Habeenka sabtida iyo saacadu marka ay tahay 22:16 oo noqday xiliga lamaanaha isqaba

Oct 3rd, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Jacaylka

pics from: musefinds.com

pics from: musefinds.com

Cawayska habeenka sabtida ayaa ah mid aad isugu soo dhwaweeya lamaanaha waqti wada qaadanaya.

Waxa baadhitaan ay samaysay OnePoll ee wadanka England lagu ogaaday in habeenka sabitda marka ay saacadu tahay 22:16 ay tahay xiliga ay wada raaxaystaan labada isqaba ama saaxiibka ah.
OnePoll ayaa waxa ay waydiisay 5000 oo qof waqtiga ay doorbidaan labada is qabaa in ay isla raaxaystaan. Dadkaasina waxa ay sheegeen in hebeenka ay isla raaxaystaan ay tahay sabtida, waliba marka ay saacaddu tahay abaaro 22:16.

Sida uu yidhi nin u ah afhayeeen OnePoll ayaa waxa ay u eegtahay in lamaanayaal badani aad isugu soo dhawaadaan habeenka sabtida ah marka ay cawayskii isla cunaan casho aad u macaan. Kadibna ay bilaaaan dhunkasho iyo isa salaaxid oo ay isla soo fadhiistaan kursiga dheer ee yaala qolka fadhiga.

Baadhitaanka ayaa lagu ogaaday in waqtiga kale ee ay lamaanayaashu isla raaxaystaan tahay habeenka jimcaha saacadu marka ay tahay cabaaro 21.00. Waqtiga sedexaad ee labada isqabaa ay isqaabilaan ayaa isna ah axada subaxdii abaaro 10.00.. Sababtoo ah, caruurta ayaa kaga mashquulsan daawashada tv-ga ama ciyaar.

Adiguna xiligeed doorbidaa!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku qori kartid rayigaaga (comment).

Related posts:

  1. Hadaad tahay xaas fiican afartan iyamad ku wanaagsan tahay Had iyo jeer waxay dadku faaleeyaan, oo ay ka sheekeeyaan...
  2. Chris Brown – Cambaaraynta Oprah waxa ay ka dhigan tahay sidii ay i dhirbaaxday oo kale Wiilka fanaanka ah ee Chris Brown ayaa cabasho badan ka...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

Leave Comment


Ad