Pension maxuu u qaadan waaayay?

Jan 9th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Maaweelada

q3

Waxa uu ahaa raad-barad waxayna ku beegnayd dabayaaqadii 80-kii markii Mooge iyo qoyskiisu soo galeen Yurub iyagoo ka soo qaxay dagaaladii qadhaadhaa ee wakhtigaa socday. Qoyska Mooge waxa uu ka mid ahaa qoysaskii ugu horeeyay ee soomaaliyeed ee soo gala wadankan iyagoo magangalyo doona. Mooge qoyskiisa oo ka koobnaa aabihii Hurre, hooyadii Caawiya iyo laba gabdhood oo ay walaalo yihiin. Waxay nolol cusub ka bilaabeen Yurub. Mooge maadaama uu aad u yaraa markii uu Yurub soo galay waxaa u fududaatay inuu la qabsado noloshii reer galbeedka. Waxa uu bilaabay waxbarashadii dugsiga hoose isagoo ka gaadhay ilaa heer jaamacadeed.

Dhibaatooyinka aan la soo koobi karin iyo dhiilaha laga soo sheegayo Soomaaliya waxay ku ahayd Mooge sheeko maadaama uu isagoo yar ka yimid wadankii, sidaa darteedna aanu garan karin waayaha nololeed ee ka jira halkaas.

Waxay ahayd galab Khamiisa, Mooge iyo hooyadii ay fadhiyeen qolka fadhiga. Waxay daawanayeen Tv-ga. Waxaa soo dhacay telefoonkii guriga.Hooyo Caawiya oo fadhiday meel aan sidaa uga sii fogayn meeshii uu telefoonku yaalay ayaa ka jawaabtay telefoonkii.
Hello. Waa kuma?
Adeer waa anigee sideed tihiin?

Caawiya: “Adeer waa Ilaahay mahadiiye. Adigu sideed tahay?”

Qawdhan:” Adeer Caawiyaay, waanu iska fiicanahay. Dee abaaro xunbaa sanadkan na helayoo Ilaah uunbaa xaal og. Ana waan iska faro madhanahay.Baryahana adeer bukaanbaan iska noqdoo walaahi xaalkaygu ma wacna. Dee da’na adeer way ii raacdaa”.

Caawiya: “Bisinka! Adeer sidee laguu hayaa?”

Qawdhan: “Adeer in dhawaydba macaanbaan yeeshayoo, waan iska jilicsanahay”.

Caawiya: “Adeer miyaanad dhakhtar iyo wax tagin? Maxaad isku eeganaysaa?”.

Qawdhan: “Adeer wax la’aanbaa jirtoo, waxaaban islaa haday Caawiya wax kuu hesho aad dhakhtar iskala quusatid sanadkan maanta ah.”

Caawiya: “Waa si fiican adeere. Bari ayaan xawaalada kuu soo dhigayaa dhowr boqol oo doolar, dee hays eegane dhakhtar tag”.

Qawdhan: “Waayahay adeer. Ducaad qabtaaye. Waxaan maanta isku hubo aduunbaa jira’e. Nabad galyo adeer.”

Caawiya: “Nabaadiino adeer”.

Markii ay hooyo Caawiya telefoonkii ay dhigtay ayaa Mooge oo goorahanba hadalkeeda maqlayay waydiiyay cidii ay la hadlaysay. Waxaana dhex martay sheekadan:
Mooge: “Hooyo waa ayo?”

Caawiya: “Hooyo waa awowgaa Qawdhan oo jooga Soomaaliya”.

Mooge: Oo muxuu doonayay?”

Caawiya:
- Walaahi hooyo waaban ka naxay maanta.
- Waan xanuusanayaa buu igu yidhi.
-Xoolihiina way ka dhamaadeen.
- Walaahi adeerkay aadbuu noogu roonaa markii aanu yar yarayn ee aabahay dhintay.
- Isagaa na masruufi jiray, Adeer wanaagsan weeyi oo aanan abaalkiisa gudi karin.
- Ilaahow wax iigu soo dhiib hada wuu iska darxumaysan yahaye.

Mooge:
- Oo muxuu kuu soo wacayaa? Muu penshan qaato?

Muuse M. Ciise ( Dalmar )
haji_dalmar@hotmail.com

Ladaneey Magazine

Adiguna xusuuso ehel iyo asxaab oo caawi cidii caawinimo u baahan!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori karitd rayigaaga (comment).

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

6 comments
Leave a comment »

  1. aad bay u qosol badan tahay  sheekan wad ku mahtahay mr dalmar

  2. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk , alow adaa xaal og wiilku maxu yiri muu qaato beenshin o ah lacagta ay odayashu yurub ka qaatan kkkkkkkkk

    walaahi aad baan ugu qoslay webka aad buu funy u yahay waxan ku helay si lama filaan ah , misana waxan helay sheekoyin qosol badan oo aan la cajibay runtii , Mr Dalmar many thnks sxb soo gali sheekoyin kale oo qiimo badan

  3. sheeko ayaa igu soo dhacday , oo aan ku soo xasuustay sheekdan qoran hada .

    Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa isla kulmay oday iyo gabadhiisi oo ah reero lacag leh oo rer yurub ah , waxay fadhiyeen qolka fadhiga ee nasashada , isagoo daawanaya odaygu wararka ayaa waxa soo galay war sheegaya dad mudaharaadaya oo ka mudaharaadaya sicir barar ka taagan rootiga , taas oo loola jeedo macnaha gaajo ba’an oo so wajahday dadkii dan yarta ahaa ee ku nola dalka INDIA , markaasay gabadhii yareyd ku tiri aabaheed aabe maxay la qaylinayan haday rootigii wayday may iska cunaan keega isagaa fiicane kkkkkk

    markasu yiri Aabe ma ahan sidas ee waxay ka qaylinayan gaajo la soo daristay , oo aabe dunida ma dad gaajoda ayaa jira inaguba ma gaajoonee , ma gaajo ayaa aduunka ka jirta , kkkkkkk intu qoslay ayuu yiri haa aabe waa ay jirtaa gaajadu waliba dadka lacagta leh iyo kuwa gaajaysan ee aan waxba haysan ama danyarta ah  waxa badan kuwa danyarta ah .

    maalintii danbe ayuu yiri aabe ina keen waan ku kaxaynayaaye , isago tusaaya gaajadu siday tahay , waxu kaxeeeyay goor arooryo ah , isagoon waliba waxba siinin oo ay caloosheedu maran tahay .

    waxu geeyay meel qurux badan oo maalintii oo dhan ku hayay iyaduna intay is ilowday ayeey ciyaar iyo bood bood ka bixi wayday , aakhirkii waxay u timid aabaheed iyadoo il daran waliba , ma taqan waxay ku tiri akhristo ?
    waxay ku tiri :  Aabow waxaa i xanuunaysa caloosha oo aad ii xanuunaysa , markasu yiri aabe dheel xooga way ku fiicnaanaysaaye , waxay mooday haday ciyaarto inu daynayo xanuunka ka haya caloosha , mise waaba ka sii darayaa iyado misa sidii iyo si ka daran ah afkuna qalalay ayeey u timid aabaheed .

    waxayna tiri alla aabow waa ay isii xanuunaysaa , markasu yiri haye , bal hoo cuu cuntadaan iyo sharaabkan cab , intay ka dharagtay ayeey tiri aabow markan cunay cuntadi xanuunki waa iga ba’ay ,

    intuu qoslay ayuu yiri aabe shalay markad Tv-ga daawanaysay dadku waxay ka qaylinayeen waxa adiga caloosha kaa qabtay , markad wax cuntayna aad caadiga noqotay , taas ayaana la dhahaa gaajo aabe ee garo hadda yaah .

    sheekadina wa ay dhamaatay , fadlan qofki arka shekadan ee ka mid ah shabakada ladaney ha soo galiyo qaybta sheekoyinka ama maaweelada .

    waxaana qoray : Omar Osman Omar ( Awmuse)
    xaquuqda sheekadan waxa iska leh aniga , qofki raba inu copy garaysto wa u fasaxan yahay balse qofka shekada iska leh ha ku muujiyo mahadsanidiin

  4. Alla xaaji dee inanku muxuu yidhi muu pension qaato allow nin aan waxba ogeyn ha cadaabin!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
    Shekadu aad bey u qurux badan tahay walale xita reer xamarkii aynu jaadhka aheyn wale iyo bile qosol iyo amakag baa ka soo hadhay!!!!!!!!!!
    Mahadsanid.

  5. Alla xaaji dee inanku muxuu yidhi muu pension qaato allow nin aan waxba ogeyn ha cadaabin!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
    Shekadu aad bey u qurux badan tahay walale xita reer xamarkii aynu jaadhka aheyn wale iyo bile qosol iyo amakag baa ka soo hadhay!!!!!!!!!!
    Mahadsanid.

  6. aad ayaan ooga helay sheegadaan xaqiiqdii aad aayeey muhiim ugu tahay aniga iyo dad aan ohgahay
    mahadsanidiin bahda ladaneey

Leave Comment


Ad