Dhacdo la yaab leh oo ka dhacay magaalada London

Jan 21st, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Jacaylka

pics from: guideoflondon.se

pics from: guideoflondon.se

Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaaladda caasimadda ah ee London, iyadoo ay u dhaxeysay lamaane Somaliyadeed oo in mudo ah wada-socday, welibana isguursaday.

Wiilka ay dhacdadaan ku dhacday ayaa qadka teleefanka nagula soo xiriiray isagoo nooga waramaya sidii ay wax u dhaceen. Hadaba sheekada ku saabsan lamaanahan oo kala ah Zakariya iyo Ubax ayaa u dhacday sidan:

Waxan ku dhashay xaafadda Buulo Xubey ee degmadda Wadajir sanadka markuu ahaa 1985-kii. Waxaana kusoo barbaaray isla degmada Wadajir, dugsiga hoose dhexe waxan kusoo qaatay Xuseen Sheekh Rashiid qeybta degmada Hodan. Balse sanadkii 2002-dii ayaa waxa nasiib u hantay inaan tago dalka Ingiriiska, sidoo kale sanadkii 2004-tii ayaa waxaa dib u maqlay Ubax oo ahaan jirtay gabar aan deganayn Wadajir,

Ubax xilligaas aan maqlaayey waxay joogtay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya. Ubax inaan maqlo waxaa i suurta galiyey wiil aanu saxiib aheyn oo isna ladhihi jiray Cabaas. Maalin maal maha kamid ah ayaa waxaan soo wacay Cabaas oo joogay dalka Kenya, waxaan iska weydiiyey uun Ubax meeshii ay ku danbeysay, hase ahaatee wuxu i xaqiijiyey in’ay ku sugan tahay wadanka Kenya, waxaan ka qaatay telefoonkeedii. Sidaas ayuuna ku bilowday xiriirkayagg.

Mudo 9 bilood kadib ayaa Ubax waxaan ka dareemay in’ay xiisaynayso. Waxaa ka dareemi jiray in’ay tahay qof iga xishooneysa oo aan i soo bandhigan karin caashaqa ay i qabto. Aniguna waxa igu dhashay kalgacayl la mid ah kay ay ii hayso. Hal sano markii ay kasoo wareegatay ayaa Ubax u soo bandhigay inaan jeclahay, halka ay iyana durbadiiba ay horey iga soo dhaweysay oo waxaaba moodaa in’ay ka aheyd yaa ku bilaabo uun.

Waxa aan tagay wadanka Kenya halkaasi ayaana kusoo aqal galnay, isla halkaasi ayaa dacwad uga soo bilaabay. Bilooyin kadib Ubax waxay timid dalka Ingiriiska.

Dhanka kale waxaa jiray wiil ay Ubax wada-socon jireyn inta aanu wada aqal gelin kahor, Anna waxba maanan kala soconin, in’ay hoos kala socotay. Wiilkii oo xilligaas ku sugnaa magaaladda Muqdisho ayay keentay magaaladda Shariqah ee dalka Emirateka. Halkaasi ayuuna ka bilaabay waxbarasho jaamacadeed.

Waxaas oo dhan waxba kalama socon oo si hoose ayay u sameyn jirtay. Iyada ayaana biili jirtay, welibana waxaan soo shaqeeyo ayuu si-raaxo leh ku cuni jiray.

Mudo kadib Ubax waxay igu kicisay qeylo iyo qalalaaso joogta ah, waxayna i soo bandhigtay in’aan iska furo. Halka aan aniguna uga caqli celin jiray, balse taasi maysan dhicin oo wax aaan isla gaarnay ilaa aanu hortagno maxkamad. Sidaasi ayaana ku kala tagnay.

Durbadiiba Ubax waxay bilowday shaqo xoog leh, iyo in’ay gasho Ayuuto (hagbad).

Sanad kadib waxay noqotay gabar lacag fiican heysata, waxay islamarkiiba ay aaday wadanka Emirateka. Waxay dooneysay in’ay la aqal gasho wiilkii ay jecleyd. Laakiin halka uu isna ugu codsaday in ay ku aqal galeyn dalka Ingiriiska. Sababtuna ay ahayd isagoo ku andacooday; meeshan qof iima joogto, haddii aad uur qaado dhibaato fara-badan ayaa ina hor imaan karta, ee haddii aanu aqal galeyno aanu ku aqal galno London. Iyadana waa ay ka aqbashay.

Ubax waxaa la-socotay gabar kale oo ay lacag siisay si ay ugu dacwooto wiilka ay Ubax jaceshahay. Halkaasi ayay uga bilowday dacwad. 8 biloow kadib wuxuu nasiib u yeeshay in uu soo caga dhigo magaaladda London.

Durbadiiba waxay ku tiri,
- Wax walba aniga ayaa inoo haaya ee macaane aanu aqal galno. 3 habeen kadib magaaladda London oo dhan ayuuba ka tagay, halka ay iyana ka bilowday baafin iyo raadin.

Xaalka markuu meeshaasi maraayey, ayaa waxaa jirtay gabar kale oo aan daris aheyn, waxaa na dhex maray xiriir, halkaasi ayaana ku aqal galay.Ubax waxay la xiriirtay wiilkii ay jecleyd aabihii oo ku sugnaa magaaladda Liverpool, Aabihiis ayay u sheegtay sida ay wax u dhaceen.
Odaygiina wuxuu ku yiri,
- Haddii uu wiilka ku diiday, sheego inta lacag ah ee aad u baahan tahay aniga ayaa hada ku siinaayo! Wiilkayga wuxuu lee-yahay dooq, adeer maxaan ku qaban karaa, haddii uusan ku dooneyn?

Halkaasi ayay ka bilowday ooyin iyo qeylo. Waxay u timid habaryarteed oo joogtay London.
Waxayna ku tiri,
- Habaryar nafsigii aan ka galay Zakariya ayaa iga soo baxay, ee Zakariya ha iska keey cafiyo! Nin iga wanaagsanna majiro, waxaana u baahanahay in uu igu soo noqdo.
Habaryarteed oo aad u careysan ayaa caro kala dul dhacday Ubax:
Waxayna u sheegtay in aan aqal galay, welibana ay xaaskaygu ay i leedahay uur.

Waxay hada ubax ku sugan tahay galbeedka London, iyadoo oo uu caafimaadkeedu wanaagsanayn, wiilkii ay jecleydna wuxuu guursaday gabar ay dhashay habaryartiis.

Zakariya oo wareysi dheer na siiyey barnaamijka Isha dhacdooyinka caalamka, ayaa intaasi kusoo koobay dhacdadii naxdinta laheyd ee ku dhacday.

Hassan Abdi Hersi
laacib143@hotmail.com

Ladaneey Magazine

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

One comment
Leave a comment »

  1. dhab tii shegada biloowgeeda xiiso ayay laheyd lakiin markey ubax tagtay london ayuu sheegada qasma dhabtii waxey ahaan laheyd shaako aan caadi aheyn lakiin ubax ayaa ku sheegay zakariye adigana samir kaagii ayaa ku meel marsiiyay sideeda bini aadanka nabsi lagama galo qofkii ku jecel oo axdi aad wada dhigaten ku soo wadid uu ku soo wado iska daayee qofka haduu wax idinka dhaxeeyo xataa nabsigiisa wa la iska ilaahayaa koley intaan aduunka saaran tahay hadaad nabsi gasho waa tii lagaa jaaseeeyaa ubaxna waa taas maanta wa laga jaaseeyay walee ee nabsiga hala iska ilaaliyo   Bye Tufaaxa Nolosha

Leave Comment


Ad