Tv-ga ayaan ka daawaday isaga oo loo labisayo

Jan 30th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Maaweelada

pics from: www.tvsnob.com

pics from: www.tvsnob.com

Nin soomaali ah oo kunool qurbaha gaar ahaana wadanka Mareykanka ayaa beri gabar Soomaaliya ka soo guursadey.

Gabadhii markey u timid Mareykanka ayuu sharci guriga ha ka bixin la yiraahdo ku soo rogey isaga oo ka baqayey in ay ku ilbaxdo.

Ninkan odayga ah markuu shaqada aadayo guriga ayuu korka uga xiraa xitaa, telefoonka ayuu ka xiraa oo waxuu u diidayaa in lasoo waco oo maskaxda laga bedelo, iyaduna maba taqaano sida telefoonka loo furo. Waxeyba moodaa in telephoneku asaga lashaqeeyo maadaama uu soo dhaco marka uu joogo guriga oo kaliya.

Mudo markey sidaa ku nooleed, shan caruur ah ku dhashay sharcigii guri jooga ayaa maalin waxaa dhacday in odaygu uu ilaawo in uu guriga sii xiro.

Gabar soomaali ah oo daris la ah reerkan balse dhegta un ka maqashay in qoys soomaali ah ay halkan degen yihiin ayaa aragtay albaabkoodii oo furan. Markaasey u soo gashay reerkii.

Gabadhii deriska ehayd waxey aragtay gabaryar oo 5 caruura oo caloosha isku baneeyey ku mashquulsan. Meeshiibaa la isku bartay oo lagu soo dhoweeyey gabadhii martida aheyd. Ka dibna sheeko gaaban ayaa dhex martay.Waxayna u sheegtay in ay sida ay wadankan u timid aysan qof Soomaali ah isha saarin.

Gabadhii ayaa lagula taliyey in ay ilamaha iska yareyso oo ay isticmaasho waxyaabo ka hortag ah. Ninkeedana ku tiraahdo isticmaal qalabka ragu isticmaalaan. Gabadhii Taladii waa ladhacday.

Ninkii odaygu markuu guriga yimid ayuu sidii caadada u ahyd intuu cashadiisa isku cunay, ka dibna sariirta ugu tegey xaaskiisii. Markuu is yiri wax ka raadi ayey xabadka gacanta ka saartay oo ku tidhi:

- War orod! Bahalka waa loo labisaabaa baa la yiriye usoo lebis!
Intuu naxay ayuu ku yiri: Naa maxaad tiri?
Markaasbey ugu celisay oo tiri:
- Orod dee, Bahalka waa loo labisaa baa la yiri ee u soo labis!

Wuxuu yiri:
- Oo yaa kuusheegay? Gabar aqlibadan bey ehayd oo wax ay ugu jawaabtay:
- Tv-ga ayaan ka arkay isaga oo loo labisayo.

Ninka odayga ah maalintaas ayaa Tv ladaawado gurigiisa ugu danbeysey.

C/naasir Aryo
source: iiroon.com

Adiguna sideed u aragtaa arinta haysata gabadhan?
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (comment).

Related posts:

  1. Hadii gurigu holco ninkan dhar ka gubanaya ayaaba iska yar Wiil Soomaali ah oo Canada kunool ayaa waxa uu ahaay...
  2. Nin waalan oo lasii waalay Gabar ilaa xad isku dhex-yaacsanayd, oo ayan xaaladdeeda nafsiga ahi...
  3. Labadan yaa daran Nin ayaa wuxuu u tagay dhaqtar wuxuuna ka codsaday...
  4. Sheeko xiisho badan: Nin kastaa waxa uu qabaa afar xaas Nin ayaa afar xaas qabay, aad ayuuna udawa jeclaa. Mida...
  5. Odaygii iyo xisaabtii telifoonka Waxa jirtay berigii laga soo qaxay dhammaan gobolladii Waqooyi ee...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

4 comments
Leave a comment »

  1. aniga hadaan ka hadlo fikradeeyda.waxeey ila tahay inusan ninkaa wax  aqli ah usan samenin wayo  waxuu qiyaanay nagtisa ,waxuuna meel oga dhacay wada jirka noloshooda,haduu nin is hubo uu yahay  sikastoo loogu diro  isaga maskax diisa ayaa shaqeen laheed ee wuusan isku kalsoonen

  2. Salaan dhamaan.

    kkkk walaahay aad ayaan ugu qoslay, weedhan ”Waa loo labisaaye u labis”
    Waa sheeko cajiib ah. Horta arinkaa dumarka dumarka kale ee ragu qabo fagrada casriga bara aad ayaan uga soo horjeedaa, oo reerkii ayey waalahayaan iska horkeen keenayaan.  caruurta in  la yareeyaana waa fakar qaldan haduu doono haka soo horjeedee fakradaha reer galbeedka.

    Wad mahadsan tihiin

  3. salaamu caleykum, waa qiso aad uyaab badan run ahaanti. lakiinse waxaan layaab ah ninka gabadha xaaskiisa sidii ey camal guriga igu xirtey subxanalah war ilaahey kacabso xuquuqda dumarka yaa meel laga dhicin. soo wax lalayabo malaha nin dhahayo iney igu ilbaxdo ayaan kayabaya kadibna guri kixiriyo. aniga talo ahaan waxaan dhihi laha ninkaas iska fur. waa nin aan aqoonin xuquuqda bani’aadanka.

  4. waxan maqley hada ka hor qof dhahayo hadii aad wax jeceshahey waa la siidaaya sidii shinbirtii hadii ay kuu soo labato adigaa iska leh hadey kuu soo labana dee murkii horeba adiga ma laheen

    dhulka galada sida somalia oo kale ma ahan gabadha markey halkan imaato waa la siidayaa wax kastana waa labaraa hadey kuu soo labato adigaa iska leh hadii kalena dee adiga miyaa qof bani aadam ah xukumikaraa nabadgalyo

Leave Comment

Ad