Fanka iyo fanaanka: Saado Ali Warsame

Dec 16th, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Music

pics from: afdheer.com

pics from: afdheer.com

Maanta waxaa jeclaan lahaa in aan in yar ka taabta habka fanaaneed iyo dadnino ee xidigta weyn ee caanka ah-Cunaabeey-Saado Cali Warsame, shaki kuma jirro in magacaasu yahay mid si weyn loo wadda garanaayo, mudo dheer eey maqleen dhegaha dadweynaha somaaliyeed, Heesaha badan ee Saadona si weyn loo jecel yahay iyo qaabka qurxoon ee jilista riwaayadaha ee gaar u ah Saado. Balse waxaa dadweynaha intooda badan ka qarsoon dhanka qof ahaaneed iyo sifooyinka gaarka ah ee Saado Cali Warsamme.

Fanka iyo habka luuqeynta wanaagsan ee Saado ayaa ah kuwo siinaaya mudanan gaar ahaaneed iyo in eey tahay xidig weyn, fanaanad caan ah oo ka mid ah kuwa fafka horre sida:- Marxuumadda Magool, Xidigta Sahra Axmed, Hibo Nuura, Baxsan, Khadra Daahir, Aamina C/Laahi, Faaduma Qaasim, Maan-deeq, iyo Seeynab Cigge oo ah fanaaniinta la oran karro waa kuwo safka koowaad dhinaca haweenka. Saado waxeey ka soo qeyb qaadatay riwaayado badan oo xiiso weyn lahaa sidda:  Riwaayadii Wadanigga aheyd ee uu curiyeey abwaan, Maxamuud C/Laahi Sangub ee magaceedu ahaa Xoriyo, oo Saado Cali ka aheyd xidigta koowaad, kuna muujisay xeeladeeda sarre iyo habka wacan ee jilaanimo iyo luqadeedda iyo naaxiyadeeda habka heesaha.

Saado Cali waxeey sidii ku habooneyd u gudateey masuuliyadda damiir iyo dadnimo ee dhanka dalkeedda iyo dadweynaha somaaliyeed ka saarnaa maadaama eey aheyd fanaanad heer qaran ah. Waxeey ka qeyb qaadatay heesihii wadaniga ah ee wajigga halganeed laguna dhaliilaayeey hogaankii rajiinkii kacaanka. Waxeey Saado codkeeda cajiibka ah ku soo bandhigtay heesihii uu curiyeey abwaan Cabdi Muxamud Amiin ee tusaaleeyn iyo tilmaanta ahaa, waxeeyna ku muteeysatay xoriyad ka qaadid iyo xarig dowladii u geeystay, dhanka dadweynahana xurmo iyo qadarin weyn.

Saado Cali, waxeey leedahay sifooyin aad iyo aad u wanaagsan oo eey tixgelin weyn ku mudan tahay waxaana ka mid ah tusaale ahaan:-
1- Dad la dhaqanka, waxa ayna si weyn u xurmeeysaa dadka gaar ahaan fanaaniintii somaaliyeed.
2- Ku dadaalida la socdka xaaladda fanaaniinta.
3- Xiriir Wanaagsan iyo Walaalnimo weyn oo eey la leedahay Bahdda Fanka.
4- Saado waxeey jaceshay in fanaaniinta yeelato iska war qabid iyo is Caawin.
5- Saado waxeey leedahay hab niyad samid iyo calool wanaag.
6- Saado waa qof gacan furan dhinaca deeqsinimadda.
7-Saado hab beeleedka iyo qabyaalad u adeegidda ayaay nadiif ka tahay. Waxeeyna leedahay sifo wadiniyadeed iyo hanaan qarameed.
8-Saado waa qof si weyn u naceeyb dulmigga iyo xaq daroda.
Arimhaa aan kor ku soo sheegay waa tusaalooyin yar yer oo aan ka soo qaatay sifooyinka wanaagsan iyo dadnimadda  weyn ee Saado Cali Warsame..

Iyadoo la wadda ogyahay Xaaladda qalafsan iyo dhibaatooyinka waaweyn ee Somalia ka jirra iyo guud ahaanba xaaladda ummadda somaaliyeed ku sugan tahay oo ah mid si weyn looga xumaado ama looga naxo iyo fanka somaaliyeedna la qabaa ummadda dhibka iyo dayaca weyn ee meesha yaala. Inkastoo Saado dhoowr heesood oo wadanimada ku saleeysan, tusaaleena u ah ummadda soomaaliyeed tirisay hadan Saado iyo Fanaaniinta
Dhiigeedda ah( Rag iyo Dumarba) ma qaadan doorkii laga filaayeey.
Hanuuninta iyo wacyi gelinta ummadda somaaliyeed, anigoo qormadan gaaban soo gunaanadaaya waxaan oran karaa marka xaqiiqadda dhabta ah la sheego xidigta fanaanadda somaaliyeed Saado Cali Warsame (Cunaabeey), waa mid aan qoraxi qaran, waa shakhsiyad wadinimo weyn leh, waa muwaadinad dhab ah, waa qof bani’aadnimo wacan leh, dadweynaha somaaliyeedna urmo, qadrin iyo tixgelin weyn u hayaan. Aniguna salaan qaali ah ayaan halkan ugu gudbinaayaa xidigta fanaanadda somaaliyeed Saado Cali Warsamme.

Xassan C/Laahi Sheekh (Xassan Carab)
sharifhassan50@yahoo.com

Adiguna fanka iyo fanaaniinta inteed ka taqaan? Waxa aad ka dhiiban kartaa rayigaaga!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (comment).

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

One comment
Leave a comment »

  1. waran rabaa ina aankusoobiira  kooxda  fanaaniinta  soomaliyeet  sideen ulaxiriiraa  iiga soojawaaba

Leave Comment


Ad