Quruxleey way ka cadho badan tahay gabadhaha kale
Jan 20th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, JacaylkaDaraasad dhawaan la sameeyay ayaa sheegtay in dumarka quruxda badan ay aad uga cadho badan yihiin kuwa iska caadiga ah. Isla markaana sida ay ku xaliyaan dhibaatada dumarkaa quruxda badan ay aad uga badan tahay kuwa kale.
Daraasadan oo lagu sameeyey 156 hablood oo dhigta jaamacada California University ayaa la waydiiyay xaaladoodu sida ay tahay marka ay is khilaafaan qof ama ragooda. Waxa lagu sheegay warbixintan in dumarka quruxda badan ay rumeysan yihiin ama ay isu haystaan in ay mudan yihiin in ka badan inta ay xaqa u leeyihiin. Iyagoo sheegay in ay faa’iido kala kulmaan cadhadaa oo ay inta badan arinta la isku hayaa ku dhamaato sida ay iyagu doonayaan.
Daraasadan oo quruxda ka hadlaysay ayaa sheegtay in dumarka leh timaha midabka buriga ah ka soo jiidasho badan yihiin kuwa kale ee leh midabada casaanka iyo modowga.
Dr:Aron Seal oo u waramayey BBC ayaa sheegay in aanuu baadhitaankiisa aanu arintaa timaha ku darin. Isla markaana sheegay in timuhu aanay ahayn daliil weyn oo lagu cabiri karo quruxda. Culumo kale oo ku raacsan in aan quruxda lagu qiyaasi karin oo kaliya timaha ayaa ku daray in jirka dhisani ka mid yahay qurxada kana soo jiidasho badan yahay ka isku dhexdaadsan.
Doktor ka tirsan ka tirsan Medicine Center Of London oo lagu magacaabo Angraid Coliyns oo ka hadlay cadhada dumraka quruxda badan ayaa sheegay in ay wax ka jiraan, oo laga yaabo in ay sababtuna tahay isl awaynida quruxda badani keento. Gabadha quruxda badan ayaa markiiba iska cadhaysiinaysa ama aad ula murmaysa lamaanaheeda ayda oo og in ninku ka tagayn qurxdeeda owgeed. Laakiin waa in baadhitaan badan la sameeyo ayuu hadalka ku soo gaba gabeeyay.
Ladaneey Magazine
Maxaa ka jira in gabadha quruxda badani ka cadho badan tahay gabadha caadiga ah!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (comment).
Related posts:
- Wiilo ( gabadha sida raga u dhaqanta) way ka mushahaar badan tahay ta kale Had iyo jeer waxa qoka ka shaqeeyaa shirkad uu...
- Chris Brown – Cambaaraynta Oprah waxa ay ka dhigan tahay sidii ay i dhirbaaxday oo kale Wiilka fanaanka ah ee Chris Brown ayaa cabasho badan ka...
- Raga oo ay ku adak tahay marka xaasku ka mushahaar badan tahay Daraasad cilmi baadhis ah oo dhawaan la sameeyay ayaa ka...
- Hadaad tahay xaas fiican afartan iyamad ku wanaagsan tahay Had iyo jeer waxay dadku faaleeyaan, oo ay ka sheekeeyaan...
- Habeenka sabtida iyo saacadu marka ay tahay 22:16 oo noqday xiliga lamaanaha isqaba Cawayska habeenka sabtida ayaa ah mid aad isugu soo dhwaweeya...
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.






asc haa tasi waa xaqiiq jirta sababtoo ah marka la,eego maahmaahda oraneysa
oo dumarku adeegsadaan
markay ninka qaba isku dhacaan (madhabankayga ayaa igabay)micneheedu yahay gar iyo gardaro anaa saxsan hadii kale waa kaa soconayaa
maxaa yeelay waayi maayo ninkale quruxdeyda awgeed igu qaata oo sugi maayo qofkii qaldan aniga iyo adiga.