Dhibaatooyinka la soo darsa dumarka uurka leh – qaybtii 2-aad

Sep 14th, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Caafimaadka, Featured

pics from: cafod.org.uk

pics from: cafod.org.uk

Inta aad uurka leedahay ayaa waxa laga yaabaa in ay kula soo daristo xoogaa dhib iyo raaxo-daro ah, hadba marka jirkaagu is beddelo. Calaamadaha aad ku garan karto ibadalka ayaa ah:

Calool-adag ama Shuban

•Cab 6 ilaa 8 koob oo ah cabitaan maalin kasta. Dooro biyo, miir khudaar ama caano.

•Cun cuntooyiin uu ku badan yahay dufku (fiber) sida khudaarta iyo cagaarka aan la karin, xabuubka aan wax laga saarin (whole grain), siriyaalka uu ku badan yahay dufku (high-fiber bran cereal) iyo digirta qalashay ee la kariyay.

•Samee jimicsi haddii laguu oggol yahay.

•Ha isticmaalin dawada caloosha socodsiisa, dawo la galiyo malawadka ama dawooyinka la iska iibsan karo warqad dhakhtar la’aan iyada oo dhakhtarkaagu kuu sheego inaad isticmaali kartid mooyaane.

•Wac dhakhtarkaaga haddii aanad caloosha adag ka fiicnaan gudaha 2 maalmood.

Maroojis Lugta ah / Xidido Dhiig oo Bararsan

Maroojis Lugta ah

•Maroojis lugta ahi waa caadi marka lagu jiro xilliyada dambe ee uurka.

•Kordhi cabitaanka, kaalshiyamta iyo bootaasiyamta ku jirta cuntadaada. Qaado cuntooyinka sida caanaha, caano-fadhiga ama yoogeer, muus/moos iyo miirka liin macaanta.

•Naso marrar badan iyada oo lugahaagu sareeyaan inta lagu jiro maalinnimada.

•Samee jimicsi haddii dhakhtarkaagu oggol yahay.

•Wakhtiga lagu maroojinayo lugta, toosi lugtaada oo cagtaada u laab xagga hore ee lugtaada.

•Gasho kabo socod oo fiican oo leh cirib gaaban.

•Wac dhakhtarkaaga haddii wakhti kasta hal lug kaliya ay ku xanuunayso, haddii ay jirto meel kulul ama cas oo ku taala lugta, ama haddii lugtu ku xanuunayso marka aad cagta u laabtid xagga hore ee lugtaada.

Xidido Dhiig oo Bararsan

•Xidido dhiig oo bararsan (varicose veins) waa xidido weynaaday oo aad ku arki karaysid lugahaaga.

•Iska ilaali lug-gashida (hose) ama lug-qabadka (girdles) leh cinjir kala jiidmaya.

•Iska ilaali inaad mudo dheer taagnaatid ama fadhidid.

•Qaado nasashooyin gaagaaban iyada oo lugahaagu ka sareeyaan wadnahaaga. U jiifso dhinaca bidix iyada oo barkimo kuu jirto lugaha dhexdooda iyo caloosha hoosteeda.

•Ha is weydaarin lugahaaga ama ha duugin lugahaaga ama cagahaaga.

Dheecaan ibta ah (Vaginal Discharge)

•Isbeddel ku dhaca dheecaanka ibta ka yimaadaa waa caadi xilliga uurka.

•Marrar badan mayr aagga dibadda ah ee ibta. Isticmaal saabuun aan lahayn barafuun ama cadar. Si fiican u dhaqdhaq.

•Ha isticmaalin hoos-galis (tampons), buufin ibta lagu buufiyo, budo ama warqad musqul oo leh midab ama catareysan.

•Gasho hoos-gashi (nigis/matante) ah cudbi. Iska ilaali lug-gashi (hose), lug-qabatooyin (girdles) ama surwaal kugu dhaqan.

•U tag dhakhtarkaaga haddii dheecaanku leeyahay ur xun, uu sababo cuncun ama uu jiro dhiig.

Madax-xanuun / Hergab

Madax-xanuun

•La xiriir dhakhtarkaaga marka aad rabtid dawooyinka la iska iibsado warqad dhakhar la’aanteed ee amaanka ah. Ha qaadan asbiriin, ibuprofen (Advil ama Motrin) ama naprosyn (Aleve).

•Wac dhakhtarkaaga haddii madax-xanuunku aanuu kaa tagin, haddii aad leedahay arag isku darsan ama dawakh, ama barar badan oo ah gacmaha ama lugaha.

Hargab, Ifilo

•Iska ilaali inaad ag joogtid dadka jiran. Marrar badan dhaq gacmahaaga.

•Wac dhakhtarkaaga haddii aad qabtid qandho, neefsashada oo dhib kugu ah ama aad soo qufacaysid xaako.

•Wac dhakhtarkaaga haddii uu kuu soo dhawaaday qof qaba busbus ama caabuq dhuunta ah (strep throat).

Xanuun Caloosha ah ama Qabashooyin (Abdominal Pain or Contractions)

• Waxa laga yaabaa inaad xanuun ka dareentid aagga miskaha dhexdooda marka uurkaagu sii weynaado. Xanuunkaasi waa uu ka sii dari karaa marka aad sameysid dhaqaaq dhakhso ah ama socod dheer.

• Wac dhakhtarkaaga isla markiiba haddii aad qabtid xanuun daran.

• Qabashooyinka loo yaqaano Qabashooyinka “Braxton Hicks” waa qabashooyin khafiif ah oo aan xanuun lahayn isla markaan aan joogto ahayn. Kuwaasi waa caadi umana baahna daweyn.

• Marka qabasho ku hayso, u jiifso dhinaca bidix oo naso. Gacmahaaga saar caloosha ka dibna dareen goorta qabashadu bilaabmayso iyo goorta ay dhamaanayso. Soo saar wakhtiga u dhexeeya qabashooyinka.

• Haddii uurkaagu ka yar yahay 9 bilood oo aad leedahay qabashooyin, cab 8-10 koob oo biyo ah gudaha hal saac. Haddii wali aad leedahay qabashooyin ah 4 ama ka badan gudaha hal saac ka dib markii aad cabtay biyaha, wac dhakhtarkaaga.

• Haddii aad ku jirtid bishii sagaalaad ee uurkaaga, wac dhakhtarkaaga haddii qabashooyinku ay kugu dhacayaan wax ka badan 6 jeer saacaddiiba, ay ku haynayaan wakhti ka dheer 15-30 sekan, ay xanuun yeeshaan, ama aad yeelatid dhiig ka imanaya ibta ama uu kaa yimaado dheecaan.

• Waxa laga yaabaa in dhakhtarkaagu kuu sheego inaad isla markiiba soo wacdid haddii aad isku aragtid qabashooyin.

Dawakh (Dizziness) / Xiriirka Galmada (Sexual relations)

Dawakh (Dizziness)

•U jiifso dhinaca bidix.

•Si tartiib ah u beddel sida aad u meeleysan tahay.

•Si tartiib ah u kac haddii aad jiiftay.

•Cuntada si joogto ah u cun.

•Booqo dhakhtarkaaga haddii dawakhu kaa tagi waayo ama uu marrar badan kugu dhaco.

Xiriirka Galmada (Sexual relations)

•Waa caadi inaad yeelatid isbeddelo ah xagga rabitaanka galmada inta aad uur leedahay.

•Galmada waa la oggol yahay wakhtiga uurkaaga iyada oo dhakhtarku kuu sheego si kale mooyaane.

•Waxa laga yaabaa inaad isku aragtid xoogaa ah maroojin dhawr daqiiqadood ka dib galmada.

Isbeddelada Niyada ama Fikirka / Jamasho Cunto

Isbeddelada Niyada ama Fikirka

•Waa caadi inaad yeelatid isbeddelo ah niyadda oo ka imanaya isbeddelada hormoonka (hormone) ee ka dhacaya jirkaaga.

•Waxa laga yaabaa inaad isku aragtid iloobid intii hore ka badan. Taasi waa caadi. Samee qoraalo xusuusin ah si ay kaaga gargaaraan inaad xusuusatid waxyaabaha muhiimka ah.

•U sheeg dhakhtarkaaga haddii aad ku fikiraysid inaad naftaada waxyeelo u geysatid.

Jamasho Cunto

•Waxa laga yaabaa inaad yeelatid jamasho cunto oo aan caadi ahayn inta aad uurka leedahay.

•Cun noocyo kala duwan oo ah cuntooyin caafimaad leh wakhtiyada cuntada iyo marka aad qaadanaysid cuntooyin fudud.

Maqaarka, Timaha iyo Cidiyaha

•Waxa dhici karta in timahaaga iyo cidiyahaagu dhaksho u koraan. Haddii aad ku talo-jirtid in timaha laguu mariyo kiimikooyin, u sheeg timo-dhisaha inaad uur leedahay.

•Dhibaatooyinka maqaarka oo caadiga ah waxa ku jira isbeddelo ah midabka maqaarka, maqaar cuncun leh, calaamadaha fiditaanka iyo findoob.

haddii aad qabtid su’aalo iyo faahfaahin dheeraad ah, halkaan ka weydii

source: Somalidoc.com

Adiguna daryeel naftaada!

Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku qori kartid rayigaaga (comment).

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

3 comments
Leave a comment »

  1. walal yaal wad salamntihiin salan kadib suaal ayaan qaba oo ah hadan isticmalo kaniinga madaxanunka maxuu ii dhimaya urka mise waqtiga aan qadayo uurka wax dhib ah miyuu kenaya jawab hala iga soo siyoo qofki garanaya jawabta iyo dhibka u leyahay kaninga emelkeyga waa suleekho999@hotmail.com waxii jawab ah igu soo dir emelkaas mahad sanid

  2. Great post, This site will certainly leave a mark on the web

  3. asc walal aad ayad u mahadsantihin maclumadka aad ka u qaaliga ah ee aad noo soo bandhigteen.suaasha aan qabo waxay tahay gabadhu markay uurka leedahay ma xulbada ma cabi kartaa
    mahadsanidin

Leave Comment


Ad