Dhinaca fiican wax ka eeg!

Apr 18th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Caafimaadka, Featured
 

 

Bani’aadamka ayaa marka ay dhacdo aan ka farxin la soo gudubto si fudud u ilaaba sabirka iyo dhinaca fiican in uu wax ka eego. Hadaba sheeko yar oo ku dhacday qof aad dhinaca fiican wax uga eega ayaynu la qaybsanaynaa sida quruxda badan ee uu ku qaabilay dhacdooyin soo wajahay. 

Waana kuwan dhacdooyinkii ee sidaa iyo akhirs wacan: 

Saaka ayaa markii aan kacay waxa aan dareemay xanaaq. Laakiin waa arin fiican. Sababtoo ah waxa uu xanaaqaasi muujinayaa in aan dareen leeyahay. 

Kadib waxa aan si qalad ah ilkaha ugu cadayday kareemka wajiga. Dhacdadaana waxa aan ku ogaaday in qofka kastaa uu qalad samayn karo. Taasina waxa ay iga caawisay in aan xusuusnaado in aanu jirin qof dhani. 

Markii aan furay talaajada ayaa waxa dhulka ku dhacday baaket caano ku jiraan. Caanihii ayaa kabahii iyo surwaalkii aan xiraa iga haleeyay. Laakiin waxa aan naftayda u sheegay in caanuhu u fiican yihiin maqaarka. Surwaalkana waxa aan rabay in aan iskaba bedalo. 

Intii aan arimahaa ku mashquulsanaa ayaa waxa aad u karay kofeegii dabka ii saaraa ee aan rabay in aan cabo. Kadibna waxa aan xusuustay in aanu kofeegu u fiicnayn calool maran. 

Markii aan soo baxay ee albaabkii gurigu is xiray ayaa waxa aan ogaaday in furihii uu guriga ku jiro. Abooy! Waqti xun ayay masiibadani ku qabsaty ayaan ku fikiray. Waxa aan isu sheegay in aanan u baahnayn in aan albaabka jabiyo ilaa inta aan shaqada ka soo noqonayo. 

Shaqada ayaa waxa aan soo qaatay rooti aan ku quraacanayay. Rootida ayaa waxa ku jiray dhagax. Dhagaxii ayaa ilig iga jabiyay. Laakiin iligan ayaa si qaloocan ciridka ugu jiray, waxaanan u sheegay dhaqtarkii ilkaha in uu iga saaro iligaba. Maxaaba ka wanaagsan in aanad lahayn ilka qalqalooca ayaan ku fikiray, waxaana igu dhalatay farxad. 

Waxa aan damcay in aan lacag kala soo baxo mashiinka bangiga ee darbiaga ku yaal. Mashiinkii ayaa waxa uu iga liqay kaarkii. Waxa aan gargaraacay mashiinkii.
Aha! Koloyba lacagtaas way iga bixi lahayd ayaan isugu caqli ciliyay aniga oo aad isu dejinaya. 

Furitaankii albaabka iyo qufulkii cusbaa ee aan guriga ku samaystay iguma kicin wax ka badan $ 30. Qaraxii ka yeeray TV-ga markii aan daarayna sidaa uma sii waynayn. Hada ayaaban soo iibsan doonaa TV cusb iyo darbiga guriga oo aan rinji cusub marin doono. Maxaaba ka fiican. 

Way fiican tahay in markasta dhinaca fiican (positive) wax laga eego. Kadibna waxa aan is ku tuuray sariirta, isu diyaariyay hurdo inkasta oo sariirta lugaheeda dambe jabeen. Hadii aanan dhinaca fiican wax ka eegin oo caro, dagaal, qaylo, neeftuur iyo xanaaq ku wajihi lahaa arimaha iqabsady maantansi fudud uma gam’een. 

Amina Ahmed Jama 

Ladaneey Magazine 

 Adiguna ka dhiibo rayigaaga! 

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

2 comments
Leave a comment »

  1. asc waad ka baxsatay aaminaay maantana waa sheeko qatar ah
    macaaneey halkaa ka wad laakin anigu adigaanba kuu xiisayaa xirirkaaga????

  2. aamina salaan yar oo adag misna kulul baan horta kugu salaamay
     
    aaminaay dadku belaayo bey ka sheekeeyaan iyagoo beladaas sida ay u egtahay eysan aqoon balse wixii ku adkaada ama ka nixiya ku sheega belaayo, laakin anigu waxaan arkay raadkii belaayada nafsadeeda balse ma arag iyadii oo nool oo socota, waana tan
    maalin ka mid ah maalmaha ilaahey baan  Owr aan lahaa u kaxeeystay inaan biyo ku soo qaaato amaba aan dhaan u qalab qaatay, meesha ceelku ku yaalay waxey ii jirtay ilaa 130 km waxaana u socon lahaa ugu yaraan 5 maalmood intaasoo kalena waan ka soo socon laha, waxaana aan is lahaa waad ka soo gaari doontaa xaaskeygii oo markaa sadkeedii dhamaaday oo filayey iney dhali doonto hase ahaatee biyahaas kuwo ka sokeeya oo markaa guriga yaala ma jirin deg degtaas ayaana igu jirtay, maxaase igu dhacay.
    markaan sedex maalmood sii socday oo non stob ah ayaan is iri marakan bal yar naso oo Owrka xoogaa ha nasto hana meyracdo adiguna iskala bixi waayahay Owrkii baan rarki ka furay raradii iyo haamihii waan is ag dhigay meel aanan ka fogeyna dab baan ku shitay aan is lahaa bur yahuud ku dubo intaa ka dibna owrkii baan u kaxeeyey meel dhir laheyd oo bidixda iiga aadaneyd, waayahay, waan dabraday owrkii oo ka soo laabtay markaan u soo laabtay meeshii aan alaabada dhigtay waxaan u soo laabtay raradii haamihii iyo agabkii aan sitay oo uu dabkii ku soo biday ileyn dabeyl baa jidhay halkaas beyna ku basbeleen wax alle iyo wixii aan sitay oo ay xataa ku jireen labadii go ee aan xirnaa oo isaga furay kuleyl daradii kamana aanan baqeyn in cidi i aragto oo qaawan maadaama meeshu cidla aheyd oo markaa dadkuba uu ka qaxay abaar iyo biyo la,aan daraadeed.
    waan ka naxay oo argagaxay markaan arkay agabkii oo baaba,ay waxaan u laabtay dhankaa iyo Owrkii anoo is leh iska laabo waa iska tala aduunyee, waxaanse la kulmay Owrkii oo libaax qoorta jebiyey oo baqtiyey libaaxiina uusan ka fogeyn oo waaba kan soo hor fadhiya.
    talo ayaa igu caddaatay,  haamihii, raradii, go’yaashii kabihii iyo waliba owrkii midina gacan iiguma jiraan , caruutii iyo xaaskeygii foosha ahaana biyo ayey iga dhowrayeen, waxaa iiga sii daran waxaa i haya gaajo xun oo sahaydii dabkii baa la tagay, haraad iyo gaajo iyo waliba wel wel ah in gabadhii nabad dhashay oo hadiiba ay dhashay maxaa lagu qaban doonoo oo biyo ah umushaas qaraxa joogta ayaan ku fakarayey,,
    intaa waxaa iiga sii daran ceebta igu dhacday, oo markii aan soo noqday anigoo kacaa kufaya ayaan geed dheer oo garas ah dusha uga baxay bal si aan u jeedaaliyo wax bidhaan dad iyo duunyo ah waxaana ii muuqday bidhaan ARI ah oo iga fog geedkii baan ka soo dagay anigoo luudaya ayaan arigii ku soo dhex dhacay bal si aan u helo RIi irmaan oo aan gacanta wax uga maalo ileyn nin nafi heyso baan ahaye, nasiib wanaag waxaan ehaly RImadi ah oo caano badan oo waliba IBO waa weyn leh waan ka gaari waayey inaan gacanta ku liso balse waxaan ka door biday inaan nuugo oo aan afkeyga ka  baahi baxo, ogona mudo todobo cisho ku dhow waan qatanahey oo gar baan u leeyahay inaas sidaa sameeyo balse xaajo rageed maaheyn,. maxaase dhacay?
    anigoo k foorara RI,dii oo naaskedii afka iigu jiro xiniinyihii iyo aduunyadii kalena gadaal ka laad ladaan ileyn waan fooraraye ayey gabar arigi la joogt soo qaadatay ul xoog badan markaasey dhabarka igala dhacday oo waliba qeylisay waxaana qeyladii ku soo baxay aabaheed, hooyadeed iyo qaar la dhashay oo waliba odaygu qori baaba dhegta heystaa,,
    intaa markii ay mareyso meeshii waxaa ka dhacay wax aanan la filaneyn reer ku waaba reerkii aan gabadha ka qabay tan dhabarka iga garaacday ee xiniinyaha igu dhegtay waa dumaashidey la dhalatay marwadeyda xaamilada ah odaygu waa sodogey islaantuna waa sodohdey AAmino,,
    reerkii igaray oo odaygii cimaamadiisii ii soo tuur wax yaabay iyo wax cararay baa loo qeybsamay, la i wareysay oo sheegay sidii ay wax u dhaceen anna waxaa la ii sheegay in xaaskeygii umul raacday oo ay k dhibtootay fooshii allaha u naxariistee caruurii iyo xeytii yareyd ee ariga aheyna la soo kaxeeyey oo hadda la joogtaan reer xididkey,,
    gu,gii dambe oo reeruhu biya dageen waxaa la i siiyey khadiija oo aheyd gabadhii usha ila dhacday oo la yiri xigsiisin halooga dhigo caruurtiina haka war qabto ,,
    AAMINAAY ANIGU BELAAYO MA ARAG BALSE RAADKEEDII BAAN ARKAY
     
     

Leave Comment


Ad