Lamaanaha ugu taajirsan Hollywood
Jan 19th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, MaaweeladaHollywood ayaa waxa ay gashay xili cusub oo ay ku soo badanayaan taajiriinta maraykanka madow. Taas ooo keentay in ay maanta labada ugu taajirsan Hollywood ay yihiin fanaanada heeesta Beyoncé iyo lamaanaheeda Jay-z. Isla markaana muusigooda aad loo dhegaysto, caana ka ah caalamka oo dhan.
Arintana waxa soo bandhigtay shabakada Forbes oo waxa ka qorta dadka taajiriinta ah oo soo saarta sanadkiiba liis cusub.
Liiska taajiriinta caanka ee Hollywood ee shabakadu Forbes samaysay ayaa waxa uu sareeya Jay-z iyo Beyoncé. Sababtuna ay tahay dhaqaalahooda oo gaadhaya 122 milyon oo doolar.
Halkna hoosen ayaad ka akhrisan kartaa sida liiska loogu kala jiro
1. Beyoncé iyo Jay-Z, 122 milyon dollar
2. Harrison Ford iyo Calista Flockhart, 69 milyon dollar
3. Brad Pitt iyo Angelina Jolie, 55 milyon dollar
4. Will Smith iyo Jada Pinkett Smith, 48 milyon dollar
5. David Beckham iyo Victoria Beckham, 46 milyon dollar
6. Ellen DeGeners iyo Portia de Rossi, 36 milyon dollar
7. Tom Hanks iyo Rita Wilson, 35,5 milyon dollar
8. Jim Carrey iyo Jenny McCarthy, 34 milyon dollar
9. Tom Cruise iyo Katie Holmes, 33,5 miljoner dollar
10. Chris Martin iyo Gwyneth Paltrow, 33 milyon dollar
Halkana waxa aad ka dhegaysan kartaa labada lamaane ee Beyoncé iyo Jay-z
Adiguna yaad u malaynaysaa in uu ugu taajirsan yahay liiska fanaaniinta soomaalida?
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (comment.
Related posts:
- Habeenka sabtida iyo saacadu marka ay tahay 22:16 oo noqday xiliga lamaanaha isqaba Cawayska habeenka sabtida ayaa ah mid aad isugu soo dhwaweeya...
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.


