Aqoon korodhsi: Dhismaha personal computer

Aug 24th, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Nolosha

pics from: buieruwen.blogg.se

pics from: buieruwen.blogg.se

Personal Computers waxaa loo qeybiyaa laba qeybood oo kala ah PC iyo Macintosh. Kumbiyuutarrada noocaan ah ee maanta la isticmaalo 95% (boqolkiiba sagaashan iyo shan) waa PC. 5% (boqolkiiba shan) waa Macintosh. In kasta oo ay PC iyo Macintosh iskaga mid yihiin wax badan oo aan uga hadlayno casharkaan iyo casharradeena dambeeyaba haddana waxaa jira wax badan oo ay ku kala duwan yihiin. Sidaa darteed ayaan casharradeenna inta ka hadhay waxaaan kaga hadli doonnaa oo ay si gaar ah ugu saabsanaan doonaan nooca PC, maadaama uu yahay nooca ugu badan ee maanta la isticmaalo.

pics

QAAB DHISMEEDKA PERSONAL COMPUTER

Personal Computer wuxuu ka kooban yahay qeybo kala madax bannaan oo la isku xiriiriyay. Qeybahaas waxaa guud ahaan loo sii kala qeybiyaa 4 (afar) qeybood oo waa weyn oo kala ah:

1. Computer Case oo ah qeybta u taagan kumbiyuutarka.
2. In Devices oo loo adeegsado in kumbiyuutarka akhbaar lagu galiyo.
3. Out Devices oo loo adeegsado in akhbaar kumbiyuutarka ku jirta lagula soo baxo.
4. In and Out Devices oo loo adeegsado in kumbiyuutarka wax lagu galiyo iyo in wax lagula soo baxo labadaba.

pics from: somaliforchange.com

Afartaas qeybood ayaan mid mid u soo qaadanaynaa innagoo mid walba sheegayna waxna ka taabnayna qeybaha soo hoos gala iyo mid walba waxa loo adeegsado.

1. Computer Case

Computer Case waa sanduuqa birta iyo balaastiga isku jira ka samaysan ee ay wayiradu xagga dambe kaga jiraan. Dadka badankiisu qeybtaan muhiim uma arkaan laakiin waa qeybta saldhigga u ah kumbiyuutarka iyo qeybaha uu ka kooban yahay Computer Case waxay u kala baxdaa laba nooc oo kala ah Tower iyo Desktop.
Tower oo ah nooca kaaga muuqda sawirka waa nooca ugu badan ee la isticmaalo. Tower waxaa loogu tala galay in la dhigo dhulka miiska hoostiisa ah, wuuna ka waasacsan yahay oo ka qaad badan yahay Desktop.
Desktop waa nooc jiifa waxaana loogu talagalay in la saaro miiska dushiisa. Screen-ka ayaana inta badan dusha laga sii saaraa.

pics from: somaliforchange.com

pics from: somaliforchange.com

Cumputer Case waxaa ku jira qeybaha kumbiyuutarka ugu muhiimsan uguna xasaasisan, waxayna qeybahaas u tahay gaashaan ka ilaaliya inay wax gaaraan. Waxaa kale oo ay kumbiyuutarka ka ilaalisaa kulaylka oo waxaa ku rakiban marwaxad qaboojisa oo hoos u dhigta heerkulka kumbiyuutarka si uusan u guban.
Qeybaha muhiimka ah ee ku dhexjira Combuter Case waxaa ka mid ah:

Motherboard ama Mainboard oo ah sagxadda ay ku fadhiyaan waxa loo yaqaanno Cards oo aan uga hadli doonno casharrada dambe. Motherboard wuxuu xiriiriyaa oo uu korontada iyo akhbaarta u kala gudbiyaa dhammaan qeybaha kale ee kumbiyuutarka waana qeybta ugu muhiimsan kumbiyuutarka. Processor oo ah qeybta hagta ee maskaxda u ah kumbiyuutarka, xawaaraha kumbiyuutarkuna iyada ayuu ku xiran yahay.

Hard Drive waa halka lagu kaydiyo wixii akhbaar ah ee kumbiyuutarka la galiyo.
Memory waxaa si ku meelgaar ah loogu kaydiyaa wixii akhbaar ah ee diyaarinteeda gacanta lagu hayo inta aan la dooran in si rasmi ah loo kaydiyo. Wixii halkaas lagu kaydiyo waxaad heli kartaa inta uu kumbiyuutarku shidan yahay. Haddiise kumbiyuutka la damiyo wey lumayaan. Memory waxaa kale oo isticmaala hadba program-yada markaas shidan.

Floppy Disk Drive waa halka kumyuutarka laga galiyo cajaladda yar ee kumbiyuutarrada lagu isticmaalo.
CD-ROM waa halka kumbiyuutarka laga galiyo nooca cajaladda ah ee loo yaqaan CD.
Cards waxaa la isku yiraahdaa kaarar loo isticmaalo hawlo kala duwan. Kaararkaas waxaa ka mid ah Sound Card, Graphic Card, Network Card, Video Card iwm.

Mid kasta oo ka mid ah qeybhaas cashar u gaar ah ayaan ku soo qaadan doonnaa markaa ayaanan si faahfaahsan uga hadli doonnaa.,br /> Waxaa aad muhiim u ah in Computer Case-ku ay waasac tahay waayo waxay taasi fududaynaysaa qulqulka hawada ka soo baxaysa marwaxadda. Waxaa kale oo ay taasi kuu suurto galinaysaa inaad kumbiyuutarkaaga sii dhisto oo aad ku sii kordhiso qeybo kale.

2. In devices

In devices waxaa sidaan soo sheegnay la isku yiraahdaa qaybaha loo adeegsado in kumbiyuutarka akhbaar lagu galiyo. Aaladahaas waxaa ka mid ah:

I. Keyboard

Waxaa loo adeegsadaa in kumbiyuutarka akhbaar lagu galiyo. Xarfaha Keyboard-ka ka muuqda iyo sida ay u safan yihiin labadaba waxay ku xiran yihiin hadba waddanka loogu tala galay in laga isticmaalo. Laakiin waxaa caadi ah inuu yeesho 101 ama 102 batoon iyo wixii ka badan. Nooca ka muuqda sawirka waa nooca caadiga ah laakiin waxaa jira noocyo qalqalloocan oo ay qolyaha samayay yiraahdaan waxaan u qaabaynay si gacmaha u roon.

pics from: andhrajyothy.com

pics from: andhrajyothy.com

II. Mouse

Mouse wuxuu noqday aalad aan laga maarmin marka ay soo baxeen operative systems ku salaysan graphic sida Windows. Waxa kale oo isticmaalkiisa sii badiyay internet oo inta badan lagu saleeyo in mouse-ka lagu taabto qoraal iyo sawirro kala duwan. Inta badan wuxuu leeyahay 2 ilaa 3 batoon. Waxaa jira qaar ay intaas u sii dheer tahay garaangar yar oo batoommada dhexdooda ku taalla oo loogu talgalay in bogga kor iyo hoos loogu socodsiiyo. Waxa kale oo uu sida caadiga ah dhanka hoose ku leeyahay kuul yar oo ku dul wareegata hadba meesha la dul saaro. Kuushaasi waxay suurto galisaa in fallaarta mouse-ka loo dhaqaajiyo hadba dhinacii la doono.

pics from: somaliforchange.com

pics from: somaliforchange.com

III. Scanner

Waxaa loo isticmaalaa in sawir ama qoraal buug ama warqad ku yaalla lagu akhriyo si kumbiyuutarka loo galiyo. Scanner waxaa ugu badan nooca loo yaqaan flat Scanner oo ah nooc u eg mishiinka loo isticmaalo koobiyeynta waraaqaha waana kan sawirka ka muuqda. Sida daabacaha ayuu scanner-ku wuxuu ku kala duwan yahay xagga xawaaraha iyo tayada waxa uu koobiyeeyo. Waxaa jira noocyo yaryar oo gacanta lagu qabto oo la dul mariyo waxa la koobiyeynayo. Noocaan waxaa inta badan lagu arkaa dukaammada waaweyn oo waxaa lagu akhriyaa kood ku dhaggan shayga aad gadatay oo sheegaya nooca iyo qiimaha shaygaas.

pics from: somaliforchage.com

pics from: somaliforchage.com

IV. Microphone

Makrafoon inta badan gaar ayaa loo soo gataa oo lama socdo kumbiyuutarka waayo waxaa loo baahdaa marka aad adigu rabto inaad kumbiyuutarka cod ku duubto. Arrintaasna dadka intiisa badan waxaa laga yaabaa inaysan u baahan.

pics from: somaliforchange.com

pics from: somaliforchange.com

V. Joysticks

Waxaa loo isticmaalaa ciyaaraha kumbiyuutarka lagu ciyaaro sida kuwa dagaallada ee xabbadaha la rido, diyaarada, baabuurta iwm. Joystik wuxuu leeyahay gacan taagan oo dhinaca hore ku leh batoommo loo adeegsado hawlo kala duwan sida in xabbad la rido, in meel laga boodo, in la dhabacdo iwm. Gacan-ka laftiisa waxaa loo adeegsadaa in diyaarad, baabuur ama qof lagu hago sida in marba dhinac loo leexiyo, in horay ama gadaal loo socdo iyo in la joojiyo.

pics from: vmart.pk

pics from: vmart.pk

VI. GamePad

Gamepads waxaa inta badan loo isticmaalaa ciyaaraha baabuurta. Waxay inta badan u kala baxaan laba nooc.
Nooc yar oo fidsan oo leh batoommo fara badan oo loogu tala galay hawlo kala duwan.
Nooc ka kooban isteerin u eg kan baabuurta oo leh batoommo fara badan iyo qeyb dhulka la dhigo oo shabahda fariinka iyo sheelaraha baabuurta. Taasi waxay keentaa in qofka ciyaarayaa uu dareemo sidii inuu baabuur rasmi ah wado oo kale.

pics from: somaliforchange.com

pics from: somaliforchange.com

3. Out devices

Out devices waxaa iyagana sidaan soo sheegnay la isku yiraahdaa aaladaha loo adeegsado in akhbaar kumbiyuutarka ku jirta lagula soo baxo. Aaladahaas waxaa ka mid ah:

I. Monitor

Monitor ama Screen waa muraayadda aad ka aragto waxa kumbiyuutarka ku jira. Monitor-ku waa qeyb muhiim ah waayo waa halka lagala xiriiro kumbiyuutarka. Monitor wuxuu leeyahay noocyo iyo cabirro kala duwan wuxuuna la shaqeeyaa oo isaga iyo kumbiyuutarka u kala turjuma kaar loo yaqaan Graphic Card oo ka mid ah kaararka ku jira sanduuqa kumbiyuutarka. Haddii monitor-kaaga ama Graphic Card-kaagu uu duq yahay waxay keenysaa in uu sawirka monitor-ka ka muuqdaa uu yara gargariiro oo uu indhahaaga wax u dhimo. Sidaa darteed waa muhiim in kumbiyuutarku uu leeyahay Monitor iyo Graphic Card casri ah oo ay tayadoodu fiican tahay.
Monitor-ka waxaa lagu cabbiraa waxa loo yaqaan ‘tum’ oo ay astaan u tahay (“) una dhigma 2,5 cm. Waxaa tusaale ahaan la cabbiraa fogaanta u dhaxaysa muraayadda geeskeeda bidixe ee hoose iyo geeskeeda midige ee sare. Cabbirrada monitor-ka waxaa ka mid ah 14″, 15″, 17″, 19, 20″, 21″ iyo 24″. Kumbiyuutarrada cusub ee maanta suuqa yaallaa waxay u badan yihiin cabbirka 15″ 17″, iyo 19″. Mar kasta oo uu cabbirka Monitor-ku sii weynaadaba waxaa sii kordha qiimihiisa.

II. Printer

Daabace waxaa loo isticmaalaa in akhbaar kumbiyuutarka ku jirta warqad lagu daabaco. Daabuhu inta badan lama socdo kumbiyuutarka laakiin gaar ayaa loo soo gataa. Daabucuhu wuu noocyo badan yahay oo wuxuu ku kala duwan yahay samayska farsamo ahaan, xawaaraha uu wax ku daabaco, tayada waxa uu daabaco iyo isticmaalkiisa oo kala fudud. Xagga farsamada waxaa loo kala qeybiyaa saddex qeybood oo waa weyn.

Matrix Printer ama Dot Printer waa nooc duq ah oo aan inta badan maanta suuqa laga helin. Wuxuu adeegsadaa farsamo laga tagey oo adeegsnaysa irbado xarfaha dhibic dhic u qora. Noocaani aad ayuu u gaabiyaa waxa uu qorana aad ayay tayadoodu u hoosaysaa markuu wax qoraayana aad ayuu u qeyliyaa.

Inkjet Printer waa nooca dadka caadiga ahi ay u badan yihiin wuxuuna adeegsadaa khad shubmaysa oo warqadda lagu cadaadiyo. Daabacahaani noocyo badan ayuu u sii kala baxaa wuxuuna ku sii kala duwan yahay xawaaraha, tayada iyo midabka waxa uu qoro iyo isticmaalka. Xagga tayada wuu ka fiican yahay nooca hore laakiin haddii tusaale ahaan qoyaan uu gaaro warqadda uu wax ku qoray waxaa dhacaysa in ay khaddu dhaqanto oo ay xarfuhu isku dardarsamaan. Sidaa darteed noocaan looma isticmaalo wixii qoraal ah ee la rabo in muddo badan la keydiyo.

Laser Printer waa nooca ugu dheereeya uguna tayo fiican waxaana inta badan laga isticmaalaa xafiisyada dawliga ah, ururrada iyo shirkadaha waaweyn. Noocani wuxuu xagga farsamada, qaabka iyo cabbirkaba shabahaa mishiinnada loo isticmaalo koobiyeynta waraaqaha.

pics from: somaliforchange.com

pics from: somaliforchange.com

III. Speakers

Kumbiyuutarrada maanta suuqa yaalla intooda badan waxaa la socda oo lagu soo gataa kaarka codka (sound Card) iyo samaacado. Samaacaduhu wey kala nooc iyo cabbir duwan yihiin. Laakiin inta badan waxtarkoodu qofka caadiga ah uma kala duwana. Samaacadaha waxaa loo adeegsadaa in lagu dhagaysto codka ka soo baxa program-yada kala duwan ee kumbiyuutarka lagu isticmaalo. Program-yada codka leh waxaa ugu badan kuwa ciyaaraha ah laakiin waxaa jira kuwo waxbarasho ah oo dhageysi ku salaysan.
Xataa waxaa kale oo jira CD-yo uu ku duuban yahay quraanka oo dhan oo cod ahaan loo dhagaysto. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in haddii aad kumbiyuutar gadanayso aad iska fiiriso inuu wato kaarka codka iyo samaacado.

pics from: somaliforchange.com

pics from: somaliforchange.com

IV. In and Out devices

In and out Devices waa aaladaha loo adeegsado in akhbaar lagu galiyo loogalana soo baxo kumbiyuutarka. Aaladaha noocaas ah waxaa ka mid ah:

4. In and Out devices

Waa aaladda suurto galisa in ay laba kumbiyuutar ama in ka badni xiriiraan iyagoo adeegsanaya laynka telefon-ka. Modem hawshiisa waxaa lagu soo koobi karaa in uu hadal qoraal ah u rogo cod si loogu diro laynka telefon-ka. Iyo inuu codka telefon-ka u rogo qoraal uu kubiyuutarku fahmi karo.

pics from: somaliforchange.com

pics from: somaliforchange.com

Waxaa Diyaariyey:- Mohamed Abdi Mohamed (Mohamed Farhan)
Xigasho: Aqonyahan.com

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

One comment
Leave a comment »

  1. anoo ah arday soomaaliyeed waxaan niga codsanayaa inaad iigu soo dirtaan wixii cashiro ah oo ku saabsan korodhso aqoonta computerka sidaa awgeed walaalayaal waxaan niga coda sanayaa inaad si dagdag ah aad iigu soo dirtaan wixii macluumaada ee ku saabsan computerka anigoo ah arday aad ujecel barashda computerka sababtoo ah waad ogtihiin in maanta aduunyada technologyadu ay hagto aduunka waanad mahad santihiin

Leave Comment


Ad