Waa maxay quruxdu?

Jul 7th, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Nolosha, Quruxda

photo from: www.dodforlag.se

photo from: www.dodforlag.se

Inta badan dadka dunidan ku nool waxay isku khilaafaan “Sideebaa quruxda qeexiddeeda loo dhigaa”?. Meel la isla dhigay quruxdana ma jirto oo qofba si ayuu u cabbiraa quruxda. Lamaane isa soo raacay oo tusaale ahaan dukaan dhar ka gadanaya, waxaa laga yaabaa Afadu inay jeclaysato midabka casaanka, sayguna uu ka helo midabka buluuga amase madowga.

Quruxda dumarka waxay ka mid tahay waxyaalaha ugu waawayn ee lagu murmo, nin waliba xayndaabka uu ku soo koray ayaa u soocan.

Haddaad waydiiso Wiilka 20-jirka ah ee jooga Gobalka Kardafuur ee Koofurta Suudaan, ahna qoomiyadda loo yaqaan DINKA waa Maxay Qurux? Gabadha aad guursanaysana sidee ayaad jeclaan lahayd inay u egtahay?. Waxuu 20 jirkaasi kuugu jawaabayaa isagoo tilmaamaya quruxda tuu aduunka ka calmaday:

“Gabadha aan guursanayo waa inay aad iyo aad u madowdahay, ilkahana miciyaha mooyee inta kale ka maqanyihiin oo afdulaakhantahay, sanku waa inuu waynyahay, bushimuhuna ay bararanyihiin, timaheedu waa inay gaa-gaaaban yihiin oo aad u adag yihiin, dhiico waa inay leedahay, horaaddo aad u wayna leedahay”.

Isla Su’aashaas haddaad waydiiso wiilka 20-jirka ah ee Soomaaliyeed ee ku nool Geeska Afrika, waxuu kuugu jawaabayaa “Gabadha aan guursanayo waa inay maariin casaan xigeena tahay, sanqaroor dhuuban leedahay, afku deeb yahay, timaheeduna dhaadheer yihiin oo jilbaha dhaafayaan, horaaddo gacan buuxsina leedahay”

Soomaalidu waxay tiraahdaa hadday naagi siddeed iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, misna gabar tahay, guurkeeda lama dhaafi karo.

Sifooyinka ay tilmaamaanna waa sidatan:-

Afar ay u dheer tahay: Labada gacmood, timaha iyo qoorta.
Labay u dhuuban tahay: Qoorta iyo dhexda.
Afar ay dhumuc u leedahay: Labada kub iyo labada cududdood.
Afar ay u caddahay: Labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab.
Afar ay u madowdahay: Labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.
Afar ay deeb u leedahay: Labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda).
Labay u shuban tahay: Labada dhaban.
Hal ay u buuxdo: Shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato.
Hal ay u qoran tahay: Waa sanka.

Lix iyo labaatankaas sifo waxaa soo raaco labada maqalkoodu ay dheguhu ku raaxaystaan, waana qosolkeeda iyo codkeeda macaan .

Balse labadaas wiil haddaad waydiiso Waa Maxay hilbo dirir?. Waxaad helaysaa isku jawaab oo ah hilbo dirir waxaa weeye: “Inaan nafta uhuro oo aan farxad iyo murugaba la qaybsado kuwa aanu bahwadaagta nahay oo cadowga iska xigsano dhereg iyo gaajana wada qaybsano”.

Halkaas waxaa kaaga muuqata labadaas wiil inay ku kala gedisan yihiin sifaha xagga qeexidda Quruxda, balse ay iskaga mid yihiin xagga hiilinta intii qoomiyad wadaagta oo hilbo dirinimadu tahay arwaax baniiaadamka ilaahay wada gashay.

Sababtuna waxaa weeye wax naf ilaahay geshaba waxay leedahay labo cadow midi waa dagaal joogta ah oo udhexeeya kuwa ay isku jinsiga yihiin tusaale shimbiraha intii meel wada degan waxay iska difaacaan oo buulkooda ka ilaashadaan isla shimbiro ay isku nooc yihiin oo kooxi difaaca ayay ku qaybsantahay kooxina way soo qaraabtaa oo quud ayay u raadisaa ciidanka difaaca iyo maatada ka kooban ugxaanta cuqda taal iyo kuwa gabooba.

Lagama yaabo kooxda qaraabka ku maqan inay sad bursadaan oo keligood intay caloosha buuxsadaan kuwii difaaca ku jirayna qadiyaan.

Cadowga labaad waa dagaalka joogtada ah ee naftu kula jirto waayaha, waxayna kuxirantahay hadba inta ilaahay ka siiyo qofka caqliga afka qalaadna waxaa lagu yiraahdo IQ (INTELLIGENCE QUOTIENT), sideedana ruuxiyadda ayaa shaqaysa oo jirku waa gaadiid ay isticmaasho ruuxiyaddu, waxaana laga yaabaa qof muuqaalkiisu cajiib kula yahay inuu xagga IQ uu ka yahay eber, halka midka muuqaalka aynu ku tilmaanay gaadiidka ruuxiyadda uu kuugu muuqdu wax liita laga yaabo inuu IQ-giisu (caqligiisa) u aad u sareeyo.

Dagaalka naftu kula jirto waayaha waxaa la cadeeyay inuu guul u dhowyahay kii fahma inay waxaani yihiin ayaamo tirsan oo marwalba ku xisaabtamo cimrigiisa waxuu qabtay xag adduunyo iyo xag aakhiraba.

Aan dib ugu noqonee muranka ka taagan Quruxda, waxaa dood badan iyo falanqayn ka dib loo batay in Quruxdu ay ku xiran tahay bay’adda qofku markaas ku noolyahay oo metelan haddii meel aan laga asturnayn uu qofkaasi ku soo barbaaro waxuu la yaabaa qofka is asturay, sidoo kale qofka indhihiisu ku soo barbaareen meel laga asturan yahay wuu ka fogaadaa kuwa Caaliyaadka ah.

Waxaase la isku raacay in Xishoodku yahay quruxda dumarka oo banii-adamku ka siman yahay in gabadhii xishoota ay ka soo jiidasho badan tahay tan xishoodka iyo aadaabta ka dhimmatay.

Qoomiyadda Soomaalida oo ah dad boqolkiiba boqol muslin ah, islamarkaana hiddo iyo dhaqan suuban u leh xishoodka iyo asturnaata, Inta badan soomalidu waxay yiraahdaan lebiska Hidaha iyo Dhaqanka Soomalida waa soo saara ilayska Quruxda Gabadhaha Soomaalida, sidoo kale abaabinta ubadkooda ayaa mid ka ah quruxda gabadha soomaaliyeed ee Akhlaaqdu ka buuxdo dabeecadeeda.

Isu qurxi xaaskaaga:
Ma la socotaa inay xaaskaagu ku farxayso markay aragto adoo jidhkaaga ka shaqaynaya!
Ma ogtahay inay xaaskaagu ku raaxaysanayso markay aragto adoo iyada isu qurxinaya!
Ma ogtahay inaad ajar ku helayso markaad xaaskaaga isu udgoonaysiiso!
Ma ogtahay jacaylka ay kuu qabto inay sii siyaadinayso ihtimaamka aad jidhkaaga siinaysaa!

Mase ogtahay inay ka diiqadoonayso:
Markay ku aragto adoon jidhkaaga ihtimaam siinayn!
Adoon cidiyahaaga gurayn ( iska jarayn joogto )!
Markay ku aragto cidiyahaaga oo wasakhi ka buuxdo!
Markay aragto timahaaga oo aan saliid la marinayn ama markaliya la shanlaynayo maalintii!
Jidhkaaga oo markasta basaas ka muuqato oo aan saliid & kiriim midna la marin!
Markaad udhawaato adoo sigaar iyo qadhmuunkiisii kaa soo urayo!

Markay ku aragto jidhkaaga oo aan dhisnayn!
Adiga oo ay calooli kaasoo baxday ama naaso yeeshay!
Gadhkaaga oo aadan nidaaminayn!

Ma ogtahayse inay ka xumaanayso:
Markasta oo aad ku canaanato inayna is qurxin, adoo adiguna aan dan ka lahayn jidhkaaga!
Markasta oo aad ku dhahdo basalbaa kaa soo uraysa, adoo adigana uu sigaar kaasoo urayo!
Markasta oo aad jidhkeeda wax ka sheegto, adoo adiguna kaaga u arkaya inuu dhamaystiran yahay!

Kaama rabto xaaskaagu
Inaad uunsi shidato!
Inaad dhaldhalaal xidhato!
Inaad afka soo casaysato!
Inaad makeup marasato!
Inaad gacmaha xine marsato!
Inaad timahaaga koofeerka gayso!
Inaad jidhkaaga ka yeesho mid jidhkeeda oo kale ah!

Waxayse kaa rabtaa:
Inaad dareensiiso inaad iyada isu qurxinayso!
Inaad tusto inaad ihtimaam siinayso jidhkaaga oo aad iyada isu diyaarinayso!
Inaad ugu fakarayso iyada sida ay iyadu kuugu fakarayso markasta!
Inay ku aragto markasta adoo udgoon kaasoo carfayo!
Inay aragto jidhkaaga oo soo jiidanaya markasta!
Inay aragto muruqyadaada oo jidhkaaga kasoo muuqda ( adoon ka badbadinayn )!
Ma ogtahay hadaba Inataas oo dhan inayna marna ragganimadaada wax u dhimayn siday aamin san yihiin niman badani, iyagoo xujo ka dhiganaya is qurxinta iyo iska shaqaynta waxaa loogu talo galay dumarka. Waxay dhahaan nimankaasi, gabadhu waa inay ninka ku qaadataa sida uu yahay, ninka is qurxintiisu waxay ku eegtahay inuu qubaysto, cadaydo & inuu dhar nadiifa xidho.

Waxaa hubaala nimanka sidan u fakarayaa inay iloobeen in dumarku ay yihiin banii aadam iyaga oo kale ah, oo wixii naftiisa raali galinayaa in iyadana uu raali galinayo, in sida uu u jecelyahay dhalaalka iyo quruxda xaaskiisa inuu arko markasta inay iyaduna sidaas oo kale u jeceshahay.

Tusaalena waxaa inoogu filan saxaabigii waynaa Ibnu Cabaas siduu samayn jiray, markasta oo uu arko xaaskiisa oo isu soo qurxinaysa ama isu soo diyaarinaysa isaga, isna markaa ayuu ku dhaqaaqi jiray inuu isu diyaariyo iyada.

Ismaaciil Cumar Jaamac (Ismo)
ismail.omar@hotmail.com

Calanka.com: – Isha wararka xaqiiqda

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

One comment
Leave a comment »

  1. abwaan axmad daljir hadaan miisaanka quruxda dumarka
    suugaana adeegsado
    sedaxbaa hablaha laga dhugtaa quruxda dhuuxaahe
    weji dhiina qoortoo yar dheer timaha soodhaafay
    dhexdoo madaga dhabarkoo gajacan xibin walboo dhuuxa
    dibno dhuxula maariin dhalaal dhirir lixaad yeeshay
    hadii dhool ilaah siiyey waa qurux dha maan teede
    dhaqankii asxaabada habaro keey udhaqantaahu
     
    walaala yaal intaas ayaa nagaga filan
    qurux dooquna waa mid gooniya
    intaas aan soo sheegay
    inantaan jeclahay midna kama heeysato
    laakiin qof waliba ilaah wuxuu siiyaa
    wax lagu jeclaado ok mahad sanidin
     

Leave Comment


Ad