Waxa ay leedahay wajiga quruxda saxda ah

Dec 20th, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Quruxda

pics from: http://www.myspace.com/miss-somalia

pics from: http://www.myspace.com/miss-somalia


Quruxda soo jiidata indhaha raga ayaa ku jirta cabirka u dhexaya
labada indhood dhexdooda iyo indhaha iyo afka.
Hadii uu wajiaagu buuxiyo cabirka dhexdhexaadka ah ayaa waxa aad tahay gabadh qurux badan.

Waxa halqabsi ah oo la yiraa in quruxda qofba si u arko laakiin taasi ay hada meesha ka baxday markiii baadhitaan lagu ogaaday quruxda dhabta ah ee ay gabadhi leedahay. Quruxda ay gabadhi leedahay ayaa waxa ay ku xiran tahay cabirka u dhexeeya labadeeda indhood iyo indhaha iyo afkeeda.

Natiijada baadhitaankan oo ku soo baxday jariidada aqoonta ee Vision Research ayaa waxa ka soo wada shaqeeyay jaamacadaha SanDiego, Kalifornia iyo Toronto.

Baadhitaankii
Waxa laga codsaday dad badan oo ka qayb galay baadhitaanka in ay qiimeeyaan quruxda sawiro dumar oo la tusay. Dhamaan sawiradaas dumarka kala duwan ee ay arkeen ayaa waxa ay ahaayeen sawir laga qaaday hal naag. Sababtuna waxa ay ahayd  ayadoo la bedbedalaayay cabirka u dhexeeaya labadeeda indhood iyo indhaha iyo afkeeda.

Quruxda ay doorteen
Sawrikii ugu badnaa ee ay doorteen ayaa waxa lagu ogaaday in cabirka u dhexeeya labada indhood dhexdoodu uu qiyaas ahaan ka yahay 46% qiyaasta balaca wajiga. Cabirka indhaha iyo afka inta u dhexaysaana uu ka yahay 36% qiyaasta dhererka wajiga. Daily Mail -na waxa ay wariysay in cabirkana ay leeyihiin xidigaha Liz Huleys iyo Shaia Twain.
Waxa nasiib wanaag ah in inta badan haweenku guud ahaan ay leeyihiin celcelis ahaan cabirkaa aan kor ku soo sheegnay ee ah 46% iyo 36%. Taas oo ka dhigaysa hablo badan kuwo qurux badan. Markaa hadii cabirka wajigaagu leeyahay qiyaastaa waxa aad ka mid tahay dumarka quruxda badan.

Timaha iyo qiyaasta wajiga
Cabiraadan aayaa waxa ay sabab u noqonaysaa in gabar qurux badnayd ay  fool xumaato ama mid fool xumayd ay qurux badnaato marka ay timaha jarato. Timajarida ayaa waxa ay badalaysaa aragtida indhuhu ka qiyaas qaadanayaan wajiga, waa sida uu hadalka u dhigaya caalimka Kang Lee ee waxa ka dhiga jaamacadii Torornto ee ka qayb gashay baadhitaanka.
Ladaneey Magazine

Sideed u aragtaa quruxda la cabiraayo?
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (comment).

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

4 comments
Leave a comment »

  1. ok horta sida aan aaminsanaa dideen balse tan laqimeeyay kamahayo fikrad buuxda, salakin ani waxan quruxda uqaana gabadhu inay dheertahay mise dhubantahay oo hada na lafledahay   midabkeduna uguyaran marinyahay nasahana uyar yar garbahaba xooga soorogan wajigeduna uusan wayneen 
    hadi tas ookale jirto ama ayladenay isticmasho ha ilasoo xidhiidho wan  qaabilayaa  

  2. qofba quruxda kolay si ayaa uu u yaqaan quruxda dumarka kolay ninba meelbaa uu ka eegayaa
    gabadhu waa inay indho waaweynleedahay ,waa inaya ay dheerertahay ,dhexyartaya ,labada cududoodiyo labad kub u buurantahay
    wajigeedu uu dhilanyahay ,ay san dheertahay ,naasaheeduna aanay waaweynayn aanay yar yarayna waayo meesha ugu muhiimsan ee quruxdu waa shafka.waa meesha ay ishu ku dhacayso
    markaa kolay siyaabahaa ayaa ugu muhiimsan quruxada  dumarka
    markaa aniga dookhaa ayaa ila wanaagsan

  3. gabar kaste wa qurax badantahay saas aan aminsanahay

  4. Gabadh kataa meel ayay ku qurxoontahay …-lakiin waxaas ba waxa ka muhiimsan caqliga iyo intelegnimada , waayo quruxdu way dhamaanaysaa —Taas ayaan aaminsanahay ani.

Leave Comment


Ad