Ma hadhooyinka qaadka

Feb 8th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Nolosha

Waa balwad iyo caadadeeda e markii hore kuma uu baran dan iyo baahi u gaysay, daawana dhakhtarku uguma uu qorin. Hadaa waa yaabka yaabkiisa e maxaa kallifa in ay dadku balwadaha xun-xun qabatimaan? Jawaabtu waa iska fududahay. Waxaa ku xambaara ama u geeya in ay qabitimaan daroogooyinka kala duwan, waa CIYAAR IYO NACASNIMO!

Faarax waa nin rggga xoogiisa ah, waa yarid, waxa uu ku walfay oo uu huud iyo haangaallo ku qabaa waxa ay somalidu u taqaanno Barjaha iyo Qaadka.(anigu se aan u aqaanno cunatda musqulaha lagu dhex cuno). Faarax waxa uu ahaa nin lagu tabcay oo hooyo iyo aabbe jeceli dhididkooda u hureen, si uu u anfaco aayatiinkiise danbe. Mase falay isagu sidii laga filayay? Waa lagu tacab-qasaray!

Waxa uu ku suganaado xaaladaa koofaar ka iyo wajaqa u dhaxaysa, waxa uu baarka  ka  jaray 30 sano. waa xila-saamad dhiggii adduunka jeex calfaday. Ma garwaaqsan fadhi-xumada goobta hiileed iyo kuudud xumada uu dul fadhiyo laamaha findhicilka qaadka.

Wax arrini sidaa ula af-dhuunyaalaysaba waxa uu maalin maalmaha ka mid ah booqday guri dad gacal ahi leeyihiin. Waxa uu halacasaday geenyo dumar oo guriga joogtay, waa ragg iyo damaciisa e waxa uu si hoose u bilaabay warsasho iyo ilaaq. Waxa uu tibix iyo war xog-ogaal ku helay, in ay tahay gabadh ka soo carra-gedisatay qurbe.Wax baa isku beegamay. ninkii Faarax na balaf ayuu helay. Wax uu ku gaaf wareegoba, lama huraan waa caws jiilaale, runta ayuu ugu dhiijiyay, arrin guurna waa la dhammeeyay.

Waa isbedel iyo camalkiisa ee ninkii Faraax  maalamo ayuu is cel-celiyay, oomati dhuuni wax aan ahayn ma quudan Qaadna daa hadalkiisa, cilcillowga fiidku gurigiisa meel aan ahayn uguma soo gelin, bil iyo badh ayaa dhamaaday, xaaskii waxa ay u xadhka-xidhatay socdaal iyo dhulkii ay ka timi, ballamuhu waa badan yihiin, farriimuhu waa xaradla’ boholyowguna waa u wehel. Xaaskii waa dhooftay. Bahal na ceedhin ma daayo e ninkii Faarax halkii sii ayuu ka bilaabay caadadiisii iyo cunistii Qaadka.

Faarax ugu danbayn waxa uu yimi waddamadan Yurub mid ka mid ah. Waa ay ku adkaatay inuu la qabsado isku buuquna waa u dheeryahay, mase joojin inuu xoolaha geedaha uga badsado oo uu daaqo caaleenta qadhaadh.

Xaaskii waa la is kaalufay, waa mirdaw, waxa uu soo hoydaa marka qaatureen iyo bahal mooyee aan san-ku-neefle dhaqaaqin. Salaad ma yaqaan soonna daa hadalkeeda (salaad iyo maxaa iiga dana suxulla maydh-maydhka. Soon iyo maxaa iiga dhana caano subax diidka, sako iyo maxaa iiga dana xoolo niman siiska). Waxa hunjifka iyo haaraanku socdaba waxa ay soo gaadhay meel adag. Xaaskii iyo caruutiina dulqaadkii waa ka dhamaaday, waxaas dhacayana waxaa sabab u ah Qaadka.

Sida aad lawada socotaan waddamada Yurub waxaa jira sheeko la yidhaahdo BAC-MADAW, oo ninka marka xaaska ay isku dhacaan debeda loo dhigo inta loogu guro hayla yaashiisa. Shinkeedii ayay gaadhay oo Faarax digniino badan ayuu qabaa in bacda debeda loo dhigayo hadii aanu joojin Qaadka iyo mirdawnimada. Ninkii jooga ayaa garanaaya e waxa jira maalin ay dawladda hoose xaafadaha ka qaado kudaafada iyo xashiishka. Waa maalintii ay ugu darnayd Faarax. xaaskii waxa ay ku diyaarisay xashiishkii oo ku jira xoxobkii loogu talo galay guriga hortiisa. Malaha maalmahan waxa badnaa xashiishka oo bac madow oo xashiish iyo xafaayadaha carruurtu ka buuxaanna waxa ay dhigtay xatabada guriga.

Mar iyo laba laguma odhan bacdaada debeda ka qaado, waa habeenkii uu sugayay, kaaga sii darane subaxdiina sammaan laguma kala tegin. Waxa uu guuro ku yimi goobtii guriga isaga oo marfash soconaya ah. Waxa uu isha ku dhuftay markiiba bacdii xaxhiishku ku jiray. Ma hubsan ee waxa uu shaki la’aan isku qanciyay inay habeenkiisii tahay guriganna jiif ugu hadhin. Haf ayuu la yidhi xashiishkii. Oo tolow xaguu hoy u doontay? Waxa uu hal-haleel ku tagay edeggii qayilaada. Bacdii xaxhiishka ee uu marya ahaanta u sitay meel aan ka fogayn ayuu dhigtay. La warsay wixii soo celiyay. Sheeg in arlo dhabaqday bustiina debeda loo soo dhigay. Waa haynoo beryo ayaa lagu ballmay.

Wax qaadkii lagu rakaato qaxwahana la balxado duulkii goobta fadhiyay waxa saaqday ur iyo siifad, meelkasta waa la eegay, kabaha waa la iska fogeeyey, kadinka waa la xidhay. Hasa yeeshee urtii wa adami wayday. Nin u dhawaa dhinca bacdu taallo ayaa ku tiraabay bacdan Faarax waxa ku jira hala hubiyo. Yaab! Iskuma hawlinba waa furay, balse maxay noqotay? Xashiish iyo xafayadihii carruurta laga bedelay. Somaliyey Faarax nin murqaamay waa kaas!

Akhritsayaal waxa aan idiinku soo gudbin doona si taxane ah sheekooyin kale oo aad u xiisa badan oo ku dhacay dadka qayila. Lasocod wanaagsan

Axmed Nur Axmed
sourc: waryatv.com

Adiguna dhibka qaadka maxaad ka taqaan?
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (comment).

Related posts:

  1. Qaadka: Qadhaadhkii macaanaa – qaybtii 1aad (Qaadku dhadhan ahaan waa geed qadhaadh, marka aad qaniinto...
  2. Qaadka, Qadhaadhkii Macaanaa! ( Qaybtii 2aad) (Qaadku dhadhan ahaan waa geed qadhaadh, [...]...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

2 comments
Leave a comment »

  1. salaan anigoo ka hadlaya arinka qaadka iyo ninkan odayga ahi siduu hadalka u dhigay  cuntada musqulaha lagu dhex cuno  hadalkaa oon diiday  sxb waxaan ku odhan lahaa sheekadan aad keentay iyo ninkan bacda madow mafrishka kula noqday waa sheeko dumar  oo dumar raga ku dacaayadeeya jaadkuna meelaha lagu cunaa sidaa uma wanaagsana  oo xaga nadaafada ayaa ka dhimatay dhamaantood maaha waa meelo qaar  mirqaana waxba kamaad arag sxb ee sheeko kaa soconaysa la kaalay plz.

  2. WAA SHEEKO MACQUUL AH WAANA SOO DHAWAYNAYNAA  SHEEKOOYINKKA AXMED WAAN AKHRISAN DOONAA INSHA ALLAAH

Leave Comment


Ad