Cayilaada oo ay keenaan dheecaanada jirku soo daayo
Feb 16th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Caafimaadka, Featured
Mid ka mid ah dheecaanada (hoormoonada) jirku soo daayo ayaa lagu tuhun sanyahay in uu kaydiyo duxda korna u qaado miisaanka culayskaaga.
Dheecaanada ayaa inta badan wada shaqada jirka isla markaana dheelitirkoodu lug ku leeyahay cayilaada.
Tusaale ahaan dheecanka ostrogen ayaa waxa uu sababaa in in uu qofku u xiiso cuntada duxda (saliida, subaga)badan leh. Halka dheecaanada kale ee stress-kuna ay kor u qaadaan baahida uu jirku u qabo waxyaalaha macaan.
Taasina waxa ay keenaysaa in qofka cuna cuto duxdu ku badan tahay, macaanka badsada uu miisaankiisu kor u kacayo.
Dheecaanka insuliinta ayaa inta badan door wayn ka qaada cayilaada. Waa dheecaan ka caawiya in uu jirku dhisto muruqyo iyo baruur.
Waxa ay culumada caafimaadku sheegayaan in ay jiraan dad badan oo dhiigoodu uu ka buuxo dheecaanka insuliintu laakiin aan ogayn. Marka jirkoodu aad u soo daayo insuliinta ayaa waxa ay noqonayaan kuwo aad ugu nugul cayilaada. Insuliintu Waxa ay ku sii badisaa dhibaabata qofka ka cayila caloosha ee yeesha xalus wayn.
Qofka oo markasta wax cunaya, sonkorta dhiiga oo miisaanku ka lumo iyo fadhiga badan ayaa ka mida ah in insuliin badani dhiiga ka buuxsanto. Taas oo ayaduna kor u sii qaadaysa miisaanka qofka.
Hadaba waxa haboon in aad miisaan fiican u samayso insuliinta iyo jirka. Khuburada caafimaadkuna waxa ay ku talinayaan:
In aad caadaysato jimicsi joogta ah, sedexda waqti ee cuntadana wax ka bedelin. Waxa kale oo aad muhiim u ah in aad xaluska ama xayrta caloosha ku wareegsan jartid.
Hadii aad tahay haweena ay qiyaasta dhexdaadu ka badan 80cm. Halka ragana laga rabo in ay ahaato 94cm.
Isra Abdi Ali
Ladaneey Magazine
Adiguna ilaasho caafimaadkaaga oo socodka badso si uu miisaankaagu hoos ugu dhaco.
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayiagaaga (comment).
No related posts.
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.




salaan dhamaan
Waxan halkan ugu dirayaa fariin gabdhaheena somaliyeed ee jooga qurbaha.
Waxaan leeyahay walaalayaal gabdhow GYMka taga oo jimicsada.
Wad aragteen mindhaa gabdheheena aroosyada inay diracyo jawaana soo gashadaan oo ay jirkooda ay muujin karayn baruur dheeraad ah awgeed iyo tunka ay ku yeeshaan tuur. (camel tuur syndroma)
Markaa waxa iga talo ah baaskeel ama socodka execise ka ah badiya si nimanka somali ee sportiga ee caafimaadka qaba aad si fiican ugu soo jiidan lahaydeen caafimaadkiinana u wanaagsanaan lahaa.
Wad mahadsan tihiin
asc walaalayaal wan idin salamay salan ka dib web kan ad ayan uga helay wad na ku mahad san tahiin sida sharafta leh e ad nogu sharaxden miisaankeygo wa 59 saasey tahay na kor u dharagto ayan leyahay marka siden is kaga ba bi’in karaa jazakallah
Asslaamu Caleykum wr wb.
Bacda salaan allaa mahad leh, waxaan halkan ka salaamiin walaashayda qaaliga ah waxaan ku lehay illaahay kheyr iyo ajar fara badan ha kasiiyo
barnaamiishka qaymaha badan aad noo soo gudbiisey insha allaaaaaaah
inta kadiib ,Isra Abdi Ali walaal waxaan raba intaad talo iga si siid misaan
keyga oo ah —90 kl dheraarku waa —- 175 waxaan aad iskugu taxlujiiyaa inaan is cateyo wax iga dhacaya malah runtii matago jiim am dabal lakin
rashiinka aya iska yareya socodka waan badsada lakin sidii larabay mahan walaal talo iga sii ariinta jzkl khayran
ASC walalayaal dhaamaantiinba.
Mowduucani waa mowduuc fiican oo faa,iido leh, Horda walalo Adam waad mahadsantahay sida fiican ee aad ula talinayso gabdhaha / hablaha walalalaha ah , teedakale inabti hawada aflagadayn hablaha dhan ee jooga qurbaha waayo dadka waxas waa ay ku jiraan baruur qudaaa baruuro badan qudhmisa. Tedakale hadii runta lagag hadlo dadka Somaliyeed ee jooga qurbahha ragg iyo dumarba ma is dhaamaan. waayo dadka somalidu maka fekeraan jirkooda, sida aynu ognahay soomalidu waxa ay cuntaa badana cuntooyinka ay fat/ dufanku ku badnayahay, sida hilibka, bariisk iyo baastada, haba cunaan oo qofkasata waxa uu cunaa waxa uu dhaqan u leeayhay ee laqabsaday. Balse waxa loo bahanyahay inay cunaan sida fruitka, khudaarta cagaaran iyo kaluunka . waayo cuntooyinkani waa cuntooyinka caafimadka u fiican. Sida qofka jidhkiisu eegyahay waxcay ku xirantahay waxa uu cuno. oo ay meesha jimicsigana tagaan/ jimicsiga , oo ay socdaan. Bdana dadkeena fadhiga waxay u yaqaan raaxo balse sida la ogyahay mahan raaxo ee waa cudur, taas awgeed qofku waa inuu sameeyo exercise.
Anigu waxan leeyahay dhamaan dhalinyarada ku dadaala caafimadkiina oo sameeya exercise willal iyo gabdhoba. Waliba waxaan dhihilaha wiilashu hasameeyan jimicsi badan, si ay isaga ilaaliyaan caloosha, waayo ragga somaliada waxa ku badan ragga aad moodid inay uurleeyihiin oo calool buurni awgeed, Sorry! Ma iga ahan aflagado balse waa xaqiiqda. Damurka laftoodu waa inay ku dadalan inay yeeshan jidh qurxoon si ay dharka ugu soo baxaan oo ay ragooda usoo jiitaan.
ASC, Walalo Raaqiya waanku salamayaa, aad iyo aad ayaan igu faraxsanahay sida fiican ee aad igu fekerayso caafimaadka iyo noocu jidhkaagu u ekaanlahaa. Walalo macanto waad iska ridi kartaa misaanka, si uu misaankaagu uu hoos ugu dhaco waxad cuntaaa rootiga madow ee uu ku jiro qamandigu, khudaarta cagaaraan, fruitka , kaluunka , digaaga, waliba waad cabtaa caanaha uu ku yaryahay fatku / subagu. Socona, hadii aad cariuur haysatid oo aanad wakhi hayn waxad waxad gashaa gym.
INSH ALLAH WAXA AYA ISKA BADALI DOONA.