Fikirka reeban ee raaxada ee ragu ku fikiro

May 12th, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Nolosha

photo from: pro.corbis.com

photo from: pro.corbis.com

Baaritaan ay sameeyeen khuburo maraykan ah oo  ka hawlgasha Seductionslabs ( laabka soojiidashada) ayaa waxa ay soo saareen natiijada daraasad ay ku sameeyeen sida ragu ugu fikiro galmda.

Daraasada ayaa waxa ay tilmaamaysaa in fikirka raga ee ku saabsan galmada uu ka duwan yahay ta dumarka. Fikirka raga ayaa waxa uu ku salaysan yahay awood iyo kala sarayn halka dumrakuna kaga fikirayaan in ay sameeyaan wax aan la caadi ahayn.

Hadaba halkan hoose ayaa waxa aan soo galinaynaa dhowr ka mid ah fikirka reeban ee raga firkirkooda galmada:

1-      Dumar badan

In uu laba xaas lahaado oo ay hal guri la degan yihiin, walibana ay mid seddexaad ugu jirto safka.

2-      Galmo joogta ah

In uu helo galmo joogta ah mar kasta iyo meel kasta oo uu joogo oo uu dareenkiisu kaco.

3-      In ay matasho xaaskiisu naag kale

Raga xaaska leh oo ilaalinaya jiritaanka qoyska ayaa waxa ay ku fikiraan in ay xaaskiisu iska dhigto naag kale oo aanu aqoon. Taas oo uu ragu ka helo dareen badan hadii ay xaaskiisu sidaas samayso.

4-      In ay la raaxaystaan naag ayna aqoon

Sida aan kor ku sheegnay in ay ku fikiraan in xaaskoodu matasho qof aanay hore u araga ayaa waxa ay ku tusaysaa in ay galmo la samyn lahaayeen naag kale oo ayna aqoon. Laakiin uu damiirku u ogolayn.

5-      Wax ay ku fikiraan waxa aad u mamnuuca ah

Waxa kale oo ay ku fikiraan in ay xiriir la sameeyaan xaaskooda saaxiibadeed ama ay aad ugu fikiraan haweenayda ka ah maamule shaqada ay ka shaqeeyaan.

Waxa kale oo ay ku fikiraan gabadh ka yar xooskooda ama ayaga oo leh harem ( oo ah dumra badan) oo ay qabaan. Waxa kale oo ka mid ah uguna damaysa arimahan kuwa ku fikira in ay is garaacaan. Taas oo afka qalaad lagu dhaho “sadomachocism”.

Ladaneey

Adigana maxay kula tahay? Waxa aad ka dhiiban kartaa fikirkaaga!
Waxa hoos ka furan meesha aad ku qori kartid fikirkaaga (comment)

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

4 comments
Leave a comment »

  1. RAGAN WAXAY KU FAKIRIN BAY NOO SOO DEYNAYAM RUNTII WAA DAD DHUNSAN RAGAN ISKA DHIGAYA IN AÝ OGYIHIIN DADKA WAXAY KU FAKARI WAA BEENTOO DEE NAGA DAA HUNNO

  2. asc,2 all

    Horta walalo  fikirkan  raggu wa  qaban  hadi u ninku naago badanu barto ama   gaalmo badan xaaskin a iska qaban karin.   galmadisa  badan waxu ku fikira inu  guursado  xaas kale. sidu  kolba mid ugu  aado markey mid  daasho lakin dumar  badan ayaan arintan la socon.  ninka  hamada iyo kacsiga badana  dhib aya heysta  wayo  xaaskisa  waxa dhici karta in ay  raali ka aheyn inu la guursado bahiidiisana  dabooli karin wa waxa manta somalida   qurbaha kala   heysta.  qoysyo badan ku burburaan allah ha  qaboojiya ragas dhibka heysta masakiin.

  3. hadsan dawooli karin may iska fasax mido rabo hala gursadee dhibka ayuu kal atagy bee

  4. wallal ragu haduu fekaero dumarku maxay ku fekeraan badanaaa ama ay isaga mid yihiin marka ay ninka leeyihiin iyo marka ay san lahayn keebayse feker badan yihiin?

Leave Comment


Ad