Kaalinta haweenka soomaaliyed iyo badbaadinta nolosha qoyska

Mar 8th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Nolosha

Maanta oo Taariikhdu ay tahay 8-da Maarso ayaa Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka waxaa si weyn looga xusaa maalintaasi oo loo asteeyay in ay tahay maalinta haweenka, iyadoo dalkeena Soomaaliya waagii hore la siin jiray mudnaan gaar ah, hase ahaatee waayadii danbe dadka intiisa badan aysan ka war qabin, xaaladaha jira awgeed waxaana qormadan aan ugu hadlayo kaalinta haweenka Soomaaliyaad aan u hibeeyay munaasabada xuska 8-ka Maarso.

Labaatan sano oo dalka Soomaaliya burbur iyo nidaam la’aan ay ka jirto waxaa laga dhaxlay in shaqo la’aan ay soo food saartay Ragga oo dhaqan ahaan iyo Diin ahaanba dabooli jiray nolosha Qoyska, waxayna noqdeen kuwo aan aroortii u soofin shaqo, balse guryaha iyo goobaha fadhi ku dirirada ku koobnaada.

Burburka la degay dalkeena waxaa uu sababay in Soomaalida ay u kala yaacaan daafaha dunida oo ay ka heleen soo dhoweyn iyo nolol ay ku dabooli karaan baahida qoyskooda, waxaana kaalinta koowaad daboolida qoyska dibad ama gudaha kaalinta koowaad ka galay Haweenka.

Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya nolosha qoyska xiliyadii danbe waxay ku tiirsaneyd Haweenka oo galay booskii Aabaha, waxayna dhabarka u xerteen sidii ay u dabooli lahaayeen nolosha reerka, iyagoo abuuray shaqooyin aysan inta badan ragga qaban karin ha ahaadeen ganacsi ama howlaha kale, taasoo meesha ka saartay in aan la tabin kaalintii Aabaha uu ku lahaa dabooliska nolosha qoyska maadaama sanadihii burburka lagu guda jiray raggu noqdeen kuwo soo wajahday shaqo la’aan, booskoodiina haweenka buuxiyay.

Ganacsiga ugu badan ee ka socda dalka Soomaaliya waxaa wada oo suuqyada fadhiya waa Haweenka, kuwaasi oo badeecooyin kala duwan ku iibiya suuqyada Muqdisho oo la ogsoon yahay xaalada nabadgelyo ee ay ku shaqeeyaan, dhibaatada ugu ballaaran ee dagaalada sababaan dadka ugu badan ee saameyeeya waxaa u badan Haweenka la tacaalaya daboolida nolosha qoyska iyo kaalintii Aabonimo.

Iyadoo sidaas ay tahay ayaa hadana Haweenka ku sugan qurbaha waxaa la oran karaa 70% wey ka wanaagsan yihiin Ragga marka loo fiiriyo ka fikirka nolosha qoyska, waxayna isku xil saaraan sidii ay u maareyn lahaayeen nolosha qoyska ay ka soo tageen ee ku nool Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika.

Haweenka oo aad uga qalbi jilicsan ragga waxay keentay in qoysas fara badan oo ku nool gudaha dalka ay ku noolaadaan nolol sare, waxayna isu xil qaameen sidii nolosha reerkooda cariiri u gelin, iyagoo lacagaha ay shaqeeyaan ama lacagta loo yaqaan Cayrta ee laga bixiyo dalalka Yurub bil walba ugu qoondeeyo lacag ku filan qoyska dabadeedna u marsiiyo shirkaddaha xawaaladaha ee dalalkaasi ka jira.

Dhamaadka bil walba waxaa aad u mashquul ah xarumaha xawaaladaha, marka aad tagtana dhooban haween doonaya in eheladooda loogu diro lacag biil ah,.Hebeloow Hooyadey Kaltuumo iigu dir 300 Dollar, si deg deg ahna haku gaarto walaalow biil ma heystaane, anigana Hooyadey Faadumo Geelle iigu dir 250 Dollar hada ayaan u baahanahay walaalow iney qaataan iyo erayo kale ayaa maqleysaa marka aad booqato goobaha xawaaladaha ee Soomaalida, shirkadahaasi oo runtii lacagaha dalka loo dirayo ku gaarsiiya si fudud.

Maandhow Siyaaro Axmed liiska iiga fiiri, Yaa kuu soo diray, Gabadheyda hebel hebel oo joogta Magalaada Manchester ayaa ii soo dirtay, waa kuu taal sug !!!! hoo 200 Dollar ayey kuu soo dirtay!!!!, qeyr Allaha siiyo, muraadkeedana Ilaahey ha siiyo, erayadaasi waxay ka mid yihiin ducooyinka Hooyooyinka Soomaaliyeed u dirayaan Gabdhahooda ku sugan qurbaha ee maareeya nolosha qoyskooda.

Kaliya kuma koobna Haweenka maareynta nolosha qoyska, waxayna kaalin muuqata u galeen tabarucaadka dhaqaalaha loogu aruurinaayo Walaalahooda ku dhibaateysan gudaha dalka iyo dadka xaalad caafimaad xumo soo wajahda ee dalka wax looga qaban waayay, iyagoo u huray bixinta dhaqaale aan la soo koobi karin oo lagu badbaadinayo bukaanka Soomaaliyeed.

Sidoo kale haweenka waxay ka qeyb qaataan taakuleynta iyo dhismooyinka goobaha cibaadada ee Alle dartii loo dhiso si loogu guto waajibaadka Alle na faray ee Salaadaha iyo cilmi ka barashada.

Daraasad aan sameeyay ayaan waxaan ku ogaaday in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa mar walba qeyb muuqata ka qaataan taageerada dadka dhibaateysan, dhismooyinka Masaajidyada, bixinta Sadaqada loo aruuriyo Agoonta iyo dadka la il daran cudurada halista ah ee dalka gudahiisa wax looga qaban waayay, waxayna ragga ay ugu wanaagsan yihiin 70% bixinta taageerada mar walba loo aruuriyo dadkaasi.

Gabagabadii, waxaa la ogsoon yahay in dhibaatada dalkeena ka taagan iyo dagaalada mar walba ka socda xarunta Soomaaliya waxyeelada ugu badan dadka ay soo gaareyso ayaa ah Haweenka ku howlan maareynta nolosha guriga iyo hooyooyinka kale ee ku mashquulsan koroonshaha ubadka, mana jirto cid u naxeysa dhibaatada iyo murugada soo gaareyso mar walba, halka ragga ay ku mashquulsan yihiin arrimaha siyaasadda iyo fadhi ku dirirada.

Ali Muxiyadin Ali
Muxiyaddin@hotmail.com
source: calanka.com

Adiguna ka dhiibo rayigaaga !

Related posts:

  1. Sawirkii ugu horeeyay ee caalami ah ee laga qaado qoyska madaxwaynaha Obama Dhawaan ayaa madaxwaynaha wadanka maraykanka waxa uu doonay in uu...
  2. Ragga iyo haweenka kuwee been sheegid badan? Sheegista beentu waxay ka mid tahay waxyaabaha diinta Islaamka...
  3. Raga oo ay ku adak tahay marka xaasku ka mushahaar badan tahay Daraasad cilmi baadhis ah oo dhawaan la sameeyay ayaa ka...
  4. Jawharada qoyska – buug uu qoray Barre Aduunyo Aramida jaceylka qofba muga uu qaatay ayay ku xidhantahay iyo...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

Leave Comment


Ad