6 hab oo loo qurxiyo cagaha

Jul 14th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Quruxda

pics: goseasia.about.com

Waxa aynu ku jiraa waqti meelo badan oo aduunka ka mid ahi uu ka jiro xiliga kulaylka ee xagaaga. Kulaylkaas oo sababaya in ayna fududayn in la xirto kabo buudh ah, kuwa sport iyo kuwa kaleba. Laakiin ay fiican tahay in la xirto kabo sandaal ama dacas casriyaysan. Xirashada kabaha dedan ayaa lugaha laga dareemaa kulayl iyo dhidid badan oo ka yimaada cagaha. Si uu hadaba uu qofku u helo qabow ayaa waxa haboon in ay caguhu helaan layr.
Marka uu qofku isticmaalo sandaal ayaa waxa cagahiisa ka muuqanaya qalayl.

Hadaba si ay cagahaagu u noqdaan kuwo qurux badan ayaa waxa aad samaynaysaa lixdan arimood.

1 – Lugaha ugu qabee baaf
Waa in aad  si joogta ah u dhaqdaa cagagahaaga xiliga kulaylka ee xagaaga. Ku shubo biyo cusbo ama saabuun leh baaf oo dhex gali cagaha, kuna dhaaf ilaa 10 daqiiqo.

2 – Qalaji cagaha
Waxa muhiiim ah in aad cagaha qalajiso marka aad dhaqdo, waliba ha ilaabin in aad faraha dhexdooda qalajiso.

3 – Cidiyaha
Mar hadii lagu jiro xili la xiran yahay sandaal ayaa cagahaagu ahaanayaan kuwa markasta debada yaala, markaa waxa haboon in aad si qurux badan u goyso cidiyaha, ku jar maqaska cidiyaha, si toos ah u jar oo ka dibna xoq.

4 – Xoq cagaha
Xoq hilibka ku ag yaala cidiyaha si aad uga qaado maqaarka qalaylka ah iyo ka gaboobay si ay meeshaasi u noqoto mid jilicsan. Xataa waxa kale oo aad xoqdaa meelaha kale ee ka mid ah cagta gudheeda ee adag.

5 – Kareem mari cagaha
Cagaha mari kareemka cagahaee jilcinaya. Hadii ay caguhu ku dildilaacaan ama safan kaa gasho ayaa waxa aad soo iibsan kartaa kareem hoos u dhigaya dildilaaca. Waxa kale oo muhiim ah in aad ogaato in ayna fiicnayn in aad faraha dhexdooda mariso kareem. Hadii faraha dhexdooda aad kareem marinasyo ha ahaado ka loogu tala galay ee ka ilaalinaya fangaska (qawadka).

6 – Rinjiga cidiyaha ama cilaan
Si aad u heshid dareenka cago qurux badana, mari cidiyaha laba mar middab qurux badan kadibnka mari dawada sii adkaynaysa ee widhwidhinaysa.

Katra Ahmed Ali
Ladaneey Magazine

Adiguna daryeel cagahaaga!

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

9 comments
Leave a comment »

  1. KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

    WALIGEY MA ARKIN CAGO LA DHAQAAYO WAA HORUMAR YABA LEH.

  2. walaal waad wanaagsan tahay badh horta lakiin shuqulka gaalada naga daa
    xamuuradu ma ogid inay xaraan tahay mise kuwa qayb gaalka ahbaad iskaga jirataa anaguna inaan ku raacnaan doonaysaa nooooooooooooooooow

  3. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk woooooooooooow waa rayi  fiican in qof kasata ka shaqeeyo nadaafada jidhikiisa ama waa in ay inaatu jidhikeeda si fiican uga shqayesaa oo ay u qurxisaaa wayena ku mahadasanthaye inaataan nala socodosiisa horomaka caalamka lakiin inagu halka xamuurada waxaan ku bedelna karanaa cilaaana saa isagaana danbi ahayene ee

  4. waa wax fiican nadafad ahaan qurux ahaan aniga adaan ujecelahay inaan axad walba dhaqo waliba salonka utaga rinjigana waalamarsan karaa markaanad dukaneyn oo anad daahirka ahayn lugaha qurxoon waxey kamid yihiin quruxda dumarka lugaha iyo gacmaha loo ladhaqo cidiyaha oo laqoro waa wax fican jirkuna ubaahan yahay raxda ninkadana kujirta mahadsanid ladaneey

  5. Asc mashallaah Katra  jzkillaahu khayran  sister waa muhiim cagaha qurxintooda iyo in laga fakaro wiliba dumarkeena somalido aad bay u moogyahiin in ay cagahu daryeel u bahan yahiin (( ma wacna gabadh cidhbahii adkaadeen ama dildilaceen aynu ku dadaalno nathaafada jidhkeena iyo cagaheenaba )) rinjiga cidiyahuna danbi iyo xaraam toona  mahan waxan la ogoleyn un xiliga ay gabadhu tukaneyso waayo weysada buu  u diidayaa inay cidiyaha gaadho muhiimaduna waa intaa un waad mahadsan tahiin wsc

  6. thanks dear that’s so nice of u
    if u stay in england u sure need these thinks
    thanks once again sis Khatra

  7. Cagahooo la maydhaa waa qurux iyo Qiime gaar ah waxaan kuu cadaynaya in gabadhaasi ay si fiican isu nadiifiso weeeyi

  8. cusbo maa caga laku dhaqaaaaaaaa waa wax igu cusub waan fiirin doonaaaaa

  9. walaal waad mahadsan tihiin waayo walaalayaasha kale een aad ula socon xadaaarada caalam ka ayay tahay in loo faa iideeyo mahasanaidiin

Leave Comment


Ad