Chris Brown – Cambaaraynta Oprah waxa ay ka dhigan tahay sidii ay i dhirbaaxday oo kale

Sep 8th, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Jacaylka

pics from: cdn.newsone.com

pics from: cdn.newsone.com

Wiilka fanaanka ah ee Chris Brown ayaa cabasho badan ka sheegtay Oprah Winfrey, 55 jir ah. Oprah ayaa si kulul u canbaaraysay Chris markii uu 8-dii  febaraayo, 2009-ka  uu garaacay. Wiilkan ayaa waxa uu ku sheegay waraysi lala yeeshay in cambaaraynta Ophrah ka dhigan tahay sidii ayada oo dhirbaaxday.

Haweenayda oo u jewaabaysana waxa ay tiri,  “Chris waxa haysata dhibaato oo waxa uu u baahan yahay in la caawiyo”.

Markii uu Chris garaacay Rihanna sanadkan aan ku jiro ee 2009-ka ayaa wax ay noqotay arin caalmka oo dhan laga ogaaday. Kadib ayaa Oprah waxa ay samaysay barnaamuj ay ugu tala gashay in ay kor ugu qaado dumarka la nool raga garaaca.

Barnaamujka ayaa waxa ay adeegsanaysay weedha ah ” Ma aha in qofka aad jeceshahay ku garaaco oo uu jacaylku xanuun kuu keeno”. Waxayn si toos ah u tiri in ay haboontahay in Rihanna xiriirka u goyso Chris. Sababtoo ah, raga dumarka garaaca ma joojiyaan arintaas. Waxa ayna u tahay caado ay leehihiin in ay markasta falkaas dib u sameeyaan.

Laba todobaad ka hor waraysigii uu Larry King, CNN uu la yeeshay Chris ayaa fanaanku ku sheegay in uu aad uga xun yahay hadalada ay Oprah tiri.

Markii la waraystayna waxa uu yiri “Aad ayaan u tixgalinayaa in ay  ay Oprah tiri garaacida dumarku waa dhibaato. Waxa aanan dareemay markii ay barnaamujka igaga hadashay sidii ay I dhirbaaxday oo kale. Waan caawiyay Oprah, waxa aan u raacay oo aan ka heesay dugsigeeda ay ku leedahay wadanka South Africa. Waxa haboonayd in ay I caawiso oo dhahdo “ok” waan caawinayaa labadoodaba”

Ayada oo Oprah hadalkaas ka jawaabaysa oo u xilsaaratay afhayeenkeeda saxaafada ayay waxa uu yiri:
- Oprah aad ayay ugu mahada celinaysaa Chris in uu ka heesay dugsigeeda, laakiin ay u aragto dhibaato wayn dilka ama garaacida ka dhacda qoyska. Waxana rajaynaysaa in uu helo caawimada uu u baahan yahay.

Ladaneey

Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ka codayn kartid.

Maxay ragu u garaacaan dumarka? Ragu duamrka waxa ay u garaacaan:

View Results

Loading ... Loading ...

Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku qori kartid rayigaaga (comment).

Related posts:

  1. Hadaad tahay xaas fiican afartan iyamad ku wanaagsan tahay Had iyo jeer waxay dadku faaleeyaan, oo ay ka sheekeeyaan...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

9 comments
Leave a comment »

  1. waxa ninka raga ah badana ku kalifta inuu garaaco xaaskiisa ama qofka ay nolosha wadagan dhibaato haysata ninka oo uu qarinayo darteed yaa ku kalifta inuu ninku xaaskisa dhibaato gaadhsiiyo.

  2. waxaa ninka raga ah ku gilifta in uu xaas kiisa qaraaxa ma sayr uu kaqaba xaaskiisa ama iyadoo wax uu raali uga agayn suubinaysa uu arga taas ayaa kukaliftay xaaska dhibka loogaysanaayo iwm

  3. i am a fan of Chris Brown his music is so cool. it is too bad that his relationship with Rihanna did not work out.

  4. Chris Brown is so cool. probably one of the best R & B artist. i also like 50 Cent and her ex-girlfriend Rihanna

  5. i kinda like the R&B music of Chris Brown but i dont like the way Chris Brown beats her ex girlfriend Rihanna.

  6. Chris Brown makes the best hip-hop and r&b music today. i have a full collection of all the albums of Chris Brown in my home. It is too bad that his relationship with Rihanna did not work out well.

  7. i have 2 cd of Chris Brown in my car and i always play it whenever i go to work. Chris Brown is really my favorite singer.

  8. ASC  DHAMANTIIBA. WAA KHALAD INUU NINKU GARACO XAASKIISA, WAAYO   XAASKIISU MA  AHAN ILMON YAR OO UU DHALAY, BALSE WAA QOF ISAGO  KaLAE AH, TEEDAKALE HADII UU ISAGO SAMEEEYO  KHALAD  OO AY DHAHDO AAN KU GARAACO ISAGU MA  KA YEELAYAA? SIDA ALWADA  OGSOONYAHAY, WAA MAYAA. So mahan ninku inuu xaaskiisa u awoood sheegto, WAANA AXMAQNIMO IYO NACASNIMO. 
    NINKII NAAG GARACABA HALA GANAXO SIDA cHRIS bROWN.

  9. I can say that Chris Brown is an xxxx becuase he beat and treated Rihanna badly*:,

Leave Comment


Ad