Hadaad tahay xaas fiican afartan iyamad ku wanaagsan tahay
Sep 7th, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, JacaylkaHad iyo jeer waxay dadku faaleeyaan, oo ay ka sheekeeyaan gabadha Marwada ah. Hadaba gabadha marwada ahi waa tee? hadaad waydiiso dadka oo aad u kuurgasho, qof waliba si gaar ah ayuu u qeexaa oo ay ula muuqata xaaska wanaagsan ee marwada ahi. Laakiin hadana waxa jirta dhawr arrimood oo ay dadku ka siman yihiin oo lagu sifeeyo xaaska marwada ah ama hawl karka ah ee qoyskeeda ku filan. waxaana had iyo goor lagu faaleeyaa inay lahaato arrimo dhawra. Hase ahaatee waxa ugu muhiimsan afar arrimood oo deeqa Afar ka mida lixda laxaad ee dadka.
Hadii laga helana waxa lagu tilmaama inay xaaskaasi tahay marwo qaaliya oo ninkeedana hanan karta oo ay adag tahay inuu meelo kale eego ma ku jeesto. Hadaba akhristoow Afaratan arimood kuwee ayaad u malaynaysaa? Hadaba waxba adiga oo aan maskaxda daalin oo aan ka daydayin hadaynu bal soo halkan ku soo qaadano waa sidan:-
1-Dhegaha:- dhegahu waxay ka mid yihiin dareemada uu illaahay ina sameeyey kuwa ugu qaalisan. Isla-markaana aynaan ka maarmi karin. Sidaa darteed marka aynu dhegaha leenahay waxa looga jeeda in gabadhu mar walba lahaato oo ay la timaado hadal macaan, debecsan oo cajab galiya dhegaha ninkeeda iyo dadka kaleba. waa inay wax ka taqaana hadalada soo jiidashada leh, waayo maahmaah somaliyeed ayaa tidhaahda “Marwo hadal xun, maan-gab ninkeeda maqasha baa dhaanta”
2-indhaha: – Indhahuna waa dareen ama laxaad aad u mihiima waayo waynu wada ognahay la,aantooduna dhibaatada ay leedahay. Hadaba gabadha waa qayb ka mida arimaha lagu tilmaamo xaaska wanaagsani inay tahay mid indhaha ninkeeda iyo kuwa dadka kaleba deeqda. waa inay ilaaiso nadaafada gurigeeda, carruurteeda iyo ta nafteedaba. Waayo haddii gabadhu noqoto mid basari ah cidna ma raali galin karto oo indhahii ayaa diidaaya muuqaalkeeda ama ka guriga ay dhex joogto ee bah-dilan. iyadoo laga yaabo gabadhaasi inay tahay qof aad u wanaagsan dhinaca dabeecadaha kale hadana dabcan saamayn wayn ayey ku yeelanaysaa arrintani shaqsiyadeeda iyo ta qoyskeedaba. Waayo ragu waxay aad ugu farxaan marka ay yimaada guryahooda inay la kulmaan jawi qurux badan iyo caruurtoodii oo qurux badan markaa si rasmi ah ayey ugu nastaan guryahooda. iyadoo rag iyo dumarba ay jiraan qaar aan dhinaca nadaafada ku fiicnayn, hadana tani waa arimaha ugu muhiimsan ee lagu qiimeeyo afada marwada ah.
3-Afka: – Afka hadaynu soo qaadano waa muhiim in xaas wal oo wanaagsan laga helo cunto dhadhan wanaagsan. dhinaca dhadhanka iyo cunto macaanka gabadhu ugu talo gashay saygeeda iyo ehelka kale ee la noolba waa inay ahaato mid marka uu dhadhamiyo uu aad ugu farxo dhadhankeeda, una cuno si niyad sami ku dheehantay. Waxa aan muran ka taagnayn in ragu caruurta ka daran yihiin dhinaca dhadhanka cuntada oo haddii aanay maalinba cunto yaroo macaan, dhadhan fiicana leh helin, waxa laga yaaba inay niyad jabaan oo is yidhaahdaan meel kale oo cunto macaan raadso sida hudheelada iyo waxii la mida. Hadaba waxa lagu yaqaana xaaska wanaagsan inay odaygeeda iyo dhamaanba dadka guriga kula nool u samayso cunto dhadhan fiican oo cajabisa oo nooc nooc ah si aan looga daalin cunsiteeda.
4-Sanka: – Sanka marka aynu ka hadlayno waxa uu isna ka mid yahay dareemayaasha ama laxaadadaa aynu soo sheegnay ee Illaahay inagu manaystay. Hadaba waa maxay waxa aynu u soo qaadanay sanka? waa dhinaca urta oo ah qayb aad u muhiim ah oo aan laga maarmin, iyadoo bini,aadamka oo dhami ka siman yihiin jecel yihiina urta udgoon ayaa hadana waxa la xaqiijiyey in ragu yihiin kuwa ugu jecel urta udgoon. Sidaa darteed waxay ka mid tahay arimaha ama tilmaamaha ay leedahay xaaska wanaagsan ee marwada ahi in la arko gurigeeda iyo nafteeda oo mar walba udgoon. Waayo waxay qayb ka qaadanaysaa raali ahaanshaha ninkeeda, waxaanu dareemayaa inuu joogo meel uga duwan meelaha kale sida xafiisyada shaqada iyo suuqyada kaleba. waxa uu dareemayaa raaxo iyo farxad markuu soo galo xaaskii iyo gurigii oo udgoonkoodu is qariyey. xataa dadka ku soo booqda ayaa jawi wanaagsan kala kulmaya. Sidaa awgeed urta fiicani ama udgoonku waa tiir ka mida tiirarka suura galiya inuu qoysku sii jiro oo xididaysto, Iyadoo rag iyo dumarba laga rabo inay ku dadaalaan udgoonka iyo nadaafada oo aanay tani dumarka oo qudha u gaar ahayn. Hadaba isku soo wada duuboo Afartan arrimood ee lagu raali galinayo Afar ka mida lixda laxaad ee Illaahay ina siiyey waxay adkeeyaan jiritaanka qoyska, tusaale ahaan waxa la yidhi wax jiray nin wax uu yidhi “Marka aan suuqa u soo baxo ee aan arko hablo aad u qurux badan subax walba, waxaan go,aansadaa inaan xaaskaygii marka aan ku noqdo aan furo. balse marka aan gurigii ugu tago ee aan arko xaaskaygii oo si qurux badan u sii labisatay, udgoonkeeda aan wax loo dhigaa jirin, waliba ay ii soo dhigto cunto caynba cayn ah oo macaan oo aan aad uga dhaco, ayaan ka is-taakhfurulaystaa go,aankii, go,aan kasta oo aan subaxii gaadhana waxaan jabiyaa qadada.”
Waa arrin aad u yaab badan waxaanay ku tusaysaa in raggu ka ag dhawaadan hadba meesha qurux badan. Hadaba guntii iyo gabo-gabadii is qiimee hadaad tahay xaas wanaagsan oo marwo ah afartan teebaad ku fiicantay.
Nasra Aw Ciise Kaahin
Adiguna ka dhiibo fikirkaaga!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku qori kartid rayigaaga (comment).
No related posts.
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.




ragana maxaa wax logu shegi waayey suasheyda waa taas kuwa waxa jira maraad isku diyaarisid ayaga isku diyarin sidaada oo kalehalkaas ayaan ugu baxey bey
lajecel
aniga waxaan oranlahaa raga waxad mooda in la yiri adinku wax is dhisid ah iska dhaafa soma cadeystan soma qubeystan oo isma soo carfiyaan sidaa ayey sariirta kuula soo seexdaan adoo dhibsanaya dhididkii uu maanta oo dhan lahaa, markaa waxaan dhihi lahaa raga somaliyeedow ku dadaala nadaafada. Gabadhii somaliyeed wey isa soo diyaarisaa waqtiga sariirta ayadoo isa soo carfiso uunsigii iyo cadaradeedii iyo dharka loogu tala galey raaxadaayey soo xirataa. Ayada oo soo jiidasho leh ayey la soo ag seexataa sayigeeda. aawey tii raga?
waxaan oran lahaa gabdhaha somalida waa lagu ogyahey carafta .
waad mahadsantihiin,
sc to la jecel walaal la jeceleey ragu isku mid maahee meel ha ka dhicine hadii aad nasiib u heshay mid aan nadaafada saaxiib u ahayn ragoo dhan ha jaaifayn walaal waxaan ku oran lahaa ninkaaga si hoose wax ugu sheeg oo qubayska bar iyo nadafada iyo cadayga midhaa geel buu hor seexan jiray kaasiye waxaan maqli jiray rer miyiga ayaa marka roob da’o qubaysan jiray kkkkkkkkk lajecel raali ahow hadan gefay iniga bahda ladaneey llxi leexi laafyaha baa ku leh sidaaaaaa
canabeey walaal ninka inta aad isu diyarisay ku eegi waayey midhaa wuu cokan yahay mise muraad buusan kaa lahayn armaa walaal is diyaarintu kaa khaldanayd oo feedho iga garo uun ahaa xaalku ee adan isu udgin qubays shanlaysi carfoon uunsi khumkhum intaba adan shidan intaa sariirtu muu kugu yimado niyasatay adoo diricii cajiinka aad ku qoshtay wata kkkkkkkkkk raalina ahoow walaal imalkana bal soo sheeg iyo mesha aad joogta kaygan waan ku siine
asc wr wb walashayda qaaliga ah hadi an ka hadalno nadafada walaalo nadafadu wa imanka badhki manta iyo shalay isku mid mahaa wayo dadki aya ku kala nol garado kala duwan hadi mid la eego somalidu waxan ku nolayn dal barwago ah lkn hadi dib u xasusano daalkeni hoyo wa dal muslina oo dhagan fican lee walaalo waxan uga gol leyahay dumarku wa inay xishod iyo gadirin u yeshan ragoga waxa lagaga bahan yahay inad hosahan ugu sheeqtid odaygaga wixi adu aad jecelshahay wayo hadi aad halkan ka sheeqtay sirtini wax ku gorson ma jirto ee waxa kalana waxan filaya inad asabtada u sheeqtid wa bilahi towfiq