Raga soomalida iyo guurka gabdhaha hindida (qaybta 1-aad)

Dec 15th, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Nolosha

pics from: stockphotopro.com

pics from: stockphotopro.com

Dhowaanahan ayaa waxaa dalkan ku soo badanaya raga somaaliyed ee doonaya guurka gabdhaha Hindida ah iyagoo raga badanaa ay ka imanayaan dalalka Maraykanka iyo Yurub sida England iyo Sweden, wadamada Afrika ayaan iyagana ka harin oo South Afrika ayaa soo raacda.

Hadaba u kuur gelid iyo xog uruurin badan oo aan u galay arrintaas ayaa waxaa ugu dambayntii aan soo diyaariyay warkan aan u malaynayo inuu taabanayo meelaha ugu muhiimsan ee uu is waydiin karo aqristaha Qoraalkan.

Qiyaastii ayaa bil kasta waxaa halkan yimaada ilaa 5 ama 6 Nin oo Somali Guur doon ah kana imanaya wadamadaas aan kor ku soo xusnay haba ugu badnaadeene wadamada US iyo UK. Raggan ayaa u badan qaar xaasas hore u soo qabay oo da’doodu u dhaxayso 40-55, iyo kuwo aan sidaa u badnayn oo ku dhowaad da’doodu tahay 30.

Mar aan wax ka waydiiyay waxa ay u soo doonteen gabdhahan Hindida ah maadaama ay heli karaan gabdho Somaliyed oo isku dhaqan iyo isku af ay yihiin, ayaa waxay iigu jawaabeen Gabdhaha somaliyed wadankii marka ay joogaan waa ay fiican yihiin lakin markii dibadaha la keenay weji kale ayay la soo bexeen oo iyagii ayaa guryihii maamulaya amarna kaa qaadan maayaan oo gurigii marka aad isla joogtaan waxaad isla noqonaysaan Laba ruux oo amar isla bixinaya hal marna guriga ka wada baxaya marna soo galaya caruurtiina halkaa ay ku dayacmeen, Sidoo kale ayaa waxay ragan sheegayaan in gabdhihii Somaliyed markay yurub yimaadeen ay noqdeen gabdho shaqo doon ahaa oo ragoodii iyo hawshii hooyonimo ee ubadkii gurigeediiba iloobay.

Mid ka mid ah raggan oo ka yimid Ingiriiska ayaa sidoo kalena isagu ii sheegay in gabar Somaliyeed oo ay qaraabo yihiin uu ka keenay Somalia keenayna wadamada yurub dabadeedna gabadhii ayaa waxa uu sheegay inay is bedeshay oo ay noqotay qof dhaqankiiba ka tagtay oo ciyaalkii uu dhalay xitaa dhaqaalayn wayday, sidaa daraadeed ayaan halkan u imid oo gabdhaha Hindida ah ayaa la ii sheegay ayuu yiri inay yihiin haween wanaagsan oo raaliyooyin ah, wuxuuna ii sheegay inuu guursaday oo uu aad ugu faraxsan yahay Ilaahna uu ku mahadinayo oo uu dareemayo is bedel wayn taabtayna hada nolosha qiimeheeda iyo macaankeeda ayuu sii raaciyay.

Waxaan sii waydiiyay farqiga u dhexeeya gabdhaha Somalida ah iyo kuwan Hindida ah wuxuu ii sheegay in farqi wayni u dhexeeyo oo xag walba ay ku kala duwan yihiin ha ahaato xaga Ixtiraamka raggooda & Dhaqaalaha.

Waxay sheegeen in gabdhahan Hindida ah si wayn ayay uga duwan yihiin Somalida oo ninkeeda oo keliya ayay taqaanaa oo xitaa waalidkeed marka ay ku siiyaan gabadha cid kaa soo daba hadlaysa ma jirto, Hablaha somalida hadaad guursato gabadha iyada keliya ma guursane tolkeeda oo dhan ayaad guursatay ayay sii raaciyeen.

Oday Somaliyed “Habeenkii anigoo la i babinayo ayaan seexday subixiina anigoo la i babinayo ayaan ka soo kacay!” Mid ka mid ah Odayaasha waawayn ee hore u guursaday gabdhahan ayaa ku kaftamay in isagoo babis lala dul fadhiyo uu seexday subixiina uu ka soo kacay isla sidii isagoo loo babinayo, Marka gabadh Somaliyed sidaa ma laga helayaa ayuu sii raaciyay!

Qaabka lagu helo Gabdhaha Hindida

Waxaa aad u fudud sida aad ku heli karto inaad guursato gabadh Hindiyad ah, oo waxaad ku heli kartaa adigoo u sii maraya rag Somali ah oo luqada yaqaana ama iyaguba xidid la ah dadka dalkan u dhashay oo sanooyin badan halkan joogay, waxaana ay isla markiiba ku gaynayaan xaafada ay ku nool yihiin Gabdhahaas adigoo markaaba lagu tusayo ilaa 6 ama 10 gabdhood oo tii muuqaalkeedu ku qanciyo kala baxaya, waxaad waydiin kartaa su’aalo aan sidaa u badnayn iyadoo ehelkeeda ay kula joogaan ka dibna isla halkii ayaa laguugu meherinayaa adigoo isla markaaba halka aad doonto la aadi kara, taas oo ay ku xiran tahay hadba reerka gabadha sida aad isu fahantaan.

Gabdhaha la guursado ayaa u badan gabdho ka soo jeeda qoysas dhaqaale ahaan hooseeya,

Badanaa waxaa aad u dhib badan in ay helaan ragaani gabar ka soo jeeda reer iska ladan sababtoo ah gabadha hadiiba ay awoodaan reerkeeda inay ka bixiyaan lacagta ninka Hindiga ah la siin lahaa reerkaa waxay gabadhooda u guuriyaan hadba ninkii ay u goyn karto lacagtooda iyadoo ay ku xiran tahay ninka qiimihiisa hadba aqoonta uu leeyahay iyo qoyskiisa dhaqaalaha ay haystaan.

Gabdhahan ayaa u badan kuwa aan aqoon sidaas ah lahayn oo aan badanaa xaga luqada aan la is fahmi karin iyadoo raga qaarkood ay ku qasabto inay is fahmi waayaan oo farriimaha qaarkood ay dibadaha uga soo dirayaan u sii marsiiya rag kale oo luqada yaqaana.

Mar aan wax ka waydiiyay ragaasi sababta ay u raadsan waayeen gabdho aqoontoodu wanaagsan tahay ayay ii sheegeen inay ka door bidayaan kuwan maxaa yeelay ayay leeyihiin gabdhaha aqoonta leh waxay u badan yihiin kuwo saxiibo (Boy friend) leh oo aan la aamini karin.

Gabadha marka aad guursato oo wixii lacag ahaa oo lagu heshiiyay aad bixiso ayaan lagaa rabin wax kale oo lacag ah oo dheeraad ah oo halkii aad doonayso ayaad gabadha la aadi kartaa Somalia ha ahaato ama dibadaha ha ahaatee.

Gabdhahan ayaa ay raggan aad kuugu amaanayaan marka aad waydiiso in kastoo dadka qaarkii ay arrintaa aad uga so horjeedaan oo ay leeyihiin gabdhahan meelo badan oo ay gabdheheena Somaliyeed uga fiican yihiin ayaa jira sida dhaqaalaynta carruurta, Nadaafada guriga iyo kartidaba, sidoo kale ayaa waxay leeyihiin gabadha Somaliyed waa gabar tol leh oo walaal iyo qaraabo leh oo hadii ay wax ku qabsadaan ku caawinaya caruurtaadana caawinaya lakin gabdhahan ayaa hadii wax uun ay si kaa noqdaan ayaysan caruurtaadu helaynin cid caawiso oo ehel ahaan garab istaagaya.

Waxaa taa sii xoojinaya in haweenkan aysan ku wanaagsanayn carruur xannaanaynta dhacdadan oo dhowaan ka dhacday dalkan taas oo ah gabar u dhalatay wadankan oo la yiraahod Sultana ayaa waxay daawanaysay filim iyadoo dhabta ku haysatay ilmeheedi oo aan sannad gaarin dabadeedna iyadoo filimkii meel fiican u maraya ayuu ilmihii yaraa ku ooyay ka dibna gacanta ayay afka ka saartay si ay u aamusiiso oo filimka ay daawanaysana uga qasin, mudo ka dib markii ay filimkii dhamaysatay daawashadiisii ayay is tiri wiilkii wuu kuu seexdaye bal eeg, lakin nasiib darro waxay ogaatay ilmihii oo nafta ka baxday oo gacanteedii ay afka ka saartay ay neefta ku xirtay!

Hadaba waxaa la is waydiinayaa waxa keenay in gabdhahan ay sidan raaliyo u noqdaan oo nin Ajnabi ah oo aysan weligood arag isku dhaqan iyo isku af ahayn oo hadana mudo gaaban gudohood ku ogolaatay inay hadana sidaa uga dambayso oo meel kasto oo uu tagayana u raacdo, ma wax ay ku dhasheen baa mise waa wax ay danta ku qasabtay oo duruufaha iyo nolosha aduunyada ay baday?.

Su’aashaas jawaabteeda waa mid akhristuhu oo ka dhex heli karo labadan dhacdo ee soo socota oo ku saabsan guurka hindida dhexdooda ah sida uu yahay.

Abshir Maxamed Harir (DHuunyar).
abshirmx22@hotmail.com
la soco Qaybta 2-aad:
soruce: somaliland.edu

Maxaad u aragtaan ragan soomaaliyeed ee guursanaya hablahan hindida ah? Ka dhiibo rayigaaga!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (comment).

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

17 comments
Leave a comment »

  1. waxaan aad uga xumahay gabdhahaa fuqurada ah oobeenta loosheegaayo hada kahor waxaa loo aadijiray gabdho raqiis ah soomaaliya laakiin soomaaliya hada waxay uga baqeen ihelkiisiibaa kusooyaacaaye wayse helayaan gabdho fuqura ah marka dantaa tiri meel aan laga aqoon in ay udoon taan fuquraa waxaysan mafakarin ama aysan iskabaarin caafimaadkii? maanta hindiya boqolkiiba75 ayaa waxaa laga helay HIV teeda kale gabdhihii qurbaha joogay waxay kacabanayaan ragoodii ooaan raaxada ogolay  waamar ay daalanyihiin iyo mar ay hurdaan gabadhiina ayleedahay noloshu masaanaa hadaan tusaale usooqaato waxaan ahay xaas xaajigaygu in aan uraaxeeyo oon kakeen sado maahee xaguu isaga siijeedaa wuxuuna yiraahdaa hadaadrabtid itoosi in badan dumarka soomaaliyeed way dulmanyhiin balkawaran kaa muxuu naag kale usheegi  aad ayaan ulayaabay qoraalkaan waxaa layiri intaadan falin kafiirso guurku hanoodambeeyee qoysaskiina hagaagsada

  2. waxaan aad usalaamay ladanay waxaan kaloosalaamayaa soomaaliyad gabadha labaxday waxaan uqirayaa in aydulman yihiin gabdhihii soomaaliyeed qoraalkaana aad ayuu noo anfacayaa waana in aan wax kabadalnaa dhaqankeena guriga waayo waxaan kunool nahay wadan fidna ah waadna mahadsatihiin

  3. marka hore saalaan qaali ah walaalayaal aniga waxay ilatahy wiilashaasi waxay ciyaareen dookhooda because jacaylku qabiil iyo somalonimo maaha ee waa qofkaad ku qanacdo ee ay naftaadu ka hesho  that is my opinion bye everyone

  4. MARKA HORE DHAMAANTIIN WAAD SALAAMANTIHIIN SALAAN KA DIB,ANIGA WAXAAN U ARKAA INEY YIHIIN RAG QEYR MASUUL AH SABABTOO AH HADII AY WANAAGSANYIHIIN WAXEY U SAMRI LAHAAYEEN ILAMAHOODA SI AY U NOQDAAN KUWO DIINTOODA IYO DADKOODA ANFACA INTA BADAN RAGA SOOMAALIDA WAXEY JECELYIHIIN XAASAKOODA INEY ULA DHAQMAAN SIDA XAYAWAANKA OO KALE OO MARARKA QAAR WAXAAD ARKEYSAA NIN XAASKIISA DADKA HORTOODA KU CANAANAAYO AMA KU AFLAGAADEYNAAYO TAASINA MAAHIN WAX DIINTEENA ISLAAMKA SAL KU LEH SOMALIDA WAXEY TIRAAHDAA(NAAG U SAMIR AMA KA SAMIR)SABABTA LOOLA JEEDO WAXEY TAHAY INAAN GUURBA AAD FARAHA KA QAADO ILEEN WAAJIB MAAHINE HADII AAD GUURSATANA INAAN KU DADAASHO GURIGAAS SIDUU U NOQON LAHAA GURI LAGU BARBAARIYO DIINTA ISLAAMKA IYO SUNADA NABIIGEENA MUXAME N,N,K,H, AYNA JIRTO KALSOONI IXTIRAAM JACEYL IYO KALA DANBEYN INTAAS HADII LA HELO WAX WALIBA WEY HAGAAGAYAAN. MAHADSANIDIIN.Byyy

  5. walaahi runta markaan ka hadlo marar badan ayaan raadin jiray web ka hadlayo arimaha gabdhaha hindida ah ama guurkooda markaan arkay webkaane waan ku farxay runtii haddii aan wax ka iraahdo ragaan somaliyeed oo guur sanayo gabdhaha indida ah runtii aad ayaan u taageerayaa maxaa yelay anigaa jecel qof hindi ah in aan cimrigayga nolosha la dhameysto maxaa yelay waa dad sidaad kor ku xisteena yaqaan nolosha haddii aad yurub gaysid iyo haddii aad wadankooda ku hyasidba aanan dhaqan ka ay lee yihiin iyo dadnimada ka tagayn ma fahantay runtii waana taageerayaa ayaan oran lahaa

  6. Waad salaaman tihiin dhamaan waxaan rabaa in aan wax yar ku iraah gabadha Soomaaliyad la baxdey walaaley waxaan ku leeyahay isku xishoo intaad is leedahay nafis cidna kuma taqaanee oo xaajigaaga halkaan sheekadiisa ku qor walaahi waa Aafo weyn allena raali kaama noqon doono balse haddii aad is qabtiin iyo haddii aad kala tagtiinba midna ma banaana in aad gogoshaada iyo dharkaada ka hadasho, haddii aadan raali ku aheyn adigoon waxba soo qorin i fasax ku dheh oo mid ku qanciya raadso, waa iga talo walaal cafwan haddii aad i dhibsato waan kuu qiiroodey runtii.

  7. Asc dhamaantiin. waxay ila tahay in ay nimanka raadsanayo gabdho hindi ah ay hablaha somaliyeed meel kaga dhaceen iyagana aysan u wanaagsanahayn waayo ma yaqaanin wax ay tahay gabadhan hindida in ay cudur qabto iyo in kale waayo hadii ay caadi tahay maxay u guursan wayday hindi kale oo meesha dhigay? Marka nimanka waxan oran laha sida isu dhaama oo ha ka taginina hablihiina oo ha ku doorsanina mid aydan isku dhaqan ahayn.

  8. asc. walaalyaal markaxiga waxaalayiri baqiilku waxa uu kudhintaa dariiqa. waxaa maqaalkaan iiga soo baxday in gabdhaha hindidaa loo aaday in gacalaan garablahayn lahelo, waxaan leeyahahay waa ninkii aaqiro lagawaayo. Waxaan meel lafadhinaa hadaan nahay gabdhihii soomaaliyeed  gacal isdhax gala, gayi barwaaqaa, dhaqan iyo diin gaamuray. yaynaan maqal naag ajinbiyaan qabaa oo waxiiga soowaramo malaha, yaynaan maqal ubadkeenii diinkale, iyo dhaqankalaa lagu barbaariyay,  yaynaan maqal naagaheenu baahanayaal bay ahaayeenoo dadkooday dhinac karaaceen oo nagala tage ubadkii. tanu waxa ay ka midtahay fahanka xun ee nin soomaali xabaarsanyahay, iyo hadaflaaanta aan uga baranay baryahaan danbe.

  9. waxaan aad  usalaamay  dhamaatiin gaar ahaan  inanka waanada iiso jeediyay. walaalkiis gacaliye anigu waxaan sheegay gabdho badan oo soomaali ah waxaay kusugan yihiin ana aan kamid ahay. ciwaanka hore si fiican u aqri ilaah baan kugu dhaarshaye. Kawaran ninka leh anigoo lay babinaayo ayaan seexday anigoo laybabinaayaan hadana toosay wuxuuna raacshay gabar soomaaliyeed ma laga helayaa. hadii aad cadaalad tahay kaa ayaad ujawaabi lahay baan filayaa. Anigaa soomaali ah  waxaana filayaa in aan ay gabdhaha soomaaliyeed in ay dulmanyihiin. walaal kama aan hadal wax dhib ah waxaanse usoo qaatay in u udhib haysto gabdheheena soomaaliyeed waanadaadiina waan qaatay waadna mahad santahay

  10. aad ayaan ugu bogay webkaan ladanay.com anigu waxay ilatahay in aan nafta laraacin, ubadkana loo daneeyo xalkuna waa  in aan guurka la fogayn.

  11. haaaaaaa wad salamantihin kuligin
    waxaan qaba gabdha soomaliyed waxay xaquleyihin nin somali ah kan somaliga ah na gabdh somaliyed hadaba, waxan a qaana somalida gabdhaheeda mudo dher kuwo aan lasaxibay waxay ahayeen kuwo aanan lagadhikarin dhanka naxarista iyo dadnimadaba, waxan ka arkay jacayl dhamaystiran iyo nolol cajib ah.
    marka maxaa kufalana walaalayal gabdho hindi ah kuweena wakuwa ugu qalisan adunkan markad thay somli         
    kafirso gurkaga

  12. hhhhhh aqayaarta dhamaan waad salaamantihiin mideeda kale ani waxaan leeyahay gabar hindi ah ninkii hela waa ayaansaday lkn dhaqankaa laga rabaa siduu ula qabsan lahaa, horay ayaa waxaa loo dhahay maroodi qoora cuna asaa maroorkiisa ka war qaba cml kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  13. marka hore waxaan salaamayaa saaxiibadeyda aan ku bahownay fikkir is weydaarsiga.
    karog oo haddana saar walaalayaan aniga waxa iga daardaaran ah in aan wax laga sheegin hableheenna soomaaliyeed waayo illaa abka ab ayaan isa soo guursan jirray ceebtoodu waa ceebteenna wanaaggooduna waa wanaaggeena marka ma fiicna in aan wax ka sheegno , meelwalba gabdho fiican iyo gabdho xun weyjoogaan laga yaabaa in ay hindiya innagaga badan yihiin taasi micna kuma fadhiso.

    laakiin walaalayaal kadigtoonaada waxyaabaha aad ku hadleysaan, waayo waxa dhicikarta in  jiilkeenna danbe laga cararo oo ay raad xummo unoqoto hablaha soomaaliyeed ee ayaannaan awaaqib  xummo hableheenna ureebin oo aannaan noqon dad laga cararo oo  farta la isugufiiqo si aan looguursan hableheenna.
    isaga ayey utaallaa kii guursanaya gabadhakale laakiin ayuun wax ka sheegin hablaheenna soomaaliyeed middaas ayaa iga daardaaran ah oo aan soojeedinayaa   ummaddeyda soomaaliyeed that is my opinion bye everybody

  14. marka hore waan idin salaamay  waxaan idn sheegaya anigu raga leh gabdhaha hindiga ahayaa ka wanaagsan gabdhaha somaliyeet waa dhalanteet iyo nin wax iska waayey. raga  somaliyeet xita ma awoodan in ay yirahdan xaaskooda waan ku jeclahay. halka ay nimanka kale yirahdan 100 jeer maalintii. Inta ay sheegen in ka badan ayaan u sameynaa rageena  mahadsanid xitaa lagama helo.i ska daa ixtiraame, babiska aad sheegteen 2jeer inkabadan ayaan idin sameyn laheyney hadaad keensataan. lakin wax afmacaan lagu waayey  laguma helo xanaaq iyo qalafsanaan, sidaa darteed waxaan oran lahaa haloo furo koorsooyin sida loola dhaqmo xaasaskooda.                                                           waad mahadsantihiin.

  15. hadaad doontana gabadhu hindi ah anaguna waxaan doonanayna raga iska dhal ah intii somalida jecelna waynu isku soo hadhayna waanaynu guulaysanayna aniguna waxaan ka mid ahay kuwa somalida usoo hadhaysa

  16. a/c walal waxaan aad ufilayaa, aadamigu inuu kukala duwan yahay, wax badan, waxan filayaa, inaysan jirin, cid kawanaagsan hablaheena, laakiin marxaladaha, burburkaa ee nasaameeyay , awgeed, ayaa waxaa luntay, dhamaan kala dan bayn tii, waxan filayaa, in hablahaa hindidaa, ay u dhasheen, xurmada iyo ixtiraamka,   sikastaba ha ahaato, waxan kula talin lahaa, raga soomaaliyed, inay ladaalaa dhacan hablahooda, marwalba ayagaa, noo wanaagsan, dharadan lahayna dhaxan kaama celiyo. haday gabdhaha, hindidaa, ku fiican yihiin,60%,  kuwenuna waxay ku fiicnanayaan.90% or 95%,
    waa inla qiimeeyaa, wixii dadkena iyo dalkena kahalabay, ragbaa haleyay, dhacda walba oo muruga leh, anagaa kamasuula,  marka fadlan aan xurmayno, gabdhaheena ayagaa guur ubaahan. xaqna noogu leh,
    hadan inyar katagto, waxan kamid ahay raga  nasiibkiisu udiiday, inuu helo marwo, soo maaliyeed, oo uu dhaqdo, guurkana  kala kulmay guuldaro, iyo kalsonixumo.
    hadana, waxan qabaa, inay yihiin gabdhaheenu , gabdhaha ugu wanaagsan aduunka. marwalbana waxaa fiican haday arini kugu timaado, inaad  kafiiriso dhanka fiican,  sas ayay wax walba ku samaan,
    alaha nadhawro

  17. [...] Raga soomalida iyo guurka gabdhaha hindida (qaybta 1-aad …Dec 15, 2009… oo waxiiga soowaramo malaha, yaynaan maqal ubadkeenii diinkale, iyo …. Mel Gibson and Oksana Grigorieva reach financial and custody … [...]

Leave Comment


Ad