Dumarka oo isu qurxiya si sir ah oo ragu ogayn
Jul 10th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Quruxda
Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa shaaca ka qaaday in ragga badan koodu aanay war u ahayn hawsha wakhtiga badan qaadata ee ay isku qurxiyaan, taasi oo ay ku qaataan wakhti gaadhaya 5 saacadood wiigii xamaamyada dhexdooda marka ay is qurxinayaan.
Waxaa sidoo kale la ogaaday in ragga boqolkiiba 28 aanay ogayn in dumarkoodu ay timaha sunayaasha gaagaabiyaan, dhabanoodana timo ka gooyaan, isla marakaana ay xidhaan baadad iyo cidiyo been ah oo aradfishal ah, tanina ay qayb ka tahay habka ay inta badan isku qurxiyaan haweenku.
Boqolkiiba 18 dumar ah ayaa sheegay in ay si ula kac ah uga qariyaan ragooda jadwalka ay isku qurxiyaan, halka boqolkiiba shan ka mid ahi ay sheegeen in aan waligood ragoodu umalaynin inay waxyaabo aan dabiici ahayn ay isku qurxiyan.
Si kastaba ha ahaataa, daraasada ayaa sheegtay in ay tahay mid wanaagsan inaan ragu ogaan howlahan dumarku ay shacniga quruxdooda ku dhisaan, waayo in badan oo raga ah ayaa aan ka mafsuudin kuna qanacsanayn is qurxinta noocan ah mid ka badbadin ah.
Waxyaabaha Ugu badan ee Dumarku isku Qurxiyaan:
1. Guritaanka ama xiiristaxaada cagaha
2. Gaabinta timaha suniyaasha
3. Marsashada waxyaabaha la isku qurxiyo
4. Xiiritaanka timaha kilinkilada
5. Midabaynta timaha
6. Xidhashada timaha baadadka ah eebeenta ah
7. Xidhashada timo artificial ah
8. Isticmaalka wiilasha midabada leh
9. Cadaynta ilkaha
10. Isticmaalka cream yada la isku qurxiyo si joogto ah
Af hayeen u hadlay Jolen Crème Bleach oo daraasadan ku sameeyay 3,000 oo dumar ah ayaa yidhi, ” dumarka badankoodu waxaa ay leeyihiin jadwalo wakhti badan qaata oo ay isku qurxiyaan maalin walba mudo sanoda ah, raguna laga yaabo inaanu ogaan dadaalka maalin walba dumarku galiyaan sidii ay isku qurxin lahaayeen.”
Cabdiqaadir Maxamed Ciid
Source: hadhwanaag.com
Adiguna ka dhiibo rayigaaga!
soheilasharstuga.se
No related posts.
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.







Asc dhamnatihin shaqaalaha shebekadad ladaneey.
Aniga rayigay waan ku raacsanahay anay dumarku ka qariyaan ragga waxayaaladay dumarku ismariyaan. Sababtoo ah waxa dhicikarta inay ragga qaar qancinwaydo waxayaaladasii.
Horta sida lawada ogsoonyahay quruxdu mahahnn make up iyo waxa yaalad laisku qurxuyo toone ee waa mid dabeeci ah iyo dabeecada qofka .
waxan aminsanahay ani , inay ficantahay sometimes inannan loo shegin nimanka qaar , waayo way is xayaysinayaan oo ay odhanayaan “oh tan waad ku soo qaldantay“, midh qurux ah malahan , oo wu is xumaynayaa waa qurux foo ah beeb ,been ah ….marka loo sheego ama ay ogadan.
^^^^Hadii ay is ku hagaajin waydona kadaran mid sidii ay sheegtay maqaalkan ladaneey.com is ku soo hagaajisay ayuu qoolaaliyayaa ,, oo tii waa laga dul guurayaa .
markaa waxaan odhan lahaa dumarka tiii haysata nin wanaagsan oo raba inay isku hagaajiso eena u sheeg xabiibkaaga wanaagsan… tiii qorqode haysatayna ka qari … jabaa ku hadhayee …
Waad mahadsantihiin ladaneey … siiba cabdilqaadir
hadi an rayigayga ka hadlo way ficante inay inantu is qurxiso lakin see quruxda layskama keeno ee waa loo dhasha qofkuna haddu si kaste wax uu marsado ama isku qurxiyo inay dhalaaliso oo ay saafi ka dhigto face mooye waa layka arkaya quruxdeeda wanaad mahadsantiihin dhamaantiin ladaneey waana ku racsane inana ragu ogaan hawsha