Xaqiiqo layaableh: Maxaad ka taqaan jirkaaga?

Apr 2nd, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Caafimaadka, Featured

pics from: istockphoto.com

Bani aadmigu waa noolaha qudhee  mudhbaxsan ee toosan. Celcelis ahaan qof waliba timihiisu waxay kooraan dherer ahaan 450 Mile inta uu nool yahay Marka uu qofku dhoolo cadeeyo,17 muruqbaa ka qayb qaata Dhoola cadayntaas oo kaliya.

DNA Bani aadmuhuu waxay ka kooban tahay 80,000 oo gene ama farac.Unigyada dhiiga cadcad waxay jidhka aadmaha ku dhex noolaadaan laba ilaa afar cisho, halka Unugyada dhiiga cascas ay ku dhex noolan karaan jidhka aadmaha sadex ilaa afar cisho.

Qofkasta oo Bani aadmiya waxaa uu fartiisa soo labaa 25 million oo goor inta noloshiisa  uu nool yahay.Qofka Bani aadmiga ahi qarada(weynida) wadnihiisu waxay leegtay feedhka(Gacanta marka loo duubto marka uu qofku feedhtamayo), halka celcelis ahaan culuska wadnuhuu yahay ku dhawaad 0.5Ibs.

Jidhka Admuhuu waxaa ku ka kooban yahay afar macdanood: apatite, aragonite, calcite, and christobalite. Maskaxda Bani aadmgu waxay dhalisaa halkii maalina xarako ka badan isku xidhka waxa tellephone aduunyada jira ay sameeyaan.

Culuska Bacteriada ku dhex nool jidhka adamaha waa 4.4Ibs.Qofka aadmha maskaxdiisu waxay soo daysaa 100,000 oo falcelis chemical ah halkii secondba.

Ilmuhu marka uu dhasho waxaa maskaxdiisu ka kooban tahay 14 billion oo unug, mana kordhaan tirada unugyadan tan iyo wakhtiga uu geeriydoo,ka dib marka uu gaadho da’ada 25 jir 100,000 unug  baa hoos u dhaca,Marka qofku gaadho 40 jir maskaxdiisa hoos bay ugu sii dhacaysaa si xawaare leh, ka dib marka uu gaadho 50 jirna waxaa nuglaada Nerfaysada, Maskaxduna mugeeduna waa yaraadaa.

Mindhicirka yar ee aadmaha waxaa uu dharar leeg yahay 8.5 Feet inta uu nool yahay qofka, halka mindhicirka weynina hadii la kala bixiyo uu gaadhayo 19 feet.

Celcelis ahaan qofka Bini aadmigu waxaa uu leeyahay 2 milion oo qanjidhada qashin saarka ah. Halka celcelis ahaan qofka qaangaadhka ahi uu lumiyo  540 Calories isagoo dhidiid ahaan u siidaynaya,Raga ayaa ka khasin saar badan dumarka in ka badan 40%.

Sanbabka midig hawada uu hayo ayaa ka badan ta uu hayo ka bidix.Ugu yaraan qofka qaangaadhka ahi waxaa uu neefsadaa maalinkastaba qiyaas ahaan 23,ooo Oo jeer.

Qofka dumari inta ay nooshahay waxay soo daysaa 7 Million oo ugxaan.Indhaha aadmuhuu waxay kala sooci karaan 10,000,000 oo midab Qiyaas ahaan 40,000 oo Bacteria ayaa ku jira Afka Aadmaha.

Suurtagal maha in aad hindhisto adoo indhaha kala  haya. Lafdhabarta aadmaha waxay ka kooban tahay 33 ilaa 34 laf dhabarood Dumarku waxay indho gibidhsadaan ama indho bidhiqsadaan in ka badan libin inta ragu gibidhsadaan.

Unuga ugu yar ee dhismaha labka Aadmuhuu waa unuga shahwada. Muruqa ugu xooga weyn dhismaha Jidhka Aadmaha waa Carabka.Caruurtu waxay ku dhalataa iyagoo oo leh 300 oo lafood dadka waa weynina waxay leeyihiin 206 lafood oo kaliya.

Jidhka Aadmuhuu waxaa uu ka kooban yahay baruur soo saari kartaa afar xabo oo saabuun ah. Dhaqaaqa ama socodka nerfayada jidhka Admuhu waxay ku socdaalaan xawaare dhan 90 Meter  halkii Ilbidhiqsiba 42.36 800 000 oo jeer bu wadnuhuu sameeya garaac halkii sanaba.

Ragu waxay u nugul yihiin indho beelka in ka badan inta dumarku indha beeli karaan.Ugu dhawaan lafaha aadmha oo dhan 206 laba marka loo qaybiyo qaybi waxay ku  taala cumaacumaha iyo lugaha.

Dadka indhaha buluuga ah lihi way ugu nugul yihiin xanuunka kuwa kale.Cidiyaha faruhuu waxay afar jeer ka kori taan badan yihiin cidiyaha suulasha.Qofku waxaa uu diir dhacsadaa 1,000 jeer inta uu nool yahay oo kolba diir cusub u soo baxaa.

Daauud Gilingl
source: golisnews media

Adiguna ma taqaan lafta ugu yar lafaha jirka bani’aadamka meesha ay ku jirto?

Adiguna ka dhiibo rayigaaga!

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

2 comments
Leave a comment »

  1. Waad  salamantihiin dhamaan qorayaasha Ladaneey, wanad ku  mahadsantihiin sida qiimaha iyo qaayaha badan ee aad ugu faa,iidaynaysaan bulshada, illahay ajar iyo xasanad ha idinku badalo insha allah.
    Ano raba inan ka jawaboo su, aashi ahayd:xagee ayey ku jirta  lafta ugu yar lafaha jirka bani’aadamka?: Waxay ay ku jirta  lafta ugu yar lafaha jirka bani’aadamka   dhagta bidix dabadeeda. :)

  2. Maansha allah. Waad mahadsantihiin dhammaan shaqaalaha shebakada Ladaneey, waa wax faa`iido leh. Sidaa noolo soo socod siiya waxyaalaha faA`iidada leh.

    WAAD MAHASANTHIIN

Leave Comment


Ad