Wiilo ( gabadha sida raga u dhaqanta) way ka mushahaar badan tahay ta kale

Dec 15th, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Nolosha

pics from: them-us.com

pics from: them-us.com

Had iyo jeer waxa qoka ka shaqeeyaa shirkad uu xooga saaraa in uu ahaado mid dabeecad wanaagsan. Taasina waa mid muhiim ah. Laakiin marka ay tahay mushahaarka u soo dhaca gabadha ah mid furfuran oo dabeecad wanaagsan waa mid aan aad u badnayn. Arinta ugu haboon ee ay gabadhu kor ugu qaadi kartaa mushahaaka ay qaadato oo ah in ay ka barato raga ama wiilasha ay la shaqayso sida ay u dhaqmaan marka ay u doodayaan mushahaarooda.

Arintan ayaa waxa lagu soo saaray natiijo ka soo baxday daraasad uu sameeyay macahdka Nürnberg. Natiijada oo lagu cadeeyay in haweenka dumarnimadoodu ay qayb wayn ka qaadanayso marka ay la xaajoonayaan qofka bixinaya mushahaarkooda.
Baadhitaanka oo lagu sameeyay 6000 oo dumar oo da’doodku u dhexayso 20 ilaa 60 jir ayaa waxa lagu ogaaday in waliba dumarka aad u calool jilicsan (dareenka badan) ay qaataan mushahaarka ugu yar. Haweenka ugu mushahaarka badnina ay ahaayeen kuwa u la xaajooda sidii raga oo kale qofka bixinaya mushahaarka. Marka ay shaqaynayaana laga dareemo karti iyo dhiiranaan. Xataa waxa ay ka mushahaar badan yihiin kuwa loo arko in dabeecad frufran yihiin.

Sida uu u sheegay Guido Heineck jariidada Daily Mail ayaa sababtuna ay tahay in loo arko kuwa dabeecada furfuran kuwo qabow marka ay isku dhac yimaado oo aan si karti leh ula xaajoon karin qofka bixinaya mushahaarka.

Marka ay arintu tahay raga ayaa daraasadu waxa ay sheegaysaa in mushahaarkooda iyo ragnimadoodu saamayn isku lahayn.

Adiguna ka dhiibo rayigaaga!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (comment).

Related posts:

  1. Raga oo ay ku adak tahay marka xaasku ka mushahaar badan tahay Daraasad cilmi baadhis ah oo dhawaan la sameeyay ayaa ka...
  2. Chris Brown – Cambaaraynta Oprah waxa ay ka dhigan tahay sidii ay i dhirbaaxday oo kale Wiilka fanaanka ah ee Chris Brown ayaa cabasho badan ka...
  3. Beelaha la hayb sooco miyaa laga tiro badan yahay mise waa lag tayo badan yahay? Hordhac: Is gadgadiga waayaha noloshu waxaa uu inta badan kaga...
  4. Hore u mari sida aad wax u qortid Had iyo jeer waxa aynu maqalaa in ay luqadu tahay...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

Leave Comment


Ad