Fanka iyo fanaanka – Kadra Daahir

Jul 22nd, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Music

huda

Fanaanda wayn ee caanka ah Khadra Daahir  Cige waxay ku dhalatay magaalada Hargeysa, halkaas ayey ku barbaartay waxna ku baratay, ka hor intii aanay jiidan dabaysha fanka-jacaylka oo biyo dhigtay yaraanteedii. Siday Khadra Daahir sheegtay muxibadda fanku waxay la kowsatay koritaankeeda garaadka. Intii ay waxbarashada ku jirtay ayay bilowday qaadista heesaha, heestii ugu horeysay ee ay qaadanaa waxay ahayd hees waddani ah oo uu alifay Cali Ibraahim Iidle oo ahaa macalin luqadda carabiga dhiga, Khadrana Daahirna macalin u ahaa. Heesta waxay qaaday sannadkii 1972-kii, waana heesteedii koowaad ee ay bilowday fanaka ay qanita ku tahay.
Heesteedaa koowaad waxaa midhaheedii ka mid ahaa:

Hawl iyo dadweynoow,
Hantidoon wadaagnaa
Waa horumarkeeniyo
Hido aynu leenahay,
Hayaan baa la gelayaa,

Khadra Daahir, intaa kagamay hadhin jacaylka ay u haysay fanka, waxayna kor u sii kacday markii ay dhiiri-gelin ka heshay dad badan oo ka mid ahaa bahda fanka, waxayna mar kale hees la qaaday hablo ay isku Iskuul ahaayeen.

Saalax Qaasim oo aad ula dhacay codka inantaa yar, ayaa madaxii idaacadda raadiyow Hargeysa, Idiris Cigaal u sheegay in ay Khadri heesi karto, sidaa darteedna la qaato.  Iyada oo sidii wax u dhaceen ka sheekaynaysa waxay tidhi “waxaa la ii geeyay Allaha  ha u naxariistee Ismaaciil Yare, Huuryo, Saalax Qaasim iyo Siciid Xarawo, waxayna i yiraahdeen ”hees kale maqaadi kartaa?”.  Waxaan qaaday hees kale oo ay Sahra Axmed qaado.

Khadra Daahir Cige, waxay si toos ah fanka u bilowday sannadkii 1974-kii. Habeen habeenada ka mid ah, ayay Khadra ka qayb-gashay xaflad, waxayna halkaa kula kulantay fannaanka Saalax Qaasim oo kabanka u garaacay markii la sara-kacday hees ay qaado fannaanadda Sahra Axmed.

Maalintaa kadib, Khadra waxaa loo aqoonsaday fannaanad ka midda hoboladii Waaberi, iyadoo isla sannadkaa si buuxda uga qayb-gashay riwaayado caan ahaa oo ay ka mid tahay Dab jacayl Karin Waa, oo kamida ruwaayadaha soomaalida kuwa ugu horreeya uguna caansan, curiyeyna abwaan Xassan X.C/laahi (Xassan-Ganey).

Khadra Daahir, waxay ku caan baxday ku luuqaynta heesaha jacaylka ah oo ay kaga soo dhex-mudhay masraxyadihii kala duwannaa ee fanka soomaalida, waxaanay qaab-masrixiyeedkeeda, fannaan-nimadeeda iyo luuqdeeda dabacsan-ba ku soo jiidatay dadweyne aad u tiro badan oo soomaali ah oo xoog u dhegeysta heesaheeda, kuwaas oo ay xitaa ka mid yihiin fannaaniin iyo abwaanaba.

In badan oo Soomaalida ka mid ahi, markay fanka ka hadlayaan waxay Khadra ku tilmaamaan boqorada jacaylka. Mar la weydiiyay heesteedii u horeysay ee jacaylka ahayd ee ay qaaday, waxay sheegtay in ay ahayd hees uu sameeyay nin la odhan jiray Maxamuud oo reer Hargeysa ah. Heestaasi, waa heesta caanka ah ee ereyadeeda ka midka yihiin;

Afka lagama sheegtoo,
Adigoon Jacayl arag,
Looma uur xumaadee

Heestani, waxay ahayd tijaabadii ugu dambaysay ee Khadra laga qaado, ka hor intii aanay ku dabaallan badweynta heesaha ee ay marba dhinac u qaadaysay. Su’aal ku saabsanayd, sidii dareenkeedu ahaa markay fanka bilowday waxay tidhi “ Waan yaraa, waayo-aragnimana maan lahayn, balse waxa I jiidanayay jacaylka aan u qabay fanka.“Marka laga tago riwaayadii la odhan jiray Dab Jacayl Karin Waa oo ay Khadra kala wareegtay Sahra Axmed oo markii hore heesaaga koowaad ka ahayd.

Waxa kale oo ay markiiba hogaan-qaaday riwaayad la odhan jiray Jini iyo Jacayl oo noqotay mid markiiba ku fiday daafaha dhulka soomaalidu degto. Heesaha ay qaado Khadra Daahir, waxa intooda badan sameeyay Abwaan Xasan X. C/laahi (Xasan Ganay). Hase yeeshee, heesta ay ugu jeceshahay heesaha ay ku luuqayso, waxay ku tilmaantay hees uu sameeyay abwaan Maxamed Cali Kaariye.

Mar ay arrintaa ka hadlaysayna waxay Khadra tidhi, “Heesahayga waxaan ugu jecelahay, Jacaylkii Boorama, kii Bulaale iyo Herer, Berberiyo Hargeysiyo, kii Banaadir igu helay”. Fannaanadu, waxay jacaylkeeda heestaa bud dhig uga dhigtay munaasibad u gaar ah oo ay ka turjumaysay sida ay u jeceshay, taas oo ku yeelatay saamayn Khadra lafteeda dhinaca cishqiga.
Heesstaasi waxay lahayd laba munaasibadood, ta hore abwaanka sameeyay oo jacayl rasmi ahi ii hayay, iyo aniga laftayda oo markaa la i hayay.“ Sidaa waxa tidhi Khadra Daahir oo daboolka ka qaaday, jiritaanka sharaxaad ay bulshadu ka bixin jirtay aroorka nudaha iyo macnaha ay heestu xambaarsan tahay.

Haddaba Khadra Daahir Fankeedii, iyadoo aan lasoo koobi karayn, waxa aanu milicsanay in aanu intaa Kooban kasoo qaadano, intaasoo waliba saxaafadda Somaliland ka diyaarisay mar ay Hargeysa booqasho ku timid.

Inkasta oo fannaanaddu imika ay joojisay fankii, una baydhay dhinaca diinteena suuban ee islaamka iyo barashadeeda, ayaa waxay wakhtigan xaadirka ah inta badan ku nooshahay qurbaha, iyad oo fannaanadu aad uga deyrisay nolosha qurbo joogga ah oo ay ku macnaysay mid adag oo ka soo horjeedda dhaqanka soomaalida.

“Waa meel aanad cidna ka garanayn. Dhibaatooyinka qurbaha nagu qabsaday, waxa ka mid ah wax-soo-saarkayagii oo yaraaday” ayay tidhi Khadra oo ka hadlaysay carqaladaha dhulka shisheeye ay kala kulmeen.

Siciid Xuseen Xaashi (Ducaysane)
sidiic122@hotmail.com
Suriya Dimishiq

Halkan hoose ka daawo Khadra iyo mid ka mid ah heesaheeda macaan!

Adigana ka dhiibo fikirgaaga
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku qori kartid rayigaaga (comment).

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

8 comments
Leave a comment »

  1. waan ka helay bal se waxaan kajecelahay magool iyo kuluc

    wowwwwwwwwwwww niceeeeeeeeeee

  2. Aad iyo aad ayey iiga soorogtay xasuus aan uqabo wadan ki hooyo
    iyo qaran nimo waan idiin kamahad celinaayaa

  3. WAXAANBA MODAA IN AA KA HADLAAN HEESAHA EEE QAADO KHADRA IN EY OGTAHAY DAREEN KEGA WAANA ILETALAGALAY
    AFKA LAGAMA SHEED TOO ADIGOO JACEEL ARAG LOOMA UUR XUMAADEE

  4. ka naxoo nafta waa dee waa naag reer waqooyiya dee oo reer hargaysa ah oo muwadina reers/land ah . fanku hoyadii waa hargaysa maha meel kale

  5. waxaan marlabaad usoo jeedinayaa akhyaartan webka update garaysa inaad beeen ka shheegteen iyadoo yar ayay teyatarkii hargaysa ka bilowday heesteedii ugu horeysay
    oo fananii waweyn ayaa ka soo qayb galay

  6. khadro waa fanaanad aad uwanaagsan oo aan anigu dhihi karo hooyadii fanka laakiin waxaa oodhan hada waxaa ka wanaagsan in diinta loo dwowaado sida khadrosalaama alaykum waa abdow oo kuleh nabad iyo barwaaqo ku waara adiga iyo caruurtaada .

  7. I apologise, but, in my opinion, you are not right. I can defend the position. Write to me in PM, we will talk.
    Excuse for that I interfere … I understand this question. It is possible to discuss.
    It is simply magnificent idea
    What good words
    Can be.

  8. heestani waxay inoo sheegaysaa sekoow sida caawa casharku yahay, bal ila dhagayso inadeer.

Leave Comment


Ad