Halkan waa marayka ee ma aha Kenaya

Feb 7th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Jacaylka

pics from: markacadeey.net

Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay wiil iyo gabar uu jaceyl ka dhaxeeyey, kuwaasoo isla gaaray ilaa heer guur balse ku kala tagay si’aanan wanaagsaneyn. Lamaanahan ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Mustaf iyo Nasra. Mustaf ayaa xiriir lasoo sameeyey wariyayaasha Barnaamijka Isha Dhacdooyinka Caalamka. Asagoo ka waramaya sidii ay wax u dhaceena wxa uu ku bilaabay sidatan:

Waxa aan ku dhashay degmada Baraawe ee gobolka Shabeeladda Hoose sanadka markuu ahaa 1980-kii. Waxaa an ku soo barbaaray magaaladda Baraawe. Nasiib daro waxbarasho fiican maanan ka helin Soomaaliya sababtuna ay ahayd dagaalada sokeeye.

Sanadkii 1996-kii ayaa waxaan tagay dalka Kenya si aan uga sii dhoofo. Sidoo kale waxaa Kenya ka bilaabay shaqo ku saabsan tolida dharka. Xilligaas waxaan bartay gabdho badan oo ay ka mid aheyd Nasra. Nasra waxay aheyd gabar aad u kibir badan iyadoo aad moodo in’ay wax dheer tahay gabdhaha soomaaliyadeed. Sidoo kale Anna waxaan ahaa nin kaftan badan oo furfuran, dadka qaarna waxay igu tilmaami jireen inaan ahay nin aad u qurxoon, waloow quruxda loogu tala galay haweenka.

Nasra waxay imaan jirtay goobtii aan dharka ku toli jiray oo shaqada dhar tolida. Nasiib daro xilligaas sida aan maanta u isticmaalno teleefanada looma isticmaali jirin sidaa darteed ma fududayn in si sahlan loo wada xiriiro oo la iska warhayo.

Aniga iyo Nasra si wanaagsan baan isku baranay, inkastoo ay barashadayadu ku saleysnayd qaab walaaltinimo ah laakiin markii dambe isu badashay jacayl dhab ah.

Nasra dadka kale waa ay u darnaan jirtay balse aniga waxay ii aheyd mid aad u dagen iina roon taasoo ay ugu wacan tahay jaceylkii faraha badnaa ee ii qabtay.

Mudo aanan sidaasi u sii dheerayn Nasra waxaa soo doontay wiil ay qaraaba ahaayeen inkastoo ay iyana ku gacan saartay.

Nasra waxa waalidkeed ka soo doontay nin ka mid ah ganacsatadii soomaaliyadeed oo caanka ka ahaa magaaladda Mombassa.

Nasra ayaa waalid keed xusuusiyeen in ay diiday rag bada n oo soo doontay iyo in ay hada u sheegto sida ay uragto ninkan guurka ka raba.

Halka ay Nasra ugu jawaabtay:
- Hooyo, aniga nin dooni maayo ee arag ninka kaliya ee aan kuu keeno.
Hooyadeed baa ku tiri:
- Habbaar ama duco mid dooro!

Nasra oo ahayd gabar madax adag ayaa waalidkeed ku tiri:
- Ninka aan guursanaayo idinku iima soo dooneysaan ee aniga ayaa soo doonanaayo. Haddii aad taasi xujo iiga dhigeysaan iska kay habaara oo habaarka baan qaadanaayaa intii madaxa la ii galin lahaa nin aanan dooneyn.Si walba oo ay Nasra u dabeecad kululeed anigu waxay ii aheyd mid sida barafka oo kale ah.

Bilowgii sanadkii 2002-dii ayaa Nasra waxay nasiib u yeelatay in’ay hesho sharcigii ay ku tagi laheyd dalka Maraykanka. Balse aniga waxay i soo bandhigtay inaan guursado, weliba qaab hoose oo aan la ogeyn. Hase yeeshee waan ka diiday. Balse madax adeega Nasra ayaa wuxuu sabab u noqday inaan mahersado, weliba qaab hoose oo aan cidna ogeyn.

Waxay tagtay dalka Maraykanka, waxayna bilowday waxbarasho iyo shaqo. Sanadkii ugu horeeyay habeen aanan ismaqlin maba jirin, waxaa kaloo dhici jirtay in’ay si wanaagsan iigu biili jirtay dalka Kenya. Balse sanadkii labaad taasi maysan dhicin oo waxay bilowday in’ay iga gaabsato, mar walbo oo aan weydiiyana waxay igu jawaabi jirtay:

- This is USA not Kenya (Halkani waa maraykan ee maaha Kenya).
Waxan ku irri:
- Maxaa iga galay USA, waxay doonto ha noqotee? Waxa aad tahay xaaskayga, waxaan ahay ninkaaga ee i sheeg sida ay wax u jaraan, oo xaq baan u leeyahay wax walba oo noloshaada kusoo kordha inaan ogaado.
Hase yeeshee waxay jawaab iiga dhigtay:
- Now Im A busy (hada waan mashquulsanahay). Dabadeed waan yaabay wax aan dhaho ayaan garan waayey.

Balse 24 saac kadib ayaan wacay waxan islahaa daji bal haddii ay ku qaboobeyso. Nasiib darose taasi maysan dhicin oo hadal aanan ka malaysanayn bay igu tiri:
- Walaalow waxaan rabaa inaadan igu adkeenin dalaaqadayda ee ii fududey! Waayo, Nin iga dheer waxba u sheegi maayo. Waxa aan durbadiiba u naxay si aad ah. Dadka ayaa qaar waxay igu dhihi jireen jaceylka aad u qabto gabadhaan, jaceyl waa ka badan yahay ee nin yahow Qur’aan isa saar!

todobaad kadib waxaa i soo wacday Nasra habaryarteed oo iyadana ku nooleyd dalka Maraykanka, waxayna igu tiri:
- Haddii aad noo furi weydo gabadhayada sii diyaarso meeshii aad geli laheyd!

Wax walba waan sameeyay oo aan ku difaaci karo jaceylkayga kuna hanto Nasra. Laakiin Nasra ayaa aad igu xumeysay, ina dhihi jirtay waa kuu dan inaad iska key furto.

Waxaan ku dhahay:
- Waxa aan ahay waad ogayd, ninkaagana inaan ahay waad ogtahay. Maanta maxaad sidaan igu rafaadineysaa, soo qof muslim ah matihid?

Waxa aan islahaa xooggaa waa ay ku naxariisan doontaa laakin taasi waxay noqotay riyo, waxayna markii danbe ku guuleysatay inaan furo.

Hadda waxaan ahay nin iska bukaan socod ah, gabdhaha soomaaliyadeedna waxay noqdeen kuwo ku gal gasha wiilasha soomaaliyadeed. Waxaana ugu baaqayaa in’ay wax ka badalaan dhaqankaan adag ee hada lasoo baxeen. Mustafa ayaa intaasi kusoo gaba-gabeeyey qisadii naxdinta laheyd uu kala kulmay xaaskiisa Nasra.

Xasan Cadde
Laacib143@hotmail.com

Ladaneey Magazine

Hadii kala dhoof dhacay maxaa keenay kala dhimasho?
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (c0mment)

Related posts:

  1. Dhacdo la yaab leh oo ka dhacay magaalada London Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaaladda caasimadda ah ee London,...
  2. Ii sheeg ninkaan faqiirka ah sidee buu kuu qabi karaa? Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday degmada Kaaraan ee magaaladda...
  3. Qiso yaab leh oo ka dhacday Mombasa – Kenya Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaalo Xeebeeta ee Mombasa, kuna...
  4. Naxdini waa qof aad jeceshahay oo ku quursada Subax walba oo dilaaca adduunka aanu ku nool nahay, wax...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

One comment
Leave a comment »

  1. Wallaahi Aad ayaan ooga xumahay arinta kugu dhacday waa arin aan la aqbali karin! Balse iska sabir waxani waa aduun wax kasta waa dhacaan. Ogaawna in lagu imtaxaamayo marka isku day in aad ku guulaysato Imtaxaanka. Raxmaanka ayaan kaaga baryaa caafimaad iyo nolol wacan oo dagan Mustafa. Ta 2 garan maa runtii waxaan ooga jawaabo Suaashiina ah. Hadii kala dhoof dhacay maxaa keenay kala dhimasho?

    sababtoo ah anaa iswaydiiya suaashaas habeen iyo maalin. Balse Eebe ayaan ka rajaynaynaa Cafi & Naxariis marlabaad waxaan Mustafa Eebe kaaga rajaynaa  Caafimaad, soo noqosho aad kusoo noqoto noloshaadii caadiga ahayd , xaas kugu qanacsanoo raaxada aduunku qaadin. 

    Waad salaamantahiiin mahadsantahiinna kuligiinba Kooxda ladaneey, gudbiyihii dhacdadu ku dhacday (Mustafa) .

Leave Comment


Ad