Laba isa siraya

Feb 5th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Nolosha

pics from: bable.com

Waxa dhacday in ay kulmeen nin iyo naag lagu yaqaanay caqli badnaan. Ninka waxa la odhan jiray Kabcalaf, naagtana Huryo. Midkoodba wuxuu lahaa ari tiro badan iyo rati la rarto iyo aqal wayn,

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii soo guuray, wuxuu jidka kula kulmay haweenaydii caqliga badanayd oo la joogta arigeedii.

- Naa xoolhaaga iga duwo waa ciidan xumahaye, buu ku yiri.

- Anna ciidan ma lihi iga duwo xoolahaaga, bay ugu jawaabtay.

- Oo dadkaagii meeye? Buu waydiiayay?

- Aabahay iyo hooyaday way geeriyoodeen,nina maan helin weli, bay ku jawaabatay.

- Oo maxaa laguu guursan waayay?

- Wax yar oo laleemo ah baan gacmaha ku leeyahay, bay ku jawaabtay.

- intaa kaliyaa? Buu waydiiyay

- Haa.

- Anaa waxa kasta kuu qaban,e naa ma isguursanaa? Buu waydiiyay Kabacalaf.

-Marka hore adne iisheeg waxa aad la guursan wayday tan iyo hada! Bay waydiisay.

- Anna wax yar oo ceebaan leeyahay, taasoo ah in aan waxba hubsan markaan wax qabanayo, ku jawaabay.

- Waar, anaa dhab wax ugu fiirsadee aynu isguursano; adiguna dhab wax iigu qabo, aniguna, anna waxa aad samaynayso ayaan kuu fiirin doonaaye, bay tiri Huryo. Sidaas bay ku heshiiyeen oo isku guursadeen. Xoolahoodana isku darsadeen.

Kadibna habeen habeenada ka mid ah buu Kabacalaf ku yiri Huryo:
- Naa maynu neef qalano caawa?

- Waa tahay, bay ku jawaabtay.

- Wan buuran inooga soo qabo ariga! buu ku yiri.
Markaas bay soo qabatay wan buuran oo isagu lahaa oo ku tiri:

- Waar kaalay oo qowrac wanka aan kuu qabtee! Ogow oo ma qaban karto wanka oo hore bay u tiri lanleemo baan leeyahay.

- Naa mindi aan ku qowroco iikeen! buu yiri.

Markii Huryo aqalka gashay buu inta xeradii galay soo qabsaday wan wayn oo ayadu lahayd, kiisii ay ayadu soo qabatayna sii daayay. Markii ay mindidii u keentay ayuu wankeedii qowrac ku jiiday. Sidaas ayaa Kabacalaf ku siray xaaskiisii uu markii hore u sheegay in uusan waxba hubsan.

Safiya Ali Nuur

Ladaneey Magazine

Adiguna sideed u aragtaa maahmaahda tidhaa: Haween been ku xero gali runa ku dhaq?
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (comment).

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

3 comments
Leave a comment »

  1. Waxan ka leyahay mahmahda wa sax maxaa yelay waxan arkay dhowr naag oo sida lagu soo xira galiyay. Waadna ku mahad santahay shekadan aad so aliftay. Aniga xita abwan wan ahay, lkn hada aan kamid noqdo wan kuso qoraya shekada nasiib wacan ban leeyahay, kana qayb qata dodaa.

  2. some thing not possible.

  3. asc.

    Been kuso xero gali Run-na ku dhaq wa caadoiyo dhaqan xun oo jahili ah  diintuna raali ka aheyn in haweynta been lo sheego mahmahdan jahili-Ga ah waxa ku dhaqmo Raag badan oo u heysta inu u heergalayan arintooda oo ah in Gbadhtu jeclado ama  diida been kuso Xero Galiyo mardhowna  isaga un bey dhib ugu so noqon reerkisana  burburka  nr1 KOW ka ah qaladka reerka BurBureyna isaga leyahay…Illahay   xaqa ha tuuso raagka ariintan oo kale sameya kuna dhaqma  mahmahdan Jahili-Ga ah….Wa jiran laftirkoga  dumar nin  been ku guursado iyado la qabo wasee ku yar yihin Raagka Uga badan..

    ok thanks alot ladaneey  

Leave Comment


Ad