Sababaha keena furiinka
Jan 8th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, JacaylkaCiraaq waxa lagu tilmaama wadan ay ku nool yihiin dumar aad u badan oo carmal ah,sababta ay baqdaad u noqotay magaaladii carmashana waxa weeyaan raggii oo intoodii badneyd ku naf waayey dagaladii ka dhacayey dhawrkii sanadood ee ugu danbeyey.sidoo kale isqarxinta inta badan ka dhacda gudaha wadankaasi ayaa ah iyaduna mid sahayata dadyow badan oo ragg iyo haweenba isugu jira kuwaasi oo ka tagga lamanahoodii kale. Arintanina waa mida sababtay in laga qoro dhacdadani buug la yidhaahdo “City of Widows”!
Haddii aynu haddaba ka yara gudubno baqdaad iyo arimaha keenay in ay noqoto magaaladii goroobada ayaa waxa isweydiin leh su,aal kale oo ah, ma jiraan amase ma la heli karaa meelo kale oo carmalnimadu ku badan tahay? Runtii jawaabta su’aashani ayaa ah: Haa. Waa la heli karaa meelo kale oo carmal badani joogto, ama ay ku soo badanaysaba. Maxaa yeelay carmalnimada dagaalka uuni ma sababo ee waxa dhalin kara duruufo iyo waayo kale oo badan.
Wadan kasta oo aduunka ka mid ah waa laga helayaa carmal (widow,widower) maxaa yeelay waxa jira duruufo qalafsan oo kala kaxeyn kara lamaanaha nolosha wada qeybsanaya. Waliba casrigan hadda lagu jiro waxa aad u fudud in si dhib yar loo kala tago, taasi oo sababta in lamanihii markii hore ku jiray caalamka qoyska, ay noqdaan kuwo gala caalamka carmalnimada.
Sababaha keena furitaanka
Lama soo koobi karo carqaladaha abuuri kara ama dhalin kara furiinka. Furiinka badanina wuxu cadeynayaa in carmalnimadu ku soo badaneyso bulshada dhexdeeda. Si kastaba ha ahaate markaad baadhitaan mug leh ku sameyso waxyaabaha keena furiinka baddan ee carmalnimada sababaya,ayaa waxaad ogaan kartaa in kuwani yihiin qaar ka mid ah: Lacag la’aan iyo dhaqaalo yari soo wajaha qoyska kadibna is nacsiiya.
Dilid badan oo ninku kula kaco xaaskiisa.
Iyada oo midkood ka soo wada bixi waayo xuquuqdii ka kale kulahaa.
Daacad daro iyo is aaminaad la’aan.
Ninka oo gabadh kale guursada kadibna tii hore tidhaahdo i fur.
Ma dhalaysnimo.
Ninka oo reerkoodu gabadha u garan waayo kadibna ku qasba in uu furo iyo sidoo kale reerka gabadha oo ninka necbeysta.
Arimaha kale ee soo dedejin kara furiin ka dhex dhaca labada lamaane ayaa ah:
Iyaga oo ka fogaada ama si fiican ugu dhaqmi waaya diinta maxaa yeelay haddii qofku xaqa ku sugnaan waayo waxa si buuxda uga faa,idaysanaya shaydaanka oo ku furaya tushuush keeni kara dhibaatooyin.
Adeecida iyo ismaqlida oo meesha ka baxda.
Lamanaha oo marka hore dan isku guursada kadibna marka dantu dhamaato kala taga.
Naag kale oo ninku yeesho.
Lamaanaha oo la isa siiyo iyaga oo aan isku sanbanaaneyn kadibna marka danbe is fura.
Arimaha kale ee furiinka badiyey waxa ka mid ah awoodii ragga iyo tii dumarka oo aad moodid in ay isa soo gadheen. Haddii markii hore la arki jiray haween guriga fadhiya oo raggooda uun wax ka suga se hada iyagu isdabara. Haddii markii hore la arki jiray haween ka naxa kalmada furiinka maanta taasi way yaraatay. Waaxana batay dumarkii shaqeysanaya ee wax la soo baxayay. Markaa, mar haddii gabadhu ay helayso wixii ay cuni laheyd iyo nolosheedii runtii waxa dhab ah in ayna u baahneyn cid amaro ku soo rogta. Waxaaba ira dumar badan oo xitaa raggooda masruufa. Marka haddii la isku dhaco waxay la soo boodaysaa judhiiba erayo ah: “Ma feedhbaa i jabaysa hadda, hadda ku dhawaaq oo warqadayda isii, rag lama waayin oo way buuxaane”.
Shaqada iyo madax banaanidu waxay haweenka siisay xoriyad intii hore ka badan, waxana maanta la odhan karaa 50% haweenka bulshadeenu waa kuwa shaqeysta.Waliba sida muuqata ama la dareemi karo 60% dadka haayadaha inala jooga u shaqeeya waa dumar bulshadeena ka mid ah. Marka mar haddii inantii mushahar fiican ay hesho, baabuur iska wadato, nolol heer gaadhsiisana ay hesho, runtii in ay amar soo rogto mooye in amar lagu soo rogo way dhibsaneysa. Xoriyada badan ee haweenku helay wakhtiganina waa mida dhalisay furiin badan.
Arimaha kale ee maanta badinaya runtii furiinka bulshadana waxa ka mid ah: Raggii oo intoodi badneyd iska noqday kuwo aan masuuliyad qaadi karin,dulqaad laheyn. Haweenkii la tirsanaya oo dagaal abuuraya. Arimahaasi oo sababi kara in haweenku isaga haajiraan.
Bulshadeena maanta haddii tirakoob dhinaca guurka ah laga qaado, waxa si rasmi ah loo ogaan karaa in guurku uu yahay mid aad u yar xiligani. Haddana iyada oo sidaasi jirto waxa dhibtaasi ka sii daran, in intii yareyd ee is guursatayna uu furiinku ku badanayo. Waxa dhagahaagu aad u maqlayaan wakhtigani, arimo badan oo la xidhiidha furiinka, iyo sida bulshada uu ugu soo badanayo. Waxa aad maqlaysaa farxad iyo jibo ah ” hebel ayaa guursaday” in yar ka dibna waxaad maqlaysaa murugo ah “sow kuwii kala tagay ma ayaga baryahanba wada joogay”.
Bilawga fiicani waa qeyb ka mid ah qorshe kasta
waxa in badan oo dadka ka mid ahi aaminsan yihiin, in baddi dhalinta wakhtigani aaney si mug leh isu dareensiin dabeecad ahaantooda, iyo dhamaan asbaabaha abuuri kara in loo guntado nolol iyo mustaqbal dheer. Waxana arintoodu inta badan la ku salaysan tahay xiiso yar oo abuura guur deg deg ah. Kadibna marka la guda galo noloshii dhabta aheyd ayaa shakhsi kastaba uu la soo baxayaa wajigiisii dhabta aha.
Furiinku in uu ku bato bulshadeena lana helo carmal badan waxa dhalinaya sidaan qabo guurka oo si kale ugu qeexan dhalinyaro iyo dad badan. Waxa aad u jirta waxa la yidhaahdo danaysi, sababi kara kala tag. Waxa maanta la heli karaa lamaane isla jooga oo kala danaysanaya, is aaminaadina aaney ka dhaxeynin. Waxa aad arkeysaa gabadh dibada ka timi ama inan dibada ka yimi oo dan uun loo guursanayo, taas oo ah ha ku dhoofiyo. Waxa maanta sida magaalada Hargeisa runtii aad ka helaysaa dadyow badan oo isku dhiibay shakhsiyaad dibada ka yimi, guurkoodiina ku xidhay dan ah aad ku dhooftid, laakin ilaa hadda aan weli ka
helin dantii. Qaarkoodna marka loo soo juuqi waayo waxa ku khasab noqoneysa fasaqaad iyo furiin.
Furiinka badani runtii waa mid abuura colaad iyo niyad jab labadaba. Waxa jira haween ama ragg marka dhawr jeer ay cid kala tagaan runtii kaba niyad jaba guurka, kadibna is yidhaahda kaba bax arimahaasi oo iska shaqeyso ama sidaasi ku gabooba. Sidoo kale waalidku marka uu kala tago waxa dhacda in ay caruurta kala jiitaan, taasi oo sababi karta in xitaa ubadku isku naco.
Qaraabada lamaanaha
Soddohda ama hooyada inanta dhashay had iyo jeer waxay dadkeenu ku tilmaamaan ruuxa keliya ee guriga inanteeda daaha dabadiisa ka maamusha.Waxaana had iyo jeer la yidhaahdaa inani waa hooyadeed. Carqalado badan oo maanta guurka ku gadaamana waxa la yidhaahdaa soddohdu waa ka qeyb. Markaa waxan odhan lahaa waalidka gaar ahaan soddohdu inanteeda si haboon wax ha ugu sheegto. Si loo kala badbaado oo yeyna dhegta ugu ridin gabadheeda akhbaaro laga yaabo in ay sababaan guriga oo ka duma.
Jinkaa la dheel dheel
Guurku runtii wuxu ku qurux badan yahay in qof kastaba aynigiisa doonto. Runtii waa laga fiican yahay in oday duq ah oo ku cimrigii ugu dambeeyay uu isku qaado guursado gabar jirta 18 ama 17. Waxa maanta bulshadeena ku badan xitaa dhalinyaro dani u geyneyso dad ka waa weyn. Iyaga oo xitaa guurka aan ku qanacsaneyn. Waxa aad arkeysaa inan ama wiil isku qaadaya oday ama islaan da’ ah oo laga yaabo in ay dibada ka yimadeen iyaga oo is leh ha idin dhoofiyaan. Waxaana jirta in hablo badan oo odoyaal guursaday ay hadda ka dhinteen oo ay yihiin carmal. Waalid caruurtooda siiya dad ayna isku ayni aheyna way jiraan kuwaasi oo laga yaabo in ay eeganaya lacag yar iwm.
Waxaan odhan karaa marka aan dhinaca wanaagsan wax ka eegno si furiinku u yaraado “guurku waa sida xadhig kii lagu xidhayna isleeyahay tolow yaa ka fura. Kii aan wali lagu xidhina uu is leeyahay tolow yaa kugu xidha”, axaa yeelay furiinka badanaya wuxu jidaynayaa in la helo bulsho wada carmal ah.
Mooska dushiisu waa cagaar, hoostiisuna waa cadaan, waxaana taasi uga socdaa in dadku had iyo jeer ay ogadaan in qof kastaba uu leeyahay dabeecad sare iyo mid hoose. Waxana jira dad xagga sare ka wanaagsan laakin hoosta ka xun. Markaa shakhsiga guur doonka ah waxan odhan lahaa fiiro gaar ahaaneed u yeelo lamaanahaaga inta aanad la saxeexan heshiis guur.
Magalooyinka Somaliland waxa hada lagu tilmaama qaar furiinku ku soo badanayo oo aan hidde iyo dhaqan u lahaan jirin, wixii doonaba ha sababe. Markaa haddii aan la abuurin qorshe lagu yareeyo guryahaa dumaya. Waxa dhici doonta dharaar ay meeshu iskeed u noqon doonto magalooyinka carmasha.
Abdifataah Mahamed Ahmed
ceelaabe_10@hotmail.com
source: somalilandpatriots.com
Adiguna maxaad ku soo dari kartaa sababaha keena furiinka?
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (comment).
No related posts.
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.






waa waraqoo jacayl
asc waxa maanta somalida kudhacey qaran la an iyo dhaqanki oolagatagey
qurbaha hadan ka hadlo dhibweyn buu 95% u kensadey somalida waayo waxa lenahay dumarkayagu waxa lagutiriga Dumarka aan waxba maqal ee ninkoda wax kamaqal kana maqla bulshada kale niman kenuna waxay noqdeen rag aan samreyn oo amarki somaliya ayay wali kuxisab tamayan dhibku na waxa waya nag mar haddii howsha faraha logaliyay samirkeda iyo dulqaad keda maleh haddii naag xukun lo dhibanayana ilahay aya udhibi laha dalqada ayada marka waxan arkey gabar nin keda ay kukala tagen hebel gurigayga ma iman kara seba usogaley iyo wan saraaye isug maya ada furan buu ugu jawabey samir la an darted marka ragii dul qad maleh gabdhihina maqalka loo ma umin dhaqan kena leh ilahay somali ha soo hadeya
haa wiilka waan ku raacsanahy in la joojiyo furiinka
lakiin labo kalimad oo uu ku dhagay baan rabaa inan
waydiiyo oo kala ah…..carmal iyo dhaqaale
adoo raali ah gabdhaha ineeey lacag iyo wax barasho
helaan guurkooda guul daro oma keentee faqriga ayeey
ka saartaa……….iyo jahliga……carmalkana raguba way noqdaane dumarka uun maxaad ogu leexineee excuse me!!!!!!!!!
waxaa keyno furiinka badanaa ninka oo ka soo bixi wayo xaqiii lugu lahaa oo naagta bas shaqada iyo ilmaha qabto oo nimankane ee jaad iyo been u sheegaan xaskooda marka waxaan oran lahaa iney nimanka ee illahey ka cabsadaan eey reerkooda ku dhaqdaan si daacadnimo ah insha allah