Asha Ali – oo qortay heesta lagu xayasiinayo baabuurta SAAB

Sep 13th, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Music

pics from: http://ashaali.com/Press/Asha%20Ali_8670.jpg

pics from: http://ashaali.com/Press/Asha%20Ali_8670.jpg

Aisha Ali oo 29 sano jirta, kuna kortay xaafada Tensta oo ka mid ah xaafaadaha caasimada Stockholm,  soomaliduna degto ayaa waxa ay ka tahay wadanka Sweden gabadh caan ah. Aisha ayaa ah fanaanad qorta heesaha,  heestana.

Gabadhan oo hibo u leh fanka ayaa aad caan uga ahayd dugsiga sare ee ay dhiganaysay,  codkeeda macaan ee ay leedahay dartiis. Aisha ayaa hore waxa ay u soo saartay Album heeso ah oo la yiraa “Hurricane”,  heeso badan oo macaana ay ku jiraan. Xidigtan iftiimisay cirkii madoobaa ee Skandeneefiyanka ayaa heesaheeda quruxda badan mid ka mid ah ay qaadatay shirkada wayn  ee baabuurta ee SAAB. Heestaas oo la yiraa ” the time is now” ayaa u ah shirkada xayaysiis fiican.

Gabadhan ayaa hada waxa ay degan tahay xaafada la yiraa Mälarhöjden oo ay ku haysato wiilkeeda yar ee 2-da sano jira. Dhawaana waxa ay u baxaysaa safar ay ku soo kala marayso meelo badan oo ay ka heesi doonto.

Waraysi ay la yee latay  jariidada la yiraa Mamma oo ka soo baxda wadanka Sweden ayaa waxa ay Ashi ka sheekeenaysaa nolol maalmeedkeeda. Waxa ayna tiri markii la waydiiyay:

Film-kee buu ahaa filmkii u dambeeyay ee aad daawatay?

Filmkii u dambeeyay ee ay daawaday  wuxuu ahaa Babel. Waxa ay sheegtay in film hadii ay daawanayso uu noqdo mid ku reeba fikir.
Filmka aan aniga  iyo wiilkaygu jecel nahay ayaa ah: Nicke Nyfiken.

Musikee ayaad dhegaysataa?

Aniga oo qora musika heesana ayaan aad u dhegaysan muusik kale. Laakiin muusiku waa shay cajiiba ah oo ay sahlanayn in la fahmi karo. Taana waxa iga caawisay in aan fahmo Kate Bush iyo heesteeda “Handle me”.

Markee baad dareentay in aad noqotay star-truck?. Waxa ay ahayd markaan daawaday Nick Cave oo ka heesahay xaflad festival ah,  Where the action is oo aan dareemay in aan joogo meel space  ka mid ah. Waxa ay ahayd mid aan u fiican.

TV serie, musalsal-keed u jeceshahay?

Tv seerie aan aad u jeclaaday waxa uu ahaa “in treatment” iyo “mad men”.

Dvd – box aad jeceshahay in aad daawato?

Dvd – box aan aad uga helo markastana daawado ayaa ah” sex feet under”.

Cuntadeed jeceshahay?

Cuntada aan jeclahay waa cunto talyaani.

Farshana ma tahay, ama ma tagtaa meelaha macradka ama muusiyem-ka ee lagu soo bandhigo farshaxanka?

Farshaxan musiem iyo meel kale oo aat tago waqti dheer ayaa iigu dambaysay. Aniguna kuma fiicni farshaxanka.

Xikmadee ayaad markasta xasuustaaa?

Xikmadii qof igu dhahay ama ii sheegay oo ah in aan ahaado qofka aan ahay,  oo aan ogolaado naftayda, oo aan lahaado sabirt.

Mashruuc aad hada ka wadi guriga?

In aan soo gato dhalooyinka la galiyo ubaxa oo rinjiyeeyo kuna beero ubax.

Waxa aad raagsatay ama tabatey?

In aan aado safar sida kuwii hore oo aan ku soo heesayo – ugu baxayo turné.

Waxa aad ka daashay?

Waxa aan ka daalay daawashada tv seeriga Friends xalqadahiisa.

Maxaad samaysaa habeenka jimcaha si aad ula qaadatid Iko 2,  waqti fiican?

Waxa aan dubnaa bur ama quraac.

Maxaaa ku farxad galiya?

Wiilkayga ayaa ah qofka aan arkay ee iga qosliya.

Maxaad rajaynaysaa xiligan dayrta ah ee hada la galay?

In safarkayga heesuhu noqdo mid wanaag ku dhamaada.

Ladaneeyna waxa ay kuu rajaynaysaa in aad ku guulaysato socdaalkaaga heesaha.

Ladaneey Magazien

Halkan heese waxa aad ka dhegaysan kartaa heesta ay u samaysay shirkada saab oo la yiraa “the time is now” oo ay cod ah.

http://www.myspace.com/ashaalimusic

Halkan hoosena waxa aad ka daawan kartaa heesta ay u samaysay shirkada saab oo video ah.

Adiguna waxa aad ka dhiiban kartaa fikirkaaga!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku qori kartid rayigaaga (commnet)
.

Related posts:

  1. K’Naan oo loo doortay inuu qaado heesta lagu furayo ciyaarta koobka aduunka K’Naan Cabdi Warsami oo ah fanaan soomaaliyeed isla mar ahaantaana...
  2. Cilmi baaris lagu ogaaday in kafee-gu saarin caajiska Waxa dhawaan la ogaaday in shayga la yiraa koffeiinet...
  3. Golf-kii cadee ee Michael Jackson oo lagu xaraashay 175 000 oo doolar Waxa dhawaan meesha alaabta lagu xaraasho ee lo yiraa...
  4. Maxaa lagu gartaa doqonimada? Shacabka soomaliyeed ayaa meel kasta oo ay joogaan aad...
  5. Lamaanayaal arooskooda lagu galbiyay 98 Taxi Wararka aynu ka helayno Magaaladda Harbin ee Dalka China ayaa...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

One comment
Leave a comment »

  1. hey all, runtii Inantu ha heesto nolosheeda ha hormariso lkn aad ayaan oga xumahay in ay totaly ka dheeraato dhaqankeeda suuban iyo somalinimada imana farxad galineyso,,,,,

    waa suáale qofku asoo somalia ah 100% percent muunan wax hormar ah suubin karin ,,,, waxaan filaa in meel xun dadbadan wax ka eegaan ayagoo samaha iska idhatiraayo….

Leave Comment


Ad