Waa maxay aqoontu (knowledge)

Jul 25th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Nolosha

pics from: freelanceswitch.com

Ninka qoraaga ah ee la yiraa Isaac Asimov, ahaana iska dhal ruush iyo maraykan ah ayaa asaga oo ka hadlaya aqoonta waxa uu yiri erayadan, “Hadii aqoontu sababayso dhibaato, ma ku xalili karo dhibaatada aqoon la’aan”. Halkaas oo aan ka fahmi karo qiimaha ay leedahay aqoontu, oo dhibaatadii jirtay sii waynaanayso hadii ay aqooni jirin.

Hadaba jawaabta su’aasha kor ku xusan anaga oo sharxayna ayaa waxa ay jawaabtu tahay:

Aqoontu waa waxii warbixin (information) ee aad ogtahay iyo waxa aad fahantay ee aad ku heshay waxbarasho iyo waayo aragnimo.

Aqoonta ayaa waxa ay u kala baxdaa seddex qaybood oo kala ah:

1 – Aqoonta la isla ogyahay – oo ah mida lagu barto dugsiyada.

2 – Aqoonta xirfada – oo noqon karta mid ku jirta gacmaha ama lugaha. Tusaale ahaan marka aad barato sida loo wado baaskeel ayaa waxa ay kuu noqonaysaa in aad aqoon u leedahay sida loo wado baaskeel, taasina ay noqonayso aqoon kuugu jirta lugaha. Aqoontan oo lagu helo marka uu qofku ficil isku mid ah ku cel cliyo iyo tababar uu sameeyo.

3 – Dareen aad taqaan ama fahanto – Tan ayaa ah mid aad u adag in la sharxo. Tan oo lagu qiyaasayo khibrada, foojignaanta iyo sida aad u qaadanayso warbixinta. Waa ta aad ku ogaanayso in ay wax qaldan yihiin. Tusaale ahaan waxa laga yaabaa in aad ka shaqayso warshad oo saacadaha mashiinada oo dhani si sax ah u shaqaynayaan laakiin aad dareemaysid in ay wax qaldan yihiin.

Waxa aan ku soo gabababynaynaa erayada uu yiri Benjamin Disraeli ee ah ” Hadii aad ogaatid in aanad aqoon lahayn ayaa waxa ay kuu horseedaysaa in aad aqoon raadsato”
Waxa kale oo hore loo yiri: “Hadii aad tiraah ma aqaan waa bilowga aqoonta”.

Asha Ahmed Yonis
Ladaneey Magazine

Idinkuna dadaala oo aqoonta ha la kororsado!
Ka dhiibo rayigaaga maqaalkan!

Related posts:

  1. Maxay noloshu i bartay? Kama baran iskuulka keliya jaamacaduna may ahayn halkaan aqoonta...
  2. Maxay gabadhan soomaaliyeed galabstay? Iyada oo ah  indhaha qoyskeeda iyo qaraabadeeda, Ubax Cabdi...
  3. Gabdhuhu maxay ugu jecelyihiin in ay ragooda ka maqlaan? Ugu horayin waxaan slaan qaaliya hawada u soo marinayaa...
  4. Waa maxay isla nolaansho?   Maqaalkani aan halkan hoose ku faahfaahinayno waxa uu quseeyaa...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

2 comments
Leave a comment »

  1. Masha allah  , waa maqaal aad u wanaagsan walaalo    Asha  waad mahad sanatahay .

  2. salaan, waa maqaal aad u qurux badan, kooban oo macno badan xambaarsan. Aqoonta qiimaheeda iyo noocyadeedana iftiiminiya. Hambalyo Asha, halkaas kasii wad. A fine piece of writing that we needed much. Thanks and keep up the good work.

Leave Comment


Ad