Is bar in aad caloosha ka neefsato

Jul 11th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Caafimaadka, Featured

pics from: panicdoctor.com

Neefsashada oo ka mid ah qaybaha ay nolosha bani’aadamku ku xiran tahay, ayaa waliba frifircoonida iyo kartida maskaxduna si dheeraad ah ugu baahan tahay hawada (oksajiinta). Hadaba si ay maskaxdu u hesho hawo badan ayaa waxa aad u baahan tahay in aad si sax ah u neefsato. Marka ay maskaxdaadu hesho hawo badana ayaa waxa aa noqonaysaa qof aad u karti badan, shaqada uu qabtana ay ka badan tahay tii hore. Taasna waxa aad ku gaadhi kartaa adiga oo tababar sameeya dhowr bilood maalin walba 1 ilaa 3 goor waqti u dhexeeya 5 ilaa 10 daqiiqo.

Tababar aad maalin walba samaynayo ayaa ah in aad caloosha ka neefsato. Sida kor ku xusan in maskaxdu u baahan tahay hawo badan, ayay muhiim tahay in aad baratid sidii aad ugu neefsan lahayd si sax ah. Waxa aanad arki doontaa adiga oo ay wax iska kaa bedeleen.

Waxa aad halmar neefsan kartaa hawo dhan ilaa 8 litir. Laakiin dadku inta badana waxa ay qaataan hawo yar oo ah boqolkiiba in ka yar 30.  Markaa hadii aad baratid sida aad ugu neefsanayso si sax ah ayaa maskaxdaada iyo jirkaaku u noqonayaan kuwo karti badan leh. Taasna waxa aad ku gaadhi kartaa adiga oo caloosha ka neefsada.

Faadiidooyinka calool ka neefsiga
-  waxa uu jirku ka helayaa oksejiin badan
- Waxa hoos u dhacaya culayska ama stress-ka saaran maskaxda, korna u kacaya tamarta ay helayso maskaxdu
- Waxa ay fiican tahay marka uu qofku wax akhrinayo ama uu qudbad jeedinayo

U fiirso sida aad u neefsanays oo dareen in aad caloosha ka neefsanayso. Ha neefsan adiga oo kala bixinaaya xabadka, se waa in caloosha aad ka dareentaa in ay soo waynaanayso. Waa in aad sidaa samasyo asbuucyo badan, ahaataana mid og sida uu u neefsanayo. Kadib ayaa calool ka neefsigaagu noqonayaa mid aad la qabsatay oo caadi kuu aah.

Hadii aad dareentid in aad stress ku jirto u neefso adiga oo kolba halmar si degan hawo badan u qaadanaya si ay maskaxdu u hesho hawoda ay u baahan tahay.Hadii aad si degdeg ama stress ah xabadka ugu neefsato ma helayso maxkaxdaadu hawo ku filan, ka dibna fal iyo fikir qalad ah ayaad samaynaysaa. Marka uu stress iyo cabsi ku hayso waxa hoos u dhacaya neefsashadaada.

Ogoow
Caloosha ka neefsashada looga ma jeedo in aad afka ka neefsanayso . Waxa aad sida caadadu tahay ka qaadanaysaa hawada sanka. Calool ka neefsiga waa in adiga oo sanka ka neefsanaya aad dareentaa in ay calooshaadu hoos u degayso ayada oo soo buurnaanaysa.

Safiya Ahmed
Ladaneey Magazine
Adiguna ilaasho caafimaadkaaga!

Related posts:

  1. Cayilaada oo ay keenaan dheecaanada jirku soo daayo Mid ka mid ah dheecaanada (hoormoonada) jirku soo daayo...
  2. Sidii lagaaga caawin lahaa wallaca xiliga uurka Barnaamijka Caafimaadka: Sidii lagaaga Caawin lahaa ama xaaskaaga looga caawin...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

Leave Comment


Ad