Dagaal dhex maray Caashaq iyo Calaf
Mar 3rd, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, MaaweeladaDagaal maanta ka dhacay, Magaalada Qalbi ee ku taal wadada u dhaxaysa Wadnaha iyo Beerka. Meeshaas waxaa iskaga hor yimid laba kooxood oo iskaga hor yimid arimaha Jacaylka. Labadaas kooxood waxaa lagu kala magacaabaa, Calaf iyo Caashaq.
Dagaal culus ayaa halkaas ka dhacay,waxaana ku dhintay ciidanka qaybta Xiiso iyo shukaansi, sida uu noo xaqiijiyay hogaamiyaha kooxda Calaf oo lagu magacaabo Mr Guur. Mr Guur Ayaa sheegay inay ka guulaysteen kooxda ka soo hor jeeday ee caashaq. Wali war rasmi ah kama soo bixin dhanka Caashaq, laakiin nin u hadlay kooxda Aashaq oo la yidhaahdo Dareen ayaa sheegay inay haystaan Magaalada Qalbi. War wixii ka soo kordha kala soco wargayska JACAYLKA QURBAHA!
Mahad Maxamed Sheikh
qawaaf2005@hotmail.com
source: gedonet.com
Adiguna wali ma ka qayb gashay gar jacayl?
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (comment).
Related posts:
- Sheeko dhex martay Nasrudiin iyo saynisyahan Nin saynis-yahan ah ayaa maalin maalmaha ka mid ah...
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.




aad iyo aad ayaan ugu farxay webkan waxaad tihiin dad dadaalaya dadaalkiina sidaa ku sii wada