Sida ay Rihanna u ilaaliso quruxdeeda

May 30th, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Nolosha, Quruxda

photo from: submezzo.com

photo from: submezzo.com

Rihanna waa gabadh u dhalatay qurux walibana isa sii qurxisa ayada oo adeegsanaysa make up iyo raaxaysi u gaar ah. Hadaba waa kuwan hababka ay istimaashaa:

Rihanna oo ah fanaanad caana, dadkuna jecel yihiin heesaheeda ayaa waxa ay safar ugu baxdaa wadamo badan oo ay ka soo heesto. Socdaalka dheer iyo heesaha ay u qadayso dadka daawanaya ayaa ku keena daal fara badan. Sidaa darteed waxa la siiyaa masaash ama duugitaan ka saarta daalka haya. Waxa aan qaataa masaash sababtoo ah waxa aan ka daalaa garbaha marka aan ku seexdo sariiro kala duwan oo yaala hoteelada aan u hoydo iyo kuraasta diyaaradaha aan ku safrayo, ayay tiri.

Qurxinta wajiga
Rihanna ayaa waxa laga soo warinayaa in ayna wajiga ku samayn isqurxin dheeraad ah oo ka badan makeup-ka caadiga ah. Laakiin waxa ay si aad ah u xanaanaysaa cidiyaheeda.
Anigu kuma fiicni sida loo qurxiyo cidiyaha inkasta oo aan hada xiisaynayo sida loo qurxiyo cidiyaha. Hore waxa iigu dhajisnaa sawirka Obama cidida faryaradayda. Mar kalena waxa iigu dhajisnaa mid ka mid ah cidiyahayga sawir u eeg qof oo laga sameeyay baraf. Cidi kalena waxa iigu dhajisnaa sawir koofiyadeed ayay tiri Rihanna.

Makeup
Marka ay rabto in ay makeup samaysato ayaa waxa ay ka doorbidaa xamuurada. Ma iga tirtirmayso, kumana dhagayso timahayga sida saliida dibnaha lagu qurxiyo ee u samaysa dhalaalka ayay Rihanna tiri.

Rihanna waxa kale oo ay sheegtay in ay ka doorbido in ay qaadato qubays halka ay ka dhex gali lahayd baadka ama barkada biyaha laga buuxsado sababtoo ah baadka ayaa waxa uu iga qaadanayaa waqti dheer. Waxa ay cuntaa cunto u fiican jirkeeda laakiin  waxa soo jiidata cuntada qurxoon.

Fanaanadu waxa ay aad u cuntaa pomes fritis. Aadna uma jecla saladka inkasta oo uu faaiido badan yahay, ayay tiri.

Ladaneey

Adiguna sidee u ilaalisaa quruxdaada? Waxa aad ka dhiiban kartaa fikirkaaga!
Waxa hoos ka furan meesha aad ku qori kartid fikirkaaga (comment).

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

One comment
Leave a comment »

  1. it is just to bad that Rihanna had a physically abusive boyfriend like Chris Brown. she is a very talented and beautiful woman, she does not deserve to be beaten by a guy like chris brown.

Leave Comment


Ad