Dhunkashada jacaylkaaga badso
Jan 14th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Caafimaadka, Featured
Af carfaaya iyo ilko nadiif ah oo dhalaalaaya waxa ay bar ka yihiin quruxdaada iyo soo jiidashaadaada. Hadaba si uu jacaylkaagu markasta u doono in uu ku shumiyo waa in aad raacdaa qodobadan:
Ilkoha si sax ah u cadayo
Waxa aad muhiim u ah in aad subaxdii iyo habeenkii hordada ka hor cadayato. Waxa kale oo muhiim ah in aad isticmaashid caday sax ah. Cadayga jilicsani waxa uu u fiican yahay dahaadhka ilkaha iyo ciridka. Halka cadayga adagina uu ilkoha daciifinayo, ciridkana dib u durkinayo.
Adeegso dunta ilkoha
Si kasta oo aad ilkoha u cadayato waxa markasta ku hadhaya cunto. Sidaa darteed waa muhiim in aad adeegsato dunta ilkoha la dhexmariyo. Hadii aanad adeegsana waxa ilkoha ku dhalanaya suus (ilkoha oo madoobada), urta afkuna way isbadalaysaa. Sidaa darteed ku dadaal in aad had iyo jeer adeegsato dunta ilkoha marka aad cadayanayso.
Biyaha afka lagu dhaqo (luqluqdo)
Adeegsiga biyaha lagu luqluqdo ayaa dila bakteeriyada ilkoha ku dhalata isla markaana carfiya afka. Walibana adeegso ta leh flour oo ah dawo u fiican ilkoha kana ilaalisa in ay dalool yeeshaa ilkohu.
Ilkoha cadee
Hadii aad shaah iyo cafee badan cabtid ama aad cuntid cunto iyo waxyaale kale oo ilkoha midab u yeelaya oo ilkohaaga midab saaraya ayaa waxa aad u tagi kartaa dhakhaatiirta ilkoha si ay kuugu cadeeyaan. Ama adiga ayaa waxa aad soo iibsan kartaa dawo aad ku cadaysid.
Adiguna ka dhiibo rayigaaga!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori katid rayigaaga (comment).
Related posts:
- Shirkado faransiis ah oo mamnuucay salaanta dhunkashada dhabanka Wadamada Faransiiska iyo Swiserland ayaa waxa caado ka ah in...
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.



dhabtii waxaan aad ulla dhacay sida hufan ee aad u abaarteen illaalinta nadaafada afka,walibo waxaa aan aad ulla dhacay sida aad cinwanka u hesheen wayo cinwankood u hesho si sax ah ,waxaa uu qeeyb fir-fircoon ka qaaddanayaa in fariintaada aad gudbiso ammaba la aqristo fariinta.
hambbalyo ayaan idinleeyahay walaallayaal wan jecleeystay dhabtii asluubta aad ku gudbineeysaan fariimaha.