Waxa aan ka baqday isha hooyo iyo aabe

Feb 3rd, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Jacaylka

pics from:blueeyedshortie.deviantart.com

Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo ay u dhaxeysay lamaane wiil iyo gabadh soomaaliyadeed oo is cashaaqay balse si layaab leh ku kala tagay. Hadaba wiilkan iyo gabadhan ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Mahad iyo Sundus.  Sundus ayaa la soo xiriirtay wariyayaasha barnaamijka Isha Dhacdooyinka Caalamka, iyadoo nooga warantay sidii ay wax u dhaceyn.  Sheekaduna waxay ku bilaabaneysaa sidatan:

Waxaan ku dhashay degmada Wardhigley ee magaaladda Muqdisho, sanadka markuu ahaa 1985-kii, waxbarashadayda waxaan kusoo qaatay iskuulka Mujamac Umul Quraa oo ku yiilay degmada Boondheere ee magaaladda Muqdisho. Waxaa mar mar tagi jiray guriga abtigay oo ku yiilay xaafadda Suuq Bacaad.  Mar walba oo aan tago xaafadaas waxay indhahaygu qaban jireyn Mahad. Mahad wuxu kamid ahaa dhalinta caanka ka ahaa xaafadaas Suuq Bacaad, runtii aniguna waan ka helay.

Anigoo bishii uun mar  tagi jiray xaafadda abtigay ee Suuq Bacaad, ayaa waxaan bilaabay isbuuciiba inaan tago halmar ama laba mar. Nnasiib  wanaag aniga oo maalin maalamaha ka mid ah dhexmaraya xaafada Suuq Bacaad aya waxa iga hor yimid Mahad.  Wuxuu bilaabay inuu iska kay foodeeyo.
misana igu yiraahdo:
- Gabar sidaan u qurxoon lagama helo Suuq Bacaad, ee walaaley maanta wadada miyaa soo qaladay?

- Wado maanan soo qaldan ee wadada ii baney, ayaan ugu jawaabay.

Xaqiiqdii waxay iga aheyd yaa ku baro uun wiilkan. Waxaan iska dhigay qof xanaaqsan (ileen waa suuro dumar’e).

Wuxuu igu dhahay:
- Is daji waxaan ahay walaalkaa oo kale ee barasho wanaagsan, magacaygu waa Mahad.
Anna waxan u sheegay in Sundus la’idhaho, sidaas ayaan isku baranay. Waxaan siiyay teleefankii guriga noogu jiray balse guriga Mahad wax teleefan ah kuma jirin.

Waxaan ku dhahay:
- Adiga lee i soo wac marka aad fursad hesho! Sidaas ayaan ku kala tagnay.

Waan raagsaday. Goorma ayuu kusoo wici doonaa ayaan is leeyahay. Nasiib wanaag 2 maal-mood kadib ayuu i soo wacay.
Tteleefanka hooyaday ayaa ka qabatay, hase yeeshee waa uu ka cabsaday.  Hooyadeey ayaa dareentay iguna tiri teleefan baa kuu kala yaalla. Nasiib wanaag  waaba Mahad. Waa wiilkii aan sugaayey, aadna u xiisayanayay. Waan wada sheekeysanay oo si fiican ayaan  isu baranay. Waliba si fiican ayaan isku dhex galnay. Ka dib Mahad waxaan ku qal qaaliyay in uu soo xirto teleefanka Hormuud (Bakakaat), sidii ayuu yeelay. Sheekadayadiina meeshii ayay kasii xoogeysatay. Waxa aan isla gaarnay sheeko tii ugu dheereyd.

Waxaa noqday gabar aan xiiseenayn wiil kale wax aanan Mahad ka aheyn.  Laba sano iyo bar ayaan sidii kuwada shekeysan jirnay. Hooyaday iyo Aabahay wax caruur kale maysan dhalin oo aniga uun bay i daawan jireen. Hooyaday waxay ila dooneysay wiil kale oo ay dhashay habaryartay oo ku nool dalka Sweden.

Qoyskayga waxay ogaadeen Aniga iyo Mahad inuu naga dhaxeeyo jaceyl welibana aan si’aad ah u jeclahay. Alle wuxuu qadaray maalin maal-maha kamid ah in ay hooyadey  ii yeerto iguna tiraahdo:-
- Gabar yahay guuxaaga ayaad ka dheereyneysaa ee waxaa kula gudboon inaad maqasho waxa aan ku lee-yahay.

Aniga oo wax walba og ayaan hooyo ku dhahay:
- Hooyo maanta maxaa kuugu dhacay? Hooyo isdaji bal!

Waxay igu tiri:
- Aniga dooni maayo wiilka Mahad la-yiraahdo ee aad jaceshahay.
Markaas baan ku dhahay:
- Hooyo, ii sheeg sababta?
Waxay igu jawaabtay:
- Waxaan ku siiyey wiil ay dhashay habaryartaa Sahra Cali. Hhadaba waa inaad sidaasi ula socotaa!
Markaas baan ku dhahay:
- Hooyo, waxaa tahay waalidkayga,  Mahad aad baan u jeclahay kamana maarmo ee hooyo maad iga dhaaftidwiilkaas kale.
Waxay igu jawaabtay:
- Warkaas iguma socdo.

Anigoo iska ooyaaya ayaa waxaa i soo wacay Mahad, Waxaan u sheegay wixii na dhex maray aniga iyo hooyaday, ileen waxba kama qarin karo oo aad baan u jeclahay,e.

Mahad wuxu igu yiri:
- Waxba haka cabsan, dad baan ka dhashay- oo odayaal baan soo dirsanaayaa.  Sidii ayuu yeelay oo odayaal buu-soo dirsaday. Balse waalidkayga ayaa waxay ugu jawaabayn naga raali ahaada. Mmaxaa yeelay gabadha waxa aan  bixinay mar hore oo qof kale ayaan siinay.

Habeen iyo maalin waan iska ooynaayay. Waxaan diidaayay inaan niyad jabiyo hooyaday iyo aabahay oo ahaa kuwo aniga oo kaliya i dhalay.  Mahad waan jeclahay, waalidkaygana waan jeclahay. Si walbo ayaan sameeyay oo aan ku heli karo Mahad iyo Waalidkayga. Laakiin taasi waxay noqotay hal bacaad lagu lisay. Mahad haddii aan raaco waalidkayga ishooda ayaa igu dhaceyso. Haddii aan waalidkayga raaacana Mahad oo aan adduunka ugu jeclahay ayaan waynayaa.

Xaaladda markii ay meeshaasi mareysay ayaa waxaan go’aan ku gaaray inaan iska qaato hadalkii hooyo iyo aabe. Mahad-na sidaasi ayaan isku weynay.

Hada waxan la-noolahay wiilkii ay dhashay habaryarteey. Intaas oo dhan waxaan u sameeyay oo kaliya waxa aan diidaayay isha hooyo iyo aabe, kuwaasoo aanan dhalin qof aanan aniga aheyn.

Sundus ayaa intaasi kusoo gaba-gabeesay qisadii naxdinta laheyd ee ku dhacday.

Hassan Abdi Hersi
laacib143@hotmail.com

Adiguna ka dhiibo rayigaaga!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (comment).

Related posts:

  1. Su’aashaada jawaabteeta waxa aan ku siinayaa guga Dhambaalkan loogu magac daray su’aasha xagaaga jawaabteedi waa guga oo...
  2. Alla hoogay hooyo! Maxaa isoo watay? Marka hore waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan akhristayaasha qaaliga...
  3. Aabe khamaar looga helay gabadh uu dhalay Waxa wadanka India ka dhacday arin warwar iyo naxdin...
  4. Aabe gabadh uu dhalay ugu gaday doonta raaxada 5.3 milyon dool Nin taajir ah oo u dhashay wadanka Australiya, Magaciisan layira...
  5. Chris Brown – Cambaaraynta Oprah waxa ay ka dhigan tahay sidii ay i dhirbaaxday oo kale Wiilka fanaanka ah ee Chris Brown ayaa cabasho badan ka...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

3 comments
Leave a comment »

  1. War ninkaan qoraal fiicanaaan badnaa waaba nin iga yaabshay. sxb sheeko fiican ayaad nooga sheekaysay, Sheekadaadana waan ka helay ee noo soo badi.

  2. waxaan ka boqday isha hooye iyo aabe,,,siddoo kale waxan bartay in jacalka uu ka wayn yahay calafku…!!!!

  3.  Ascwrwb   walaal  waad mahadsan tahay, aad ayana ula dhacay sheekadan, sida noogu soo gudbisay  kuwa  kale  oo xisa badana  wanu ka sugayna  insha allaah,  waxan oran kara waa  qiiso xanuun  badan qisadan  walaahi  balse sundus waxaay samanaysay wax wanagsan waayo waaliidkeeda  bay maqalshay  hadalkooda illaahay khyr ha siiyo  waa  qof saciid   walaalshay ninkaga iska iimanso  khyr badan ayaa  helaysa insha  allaah ad ayana  ugu farxay sida labada waliid ilshooda uga baqday waa bilaahi towfiiiq.

Leave Comment


Ad