Hurdada – Seexo waa nolosha badhkeed,e

Mar 17th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Caafimaadka, Featured

pics from: www.poorlittlerichgirls.com

Waxa aan waqti badan oo nolosheena ka mid ah galinaa hurdada, laakiin maaha waqti inaga qasaaraya. Hurdadu waxa ay xoojisaa difaaca jirku iskaga celiyo cudurada.  Waxa ay qayb wayn ka ciyaartaa waxbarashada, aadna waxa ay muhiim ugu tahay nolosheena.

Waxa ninka caanka ah ee la yiraa Aristoteles laga wariyay in uu 2300 oo sano ka hor uu yiri hurdadu waxa ay inoo sahashaa in aan awoodno soo jeedka. Laakiin nasiib wanaag inkasta oo aynu hada wax badan ka ognahay hurdada ayaa hadana waxa xusid mudan sida ay aqoonyahanadii noolaa xiligaa fog ay u xiisaynayeen una xuseen hurdada.

Sida ay sheegeen culumada cilmiga maskaxda iyo xididada ayaa ah in ay hurdadu tahay furaha nolosha hadii aynaan seexana aynu dhimanayno.  Culimada ayaa ku sheegay maskaxdu in ay tahay meesha xukunta hurada. Waxa la ogyahay in ay maskaxdu tahay ta seexisa jirka, kana helo nasasho.

Xiliga hurdada ayaa maskaxdu waxa ay soo daysaa dheecaano saameeya xubnaha jirka sida beerka iyo wadnaha. Marka aan hurudno ayaa dheecaanadaasi dejiyaan garaaca wadnaha, hoos u dhigaan dhiig karka iyo kulaylka jirka. Marka aynu hurdada ka toosnana wax aynu naha kuwa nastay. Taasina waa natiijada ka timaada qiimaha qaaliga ah ee hurdada.

Hurdada ayaa waxa ay qayb ka tahay difaaca jirka, si degdeg ah wax u fahmida iyo waxbarashadaba. Waxa dhacda in qofka imtixaan galaya maalinta berito oo kale uu habeenkii oo dhan soo jeedo oo uu wax akhriyo si uu ugu guulaysto imtixaanka. Laakiin taasi waa arin aan haboonayn. Sababtoo ah qof habeenkii oo dhan soo jeeday waa uu daalan yahay oo si fiican wax uma qaban karo maalinimada.

Hamdi Ali Mohamud
Ladaneey Magazine

Adiguna ilaasho caafimaadkaaga!



No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

Leave Comment


Ad