Amaanta hablha – Cilmi Boodhari

Dec 26th, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Jacaylka

pics from: flickr.com

pics from: flickr.com

Ragu waxa ay amaanaan gabadha ay ka helaan. Amaanta uu nin ku sifaynayo gabadha uu ka hadlayo waa mid ka turjumaysa aqoontiisa, fikirkiisa, inta uu leegyahay dareenka uu qabo iyo waayaargnimadiisa. Raguna sida ay ukala duwan yihiin ayaad ka arkaysaa sida ay hablaha ugu amaanayaan sifooyin kala duwan.

Hadaba hadii aan ku bilowno aabahii Cilmi boodhari oo ah aabihii jacaylka ayaa waxa aan soo qaadanaynaa erayada uu ku amaanayey Hodon ee ku jira gabayga Habsami. Kadibna waxa  ku xigi doona abwaano kale.

Waa kan gabaygii Habsami

Ninba tuu ka hely buu
gabdhaa Hodan ku sheegaaye
Oon heerkastay qurux ka tahay
hawlin taa kale e
Anna dookhu adiguu huwadey
kuna hareer yaale
Qaar buu gabdhaa hilibku
iyo hugu cusleeyaaye
Adna inaanad haabkaa ahayn
hubiyey dhawrjeere

Naasahan sidii hooto waran
hore u soo taagan
Dibnahaagan hiifkaba aqoon
hadal san mooyaane
Gudub halacsi daymada indhahan
hibada loo siiyey
Qosol hanaqa soo taabayoo
caashaq hurinaaya
Ilka aan hogoodii ka lumin
kalana hoosaynin

Sankaagaa hanaankiyo qorshaa
hadiyad loo siiyey
Dhabanada hareeraha wejiga
halalac nuuraaya
Suuniyaha haabkoodan wacan
hadal dhamayn waaye
luquntii habkii geri lahaa
halal wax dhaafsiisey

Timo hoos garbaha uga degoo
sinaha haab-haabtay
Heega iyo laafyaha gamcahan
hibada loo siiyey
Dhexdan aan hareeraha u fidin
horena soo taagmin

Hanaan quruxsan waataa luguu
ka haqab beeleene

La soco amaanta abwaanka kale!
Ladaneey Magazine

Adiguna hadii aad hayso amaan aad u tirinayso jacaylkaaga waad noo soo gudbin kartaa.
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid qoraalkaaga ama rayigaaga (comment).

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

8 comments
Leave a comment »

  1. kulli laykii habeenkii
    in aan kuududo mooyee
    oon kadaaliyo maahee
    hurdo waan kari waayee
    kaarkiisa jacaylka siduu
    ii koosgareeyey anna aan
    u karyaayey hoy kelyuu
    waa i boodaan
    ruuxnase kimistii loo
    qoray sida kitaabku
    nagu yidhi koley seegi maayee
    allow kaafiya nakulan sii

  2. haddii aan fakh idhaadoo
    xagaayoo  furus aadoo
    ganboolayda haweenka
    anigoo falanmooyee
    juuq hadaan u idhaadoo
    faadumo iska ilaawo waa
    mid aan la filayne
    alloow kaafiya kaafiya
    na kulansii
    ayaanle afweyne

  3. Who and where to edit this summer on fair, portion your information.

  4. Hey! I know this is kind of off topic but I was wondering if you knew where I could locate a captcha plugin
    for my comment form? I’m using the same blog platform as yours and I’m having difficulty finding one? Thanks a lot!

  5. run ahaantii jacaylku waa shayga ugu qaalisan koon kan aynu ku nool nahay waxa jira dhalin yaro fara badab oo samaynaaya jacaylka laakiin waxba kama yaqaanan







  6. waa maxay jacayl? jacaylku waa ?
    J=jirro xanuun badab lagu sarjaray samir iyo dulqaad.
    A=aayatiin wacan iyo aqal aad yag leeshaa.
    C=waa culays iyo calmasho aan ceyn lahayn
    E=waa eed aan uurka jarin lagu af jaray wanaag iyo amaan.
    Y=lur iyo beer laxaw si joogta ah liibaan ayku laran tahay walalayaal macnaha jacayl waa kaas hadaba waxaad ku cayaarteen macnii jacaylka aduunkana ka ugu qaalisan inuu yahay jacayl haduuna jacayl jirin aduuba maad jirteen
     

  7. jacaylku waa jiraaa waana wax jira kana jira meel waloo dunida ka mid ah markaa waa in la ilaaliyaa jacaylka
     
     
     

  8. I’m really impressed along with your writing skills as neatly as with the format in your weblog. Is this a paid theme or did you customize it yourself? Anyway keep up the nice high quality writing, it’s rare to look a nice weblog like this one these days.
    .

Leave Comment


Ad