Raga oo ay ku adak tahay marka xaasku ka mushahaar badan tahay
Dec 8th, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, NoloshaDaraasad cilmi baadhis ah oo dhawaan la sameeyay ayaa ka dhawaajisay in haweenka shaqeeya ee qaata lacagta badan ee mushaharka ah in ay saamayn ku yeelato maskaxda ragga qaba.
Cilmi baadhayaashu waxa ay cadeeyeen in ragga ay xaasaskoodu shaqeeyaan ee ay qaataan mushahar aad u lacag badan in uu dhaawac nafsaani ahi ka gaadho raggooda,Taas oo ninka dhaxalsiisa in ay lunto kalsoonidi iyo firfircoonidiisii nololeed, Taas oo aakhirka kelifta in uu ninku isku buuqo.
Waxa kale oo lagu sheegay cilmi baadhistan in marka ay gabadhu shaqayso ee ay qaadato mushahaar ka badan ka ninkeeda in ay la wareegto taladii iyo amarkii qoyska, arintaas oo keenta in ay gabadhu noqoto ta qaraar ka gaadha arrin kasta oo qoyska la soo gudboontaa,
Waxaana meesha ka baxda tixgelintii iyo xushmadii uu ka mudnaa ninkeedu.
Dhinaca kale waxa uu ninku dareemaa in uu lumiyay masuuliyad uu lahaa taas oo markaa isugu soo biyo shubata dhaawac soo gaadha maskaxda ninka.
Geesta kale daraasadu waxay ka sanqadhisay in ay jiraan haween badan oo shaqeeya oo qaata mushahaar ka badan ka uu raggoodu qaato oo ku guulaystay in aanay ku takri falin lacagta ay qaataan ee si fiican ula dhaqma ragga qaba.
Daraasadu waxay aakhirkii u soo jeedisay ragga haddii xaaskaagu ay qaadato mushahaar ka badan ka aad qaadato, fadlan jooji werwerka iyo cabashada oo garawso in ay xaaskaagu kaa nasiib fiican tahay oo kali ah, isku day in aad raadsato shaqo kale oo ka mushahaar badan ka aad hayso.
source: nageeyenews.com
Arinka maxaa ka jira?
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (comment).
Related posts:
- Habeenka sabtida iyo saacadu marka ay tahay 22:16 oo noqday xiliga lamaanaha isqaba Cawayska habeenka sabtida ayaa ah mid aad isugu soo dhwaweeya...
- Beelaha la hayb sooco miyaa laga tiro badan yahay mise waa lag tayo badan yahay? Hordhac: Is gadgadiga waayaha noloshu waxaa uu inta badan kaga...
- Sideed ku ogaan kartaa marka ninkaagu been sheegayo? Miyaad ka shakiday in uu ninkaagu been sheegayo? Mise waxa...
- Raga oo dumarka u qaybiyay 7 nooc Oday-dhaqameed Soomaaliyeed oo waayo hore jiray, waaya-aragnimo ballaaran u lahaa...
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.



