Ka dhig raaxada guurkaaga mid maalin kasta joogta

Nov 13th, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Nolosha

pics: podbean.com

pics: podbean.com

Sida ay sheegayaan khuburada ku takhasustay xidhiidhka ayaa waxa ay inoo sheegayaan sida aad uga raaxaysato jacaylkaaga.

Waqtiga oo yar iyo xiisaha galmada oo yaraata ayaa sababta in uu xiriirka lamaanuhu noqdo mid aan fiicnayn ayay sheegayaan khuburadu. Waxa ayna ku talinayaan in arintan si dhab ah wax looga qabto oo tababr la sameeyo.

Waxa muhiim ah in la ogaado in raaxada guurku ayna ahayn oo kaliya xiliga ay caruurtu yaryar tahay oo kaliya ee ay noqotaa mid ay lamaanuhu caado ka dhigtaan. Ama ay ka faa’iidaystaan kulanka raaxada nololmaalmeedkooda oo aan la eegin sida la isu qaabilay, muhiimaduna tahay wada raaxaysiga.

Waxa kale oo ka dhigi kara raaxaysiga lamaanaha ee dhalinaysa isu soo dhawaanshaha in ay u arkaan galmada mid jimicsi ah. Raaxaysiguna waa in uu ahaadaa mid la mid ah socodka aad maalintii samayso adiga oo caafimaadkaaga kor ugu qaadaya.

Raaxada guurka ayaa ah mid la mid ah sidii aad maalgalisay xiriirkaaga iyo caafimaadkaaga, sababtoo ah waxa xoogaysanaya difaaca jirkaaga, xiriirkaaguna waa uu sii xoogaysanayaa.

U arag galmada in ay tahay talaalka kala taga oo isku soo wada raaxaysiguna uu yahay xabagta xiriirka lamaanaha.

Adiguna ka dhiibo rayigaaga!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (commnent).

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

8 comments
Leave a comment »

  1. Sc sln kadib waa run xariirka 2bada lamaaneh oo is qaba waa yaradaa hadi galmadu yaraatoh. Si ay joogto u noqototana culimad kutaqasusay howlahan waxa ay dhahayaan : xaskaaga maahan hal meel oo kaliya inaan ugu galmootid sida sariirta qura, waxaa lobaahanyahay in ay bataan melahaad ugu galmooto sida : kijada, qolka fadhiga musqusha, berendada iwm. Oo aysan xasku galin niyada halmeel oo ay marwalba tiraahdo meshii ayaa kusugaysa, lamafilaan uga dhig melwalba oo gurigaaga kamid ah, tasna waxa ay fududaynaysaa joogto inay noqoto galmadu . Sww by

  2. Asc wan idin salamay dhamantin . Runti dadka waxay u badan yhn marki ay waynadan amaba ay nagta dhalma dayso inay raxaduna yarato ama gababsi noqoto lakin mid an jeclan laha inan ku darsado .dadka dhalinyarada marki ay yihin uma ficna inay galmada badsadan waliba raga sida lashegay dhakhatirtu waxay kula taliyan inay u galmodan dumarkoda twice in a week tas o kahortagaysa in ninka cfmadkisa wax sogaran ama cimri dadag ku dhaco. ayado ladabolayo bahadi lo qabay galmada jogtada ah ayan aniga waxa oran laha bashalka kale hala badiyo si galmada badan mesha oga baxdo hadal kaygo koban aniga wan kaso horjeda galmada badan o lasameynayo malin walba

  3. waan idin salamy marka hore,,,, runtii way wanaagsan tahy inaan xaaskaaga waqti la qaadato oo aad wada raaxaysataan ,si uu jacaylkiinu u sii xoggaysto
    laakii MUSLIM lady , waxadtidhi waa in la yareeyaa galmada badan lana badiyaa bashalkakale
    runtii way fiicnaanlahayd lakiin ogow oo hadii baashalka kale yimaado meesha galmadiina way imanaysaa oo isma kaantarooli kartid

    teeda kale sida ay diinteeda wanaagsan inoo sheegtay waxba ma yeesho galmado lamanaha isku xalaasha ah,, ninkana markasta oo uu xaskiisa u tago wuxuu helaa ajar,,waxan xoogaysta difaca jirkiisa,,,wuxuuna dareema diganaan
    so waxan kusoo koobaya ,dhibmalaha galmadu hadii ay xalaaltahy.

    waxan kale oo fursadan uga faidaysanayaa inan ladaneey.cm ku idhaahdo THank u
    ilaahyna waxan uga baryayaa inyuu wanaag ugu bedeli casharada qiimaha leh ee ay u soo gudbiso bulshada somaliyed

  4. asc dhamaan waan idin salaamay marka hore
    salaan dabadeed aniga waxay ila tahay in galmada xalaasha ah ay aad iyo aad ugu wanaagsantahay jidhka binu aadamka waayo ilaahaybaaba u ogol oo maaha waxa xaaraan ah xaaskaagana waxaa lagaaga baahanyahay inaad sifiican ugu raaxayso idinka oo iska qancinaya dhanwalba waayo qofwalba waxa ayaa uu jecelyahay adiga oo eegaya lamaanahaaga kale waa inaad aad ugu xaqabtirtaa sida uu u baahanyahayna u yeeshaa oo aad aad ugu raaxaysaa
    thnkz

  5. As/clkm dhamaan walaalaha barnaamijkan qiimaha badan isku soo dubariday iyo inta masraxa taagan marka xigta hadaan wax yar dhankayga isu kiin sheego aniga waxaan ahay dhalinta cuslaatay ee ka soo dalxiis tagay xaafada waaberi gaar ahaan suuqa ANZILOOTI iyo agagaarka BUULO EELAAY runtii hadaan nahay somali waxaan u malaynayaa in an nahay cida ugu complain badan mar walba dhaka raaxada marka laga hadlayo taasoo aan u malaynayo in aay ugu wacan tahay raga o qaar badan ay yihiin dhooreyaal aan waxba ka oqoonin macaanka iyo qiimaha uu leeyahay raxaysiga iyo dhanka gabdhaha masaakinta oo hooyoyinkooda ay kaga falaadeen furiihii raxasiga hadaba dib isugu noqda oo raaxada waa nolosha barkeda hana u daymo la”aanina raxada ugu macaan waa AROORTII iyo markii abaayda ay ka timaado suuqa MIIJISKA iyado aad u soo dhididay, CALOOLEYDANA dembiisha ku wada, wabilaahi towfiiq

  6. ASC walaaladayda muslimiinta qaaligaw runtii raaxaada guurka wax lagu qiyaasaa majirto mida kale waxaan arkaa in galmada aad umalaynsaan in ay dhibaato ugaysato raga laakiin wax dhib ah magaysato ee waliba waa lagu caafimaada,haday dhib keento Allaah kor ahaaye ma usan quraanka kariimka ku sheegeen in sadax jeel la jimaaco 24san.
    1.salada subax kadib or (kahor)
    2.salada duhur kadib
    3.salada cishaa’i
    kadib markaa waa fursad qaaliya ee yayna xalaasheedu idin dhafiin,xaraantana Allaaha inaga koriyo www

  7. xiriirka ka dhexeeya lamanaha is qaba hadii laga dhigo mid aan laysak hagran waxaa sii xoogysata rabitaanka labda qof dareenkoda oo gaadha heeer ay baahidooda dareemi karaan iyagoo kala fog masaafe ama laka jooga wadamo aad u kala fog,gurigaasi lamanha noocasi ku noolyahay wuxuu mar kasta ku sugan yahay xaalad xasiloon caruur ka dhisan jidh ahaan iyo mooral ahaanba
     
     

  8. Ugu horeynti wad salamantihn ladaney.com iyo dhaman lamanayasha ku taxan waxana idin shega fikir ahanteda in marwo walbo ninkeda ay ku kasban lkarto qab kasto o ay ugu raxeso runtina ani ka marwo ahan waxan uso jedin laha mamoyinka in raga ad raxada ku qancisin asalamu calekum

Leave Comment


Ad