dhigato oo aad jiifsan karto. Halkaas oo aad seexan karto nusa saaca aad haysato.

Waxa muhiimadu tahay in aad gama’do 10 ilaa 20 daqiiqo. Ma haboona hadii aad gama’do in ka badan 20 daqiiqo maxaa yeelay waxa aad galaysaa hurdo dheer, ka dib marka aad toostana daal badan ayaad dareemaysaa. Waliba waxa dhici karta in aanad habeenkii si dhaqso ah u gam’in.

Marka aad qaadanayso “siesta” ama indho guduudsiga waa in aad haysataa saacad ku toosinaysa. Ogowna in ay dhici karto in aanad hore u gam’in. Hana ku mashquulin oo ha is ku dhalin werwer ah maxaan u gam’i waayay. Laakiinb adiga oo jiifsada oo iskala bixiyay ayaa waxa jirkaagu ka helayaa nasasho.

Safiya Ahmed

Ladaneey Magazine

Adiguna ka dhiibo rayigaaga!

Related posts:

Sheekooyinka beenta ah ee ku saabsan sida la isu caateeyo Waxa jira sheekooyin badan oo habluhu isu sheegaan sidii ay...

8 arimood oo aanad ogayn in baashaalku leeyahay  Baashaalku waa arin fiican marka aad rabtid in aad...

Haddii aad dareento dhibaato seexo In laga seexdo marka dhibaato ay si gaar ah kuu...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Amaan waxaa leh haweeka soomaaliyeed ee UK ee caawiyey curyaamiinta KM20
pics from: tmdata.x.se

Allah mahad leh,Suubane Rasuulkeenii Muxumud(CSW)ayaa sharaf iyo ku dayasho wanaagsanba leh. Ramadaantuna bisha camal kheyrka iyo isu-gargaarida bulshada dhexdeeda. Curyaamiin, naafo, agoomo iyo dadka bara-kacsan ee walaalaheena somaliyeed taakuleyn, caawin iyo gacan u fidinba inaga mudan.

Sidii aad iiga barateen taageerida, soo dhoweeynta iyo la duubnida guud ahaanba wanaaga, camal kheyrka, samo ka shaqeynta iyo d haliilida, cambaareynta, dhaleeceenta iyo si cad u diidiida wixii xumaan ah, dhibaato, colaad iyo guud ahaanba wixii dhanka bilaayo abuurka raacsan (Allah ha inaga dheereeyo wixii xun oo dhan-aamiin), koleey kala wanaagsan sama-wade iyo bilaayo wade.

Waxaa ilaa shalay maskaxdeeyda ku wareegaayeey, naftuna si weyn ugu riyaaqday camal kheeyrka, gargaare iyo ficilka wanaagsan oo ku saleeysan shareecada diinteena wanaagsan, ahna taakuladda walaalnimo ee haweenka xurmada iyo qadarinta weyn mudan, kuna dhaqan dalkan UK u fidiyeen curyaamiinta ku jira kaamka KM20 ee Muqdisho duleedka, kuwaas oo tiradoodi dhaaftay 400 oo qoys oo si weyn duruufahooda nololeed u adagtay, una baahnaa welina u baahan caawin, gargaare u fidiin iyo taakuleeyn joogto ah.

Ficilkaas wanaagsan iyo talaabadaas islaanimo ee haweenkaas somaaliyeed ayaa ka turjumeeysa biseeylka damiirkooda, wacnaanta dareenkooda dadnimo, garashadooda iyo fiyoowga caqligooda iyo sida walaalnimada leh oo ay uga naxeen qoysaaskaas curyaaminta ah. Iyadoo la wada ogyahay in aanay jiriin dhaqaalihii dowlada gacanta u fidin laheyd ama ka war qabi lahayd. Waxa aan halkan amaan,

bogaadin, hambalyo iyo mahad-celinba uga soo gudbinaayaa haweenka sharafta iyo milgo gobeedka mudan, oo deeqdaas lacageed u fidiyeey curyaamintaas kana farxiyeey – Allah Ifka iyo Aakhribo ha idiinka farxiyo-Aamiin – Sidoo kale waxaa waxaan amaan iyo mahad-celin u gudbinaayaa maamulka TV-ga Somalichanel Xamar oo deeqdaas la sii mariyeey, sidii ku habooneydna amaanadaas u gudbiyeey, kuna

simay oo gudoonsiiyeey cidii loogu talo galay oo ah curyaaminta Kaamka KM20.

Gunaanadka qormadan; waxaan ku guubaabinaayaa guud ahaan ummadda somaaliyeed, gaar ahaan jaaliyadda qurba jooga ah intooda damiirka nool leh, ehelu kheyrka ah, dareensan dhibaatada iyo duruufaha nololeed oo dadka dalkii jooga heeysta, weliba intooda dan-yarta ah sida curyaamiinta ama naafada, agoomaha iyo dadka gudaha ku bara kacsanba eey ku dadaadaalan taakuleeynta, caawinta iyo gargaar u

fidinta dadkaas.

Iyagoo tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan ka qaadanaaya ama ka duulaaya ficil kheyrka haweenka somaaliyeed ee UK iyo cid walba oo ku howlan ama sameeysa camal samafal ah oo loogu gargaaraayo walaalaheena aan kor ku xusan. Allah Gargaare leh, Raxmad leh, Kheeyr iyo Barako badan leh, Ramadaanka Kariim.

Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)

Ladaneey Magazine

Adiguna ka qayb qaado gargaarka shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan oo dhibaato ku haysato!

Rayigaaga ka dhiibo!

Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga!

Related posts:

Bisha ramadaan darteed soo daaya lamaanaha ingriiska ah Munaasabadda bisha barakeeysan ee ramadaanka oo ah bisha raxmadda,naxariista, is...

Dedaalka ardayda soomaaliyeed ee ka qalin jabiyey jaamacadaha Malaysia  Waxay aheyd malin farxad badan taasi oo ka danbeysay...

Facebook oo noqday goob ay iska guursadaan dhalinta soomaaliyeed  Wixii ka danbeeyay sanadkii 2007-dii ayay dhalinta soomaaliyadeed aad...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

14 jirka aduunka ugu dheer
pics from:style.spreadit.org

Elisany Silva ayaa noqotey Gabadha ugu dheer Dadka aan qan gaadhin ama da´´dooda ka hooseyso 15-sano Aduunka. Inkastoo gabadhan dheerarkeedu sababay dhibaato kaga timid dhinaca Schoolkeeda, maxayeelay ma geli karto baaska Schoolka u qaada ardayda sababo dhinaca dheerarkeeda awadeed.

Hooyada dhashay gabadhan ayaa welwel ka muujisay gabadheeda inay xanuusaneyso waayoo waa qoys sabool ah mana awoodi karto inay geyso Hospitaalka sababo dhaqaale la´´aan awadeed.

Si kastaba ha ahaatee, gabadhan ayaa waxay haysta riyo ah inay ka mid noqon doonto mar uun World Modeling, waxana haatan loo diyaariyay inay ka qeybgasho Modeling Keedi ugu horreysay ee Runway Appearane kaas oo ka dhacaya dalka Braziil.

hadhwanaag.com

Adiguna ka dhiibo rayigaaga!

<object width="500" height="344">
<param name="allowfullscreen" value="true" />
<param name="allowscriptaccess" value="always" />
<param name="movie" value="http://www.youtube.com/v/VDtSAXfcQRI&autoplay=0&loop=0&rel=0" />
<param name="wmode" value="transparent">
<embed src="http://www.youtube.com/v/VDtSAXfcQRI&autoplay=0&loop=0&rel=0" type="application/x-shockwave-flash" wmode="transparent" allowfullscreen="true" allowscriptaccess="always" width="500" height="344">
</embed>
</object>

Related posts:

K’Naan oo loo doortay inuu qaado heesta lagu furayo ciyaarta koobka aduunka K’Naan Cabdi Warsami oo ah fanaan soomaaliyeed isla mar ahaantaana...

10-ka film ee ugu fiican aduunka ee laga sameeyay qaybihii hore Marka la sameeyo film leh qayb labaad ilaa qayb sedexaad...

Warbixin naxdin leh oo laga soo saaray nolosha lamaanayaasha iyo caruurta soomalida ee degan UK Sahamin dhawaan la sameeyay ayaa daboolka ka qaaday in qoysasaka...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Kaalinta ay haweenku ku leeyihiin horurmarka
pics from: i.ytimg.com

Hadii aan taariikh yar oo gaaban dib u jaleecno bulshadu sideedaba waxay ka kooban tahay rag iyo dumar guud ahaan, sidaa daraadeed horamarku waxa uu ka yimaadaa dadaal ka yimaada raga iyo dumarka, hadaba waxaan jaleecaynaa kaalinta haweenku ku leeyinhiin horamarka bulshada, iyadoo inta badan la tilmaamo uun kalinta raga, markaan sidaa leeyahay ugama jeedo waxaa la ilaaway kaalintii dumarku kulahayeen horamarka, ee waxan is idhi malaha ragu haweenkay u dhaafeen inay wax ka qoran kaalinta ay ku leeyihiin horamarka bulshada.

Haddaba ilbaxnimadan aduunku gaadhay iyo kalinta weyn ee laga gaadhay aqoonta waxay keentay in la fahmo kartida iyo kaalinta ay haweenku ku leeyihiin horumarka bulshada waxaan ogsoonahay kalinta aqoonta inay raga kagaba horeeyaan, sida la tijaabiyay inay xifdiga iyo luuqadahaba kagaba fiican yihiin raga, qoraal kuma soo koobi karaayo sida ay haweenku uga dhex cadyihiin qaybaha kala duwan ee bulshada.

Akhristayaasha sharfta le waxaan xasuusinayaa, Ilaah umadiisa marka uu abuurayay wuxuu ka kala dhigay rag iyo dumar , labaduna wuxuu ilaah saaray xil aad u wayn oo ah in ay Alle caabudaan koon kan aynu joognana camiraan looma kala soocin oo lama oran raga unbaa u xilsaaran in ay koonka dunida camiraan ee si wada jir ah ayaa loogu xilsaaray. Dumarka somalida xilkaa Alle uu saaray ayaga oo gudanaya ayaa waxay ka qeyb qataan horumarinta bulshada qaybaheeda kala duwan , waxaaba la odhan karaa raga somalida ayaga ayaaba kaga faradhuuban arintaas .

Dumarka somalida waxay noqdeen 20 sano ee la soo dhaafay laf dhabarka dhaqaalaha wadanka. Waxaad arkaysaa hooyo gelina wax soosaaraysa gelina ubadkeeda bar baarinaysa. Hadii aan u soo daadago bulshada soomaalida iyo kaalinta aya ku leeyihiin; waxaan Allah ugu mahadinayaa in maanta bulshada soomaalidu fahantay qiimaha haweenka. Waxa aanan Allah u waydiinayaa dambi dhaaf awoowyaasheen, oo xili jahiliya ku jiray kalana door bidi jiray raga iyo haweenka. Taana waxa aan u cudur daaraya ayada oo wakhti jahiligii dadku isku xoog sheegan jireen. Si badheedh ah ayaa xoolaha lookala dhici jiray, arimaha caynkaas ahina dumar shuqul kuma laha oo wax dhisid mooyaane dumar wax dumid iyo dulmi kama qayb qaadan karaan oo Allah ayaa naxariis iyo nabad jacayl ku abuuray.

Hadaba haweenku horumarka bulshada waxa ay kaga qaybqataan si toosa iyo si dadban. Si dadban ayay uga qaybtaanaan oo waxa hubaal ah nin halyay ah oo si toosa u fikiraya, umadiisana wax u qabanaya ay ka dambayso dhabeel. Horaa loo yidhi “Haweenbaa rag is dhaafshay.”, Sidoo kale hal xikmad wacyi galin ah ayaa waxaa ka mid ahayd “Nin waligaa ma gaadhid oo loola jeedo nin kaa naag wanaagsan waligaa magaadhid. Taasi waxay inoo cadaynaysaa in kaalinta wanaagsan ee ragu ku leeyihiin bulshada dhex dheeda ayana ka faro madhnayn oo ay si dadban ugu lugleeyihiin.,

Hadaba bal aan si taarikhiya aan u soo sheegno kaalinta mar waliba haweenku ku lahaayeen bulshada soomaalida. Waxa ay umada soomaaliyeed soo mareen marxaalada adag oo kaladuwan, iskugu jira wakhtigii gumeysiga iyo xornimo doonkii. Waxa haweenku ka qaybqaatenn xornimo raadiskii shacabka somaliyeed. Taasna waxa kuu cadaynaysa, waakii Sayid Maxamed Abdalle Hassan gabay uu tiriyay ku lahaa,

Gare iyo Guntaneba maalintuu gees iskugu baydhay

Allaa noo gargaaree markuu shicibku guulaystay

Xawo taako oo ahayd halgamaa wayn oo u soo halgantay xornimo doonkii soomaaliyeed ayaa tusaale inoogu filan inay haweenku ka qayb qaataan dhaqdhaqaaqa bulshada, uubaabada, shacuur kicinta, leeyihiina dareen wadaninimo ku dheehantahay. Kadib waxa haweenku waqtigii kacaanka ka gaareen guulo la taabtan karo xagga ka qaybgalka siyaasadeed iyo go’aan gaarida.

Iyadoo sidaan wada ogsoonahay dhibatada soomaaliya ka tagan dadka ayay sida xun u taabatay ama ugu duldhacady ayay haweenka kow ka yihiin. Hadana waxay marwaliba u heelan yihiin ka samatabixinta dhibaatada umadooda. Hadii suugaan lagu soo bandhigo iyo hadii shir lagaga wada hadlayo sidii looga bixilahaa dhibaatadan kaalin muhiima ayay kaga jiraan. Dumarka soomalida waxa ay noqdeen kuwa ka shaqeeya iskaashiga iyo is garab qabsiga, saacidaadka dadka dhibaataysan. Taa waxaa cadayn u ah, gacanta wanaagsan ee ay ka geesanayaan walaalaheena dibadda iyo gudahaba ku nool. Waxa aad maqlaysaa waxaa deeqdan dhaqaale soo gaarsiiyay dhibanahaa ama dadkan tabaaleesan gabdho jooga wadanka gudahiisa iyo dibadiisa. Waxayna u qalbi furan yihiin marwalba caawinta dadka tabaalaysan. Dumarka somalida waxay habeen iyo maalin ku hawlan yihiin sida ay u soo saari lahayeen ubad wanaagsan, jacel dadkiisa iyo dalkiisa naftiisana wax tara. Sida dumar badan oo caruurtooda kala soo cararay wadamada reer galbeedka oo caruurtooda ku haya wadamaha carabta si ay u badbaadaan oo u bartaan diintooda toosan.

somalilandedu.com

Hibo Abdi Kamil

Adiguna ka dhiibo rayigaaga

Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga!

Related posts:

Kaalinta haweenka soomaaliyed iyo badbaadinta nolosha qoyska  Maanta oo Taariikhdu ay tahay 8-da Maarso ayaa Soomaaliya...

Haweenayda waxbaratay waa kaaliyaha cimri dhererka iyo nolol wanaaga  Daraasad ay aqoonyahano reer Sweden ahi fuliyeen ayaa soo...

Waxa aan idiin la galmoonaa in aan madaxa ku dejisano Rag badan ayaa aaminsan  marka ay gabadhi galmo la samaysyo...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Koob biyo ah isku caatee
pics from: hamtramck.us

Baryahan dambe ayaa waxa ku soo badanaya dadka uu kor u kacayo miisaanka jirkoodu caalamka, waliba wadamada reer galbeedka iyo kuwa soo koraya. Waxa inta badan aad loo hadal hayaa sida loo dhimo miisaanka jirka. Waxa jira habab, dawooyin, jimicsi iyo xeelado kale oo badan si hoos loogu dhigo culayska jirka.

Waxa buurnidu ka noqotay wadamo badan sida Maraykanka dhibaato sababana in dad badani caafimaadkoodu liito. Waxa arintana ka faa’iidaysta warshado iyo shirkado badan soo saarida dawooyin lagu dhimayo cayilaada.

Hadaba waxa la ogaaday in hadii aad rabtid in aad iska yarayso cayilaada ay u fiican tahay hadii aad biyo cabto. Hal koob oo biyo ah oo aad cabto cuntada ka hor ayaa waxa uu keenayaa in aad kaloriiga aad qaadanaysaa yaraanayo. Markaa qofka buuran ee raba in uu is caateeyo ayaa qasbabada ka shubanaya koob biy ah.

Marka uu qofku cabo qiyaastii 4.7dl oo biyo ah ka hor inta aanu cunto cunin ayaa waxa uu qofku hoos u dhigayaa boqolkiiba 75 ilaa 90 kalarigii uu qaadan lahaa. Daraasadana waxa baadhitaan ku sameeyay kuliyada Virginia Technical Institute  ee ku taal Marykanka.

Ka qayb galayaasha baadhitaanka ayaa waxa loo kala qaybiyay laba kooxood. Labada kooxood ayaa waxa la siinayay cunto ay ku yar tahay duxda iyo kaloriiga. Koox ka mid ah labada kooxeed ee baadhitaanka lagu samaynayay ayaa waxa ay cabayeen biyo inta ayna cuntada cunin. Kooxdani waxa uu culayskoodii hoos u dhacay boqolkiiba 30 marka loo eego kooxdii aan biyaha cabaynin.

Sababta ay biyuhu hoos ugu dhigayaan culayska ayaa ah dareenka maskada ka imanaya ee ah in uu qofku dheregsan yahay inta aanu bilaabin in uu cuno cuntada. Arintan ayaa waxa ay aad ugu fiican tahay dadka ku jira da’ dhex dhexaad ah ama da’da wayn. Halka ayna si aad ahu saamaynayn dhalinyarada sababta oo ah, biyaha ayaa si dhaqso ah uga baxaya calooshooda, waa sida ay sheegtay daraasadu, e.

Safiya Ahmed
Ladaneey Magazine

Adiguna ilaasho caafimaadkaaaga!
Ka dhiibo rayigaaga maqaalkan!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga!

Related posts:

Ma ogtahay dhibaatada dawooyinka la isku cadeeyo?  Markasta oo jahligu bato waxaa ka dhasha dhibaatooyin raadad...

Sheekooyinka beenta ah ee ku saabsan sida la isu caateeyo Waxa jira sheekooyin badan oo habluhu isu sheegaan sidii ay...

X-efekt – Siduu guurkii hore u saameeyaa lamaanaha isku cusub?  Ladaneey ayaa waxa ay ka qayb galaysaa dood xiriir...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.