Maxaa lagu gartaa doqonimada?

Nov 1st, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Nolosha

doqonimo
Shacabka soomaliyeed ayaa meel kasta oo ay joogaan aad u adeegsada erayga doqon (dabaal ama nacas). Waxa muhiim ah in aan kala saaro qof jiran iyo qof caadi ah. Sababtoo ah, dadka ayaa qaar ugu yeera doqon qof jiran oo ku dhashay caqli yaraan. Taasina waa mid meel kaga dhac u ah beniaadanimada.
Laakiin hadii aan suugaanta iyo murtida soomaalida ee aan qorayn ku dabaqno doqonimada ayaa ah qofka lixdiisa laxaad dhan yihiin oo caafimaadka qaba oo hadana aan kartida lahayn.

Hadaba soomaaliduna waxa ay u samaysay doqonimada tilmaamooyin kuwaas oo kala ah:

1. Duufleey
Waa qofka oogada iyo hugiisuba ayna nadiifsanayn oo baalida ah.

2. Dareenleey
Waa qofka markasta waxa xun mooyee aan wax san filan ama rajeyn.

3. Daableey
Waa Qofka aan samirka lahayn oo xoogsheegad iyo muran wax ku doona.

4. Xididkiis xante
Waa qofka wax xun ka sheega dadka ku xil leh oo xanlowga ah,

5. Xaajadiis ka xog warame
Qofka aan ilaashan karin sirtiisa ama danihiisa gaarka ah.

6. Xiluhuu uureeyay xoog moode
Waa ninka afadiisa oo uur leh ka caawin howsha reerka oo wax ayna awoodin ku dhiba.

7. Surindheer ka dhaanshe
Waa qofka u adeega dad oo aan ogayn in la isticmaalayo.

8. Soor-quudeed cune
Waa qofka iska cuna wax kasta oo la siiyo, oo soor qaadayga ah, Ama qof ogolaada in la quursanayo.

9. Si xun u waran
Waa qofka waxa uu arko ama maqlo si xun u sheega, oo xumo tashiilka ah,

10. Garmagasho kamana baxdo
Waa qofka aan waxba loo sheegi karin oo aan talo keen iyo talo raac midna ahayn.

Waxa kale oo jira tilmaamo kale oo ay soomalidu ku sheegto doqonimada laakiin waxa aan ka soo qaadanay 10-kan qodob ee aan kor ku qornay.

Ladaneey Magazine

Adiguna tilmaamaheed ku sheegi lahayd doqonimada?
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku qori kartid rayigaaga (comment).

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

One comment
Leave a comment »

  1. best sxb yaal

Leave Comment


Ad