Ma nooc A mise nooc B ayaad tahay?

Jul 26th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Caafimaadka, Featured

pics from: scienceblogs.com

Bani’aadanka ayaa isu qayb qaybiyo oo isku tilmaama noocyo kala duwan, ha ahaadaan kuwa taajiriin ah ama kuwa faqiiriin ah, kuwa cadcad ama madmadow, kuwa caro badan iyo kuwa faraxsan. Hadaba mid taas ka mid ah ayaa waxa ay tahay noocyadan kala ah A iyo B oo dadkuna u kala qaybsan yihiin.

Labadan nooc ee A iyo B ayaa waxa dadka u kala qaybiyay labada caalim ee ku takhasusay aqoonta wadnaha lana kala yiraa Meyer Friedman iyo Ray Rosenman. Waxayna u sharxeen sidan:

Dadka ah nooca A ayaa waxaa lagu gartaa in ay yihiin kuwa jecel oo ku jira markasta tartan, kuwa mar walba ka xooga talada dadka kale iskuna daya in ay wax kasta si dhaqso ay u sameeyaan.
Waa kuwa aan u sabrin marka ay wax dib u dhacaan, sida bas ka soo daaho ama shir la qaban lahaa oo dib u dhaca. Waa kuwa markasta xiliga ilaaliya oo dib u dhicin. Noocan A ayaa ah kuwa hal waqti isku daya in ay qabtaan dhowr shaqo. Waa kuwo si dhaqso ah ugu xanaaqa dadka iyo xaaladaha la soo gudboonaada. Waxaana la ogaaday in dadka noocan ahi ay khatar u yihiin in ay u dhintaan wadno xanuun (heart attack).

Nooca B ayaan ahayn dad marwalba ku fikiraya sidii ay ula tartami lahaayeen dadka ay la nool yihiin ama ay la shaqeeyaan. Waa dad u shaqeeya si habaysan oo aan aad u tixgalin in lagu amaano shaqada ay qabtaan. Waa dad aan inta badan lahayn caalwaa ama cadho iyo niyad jab badan. Noocan B waa ay xamili karaan hadii ay ku dhacdo shaqo la’aan, in ay la dalacsiiyona uma aha muhiim. Waa nooc sabir badan oo hadii laga soo daaho ama ay agu soo daahaana wax wayn ka soo qaadin.

Asha Ahmed Yonis
Ladaneey Magazine

Rayigaaga ka dhiibo maqaalkan!

Related posts:

  1. Hadaad tahay xaas fiican afartan iyamad ku wanaagsan tahay Had iyo jeer waxay dadku faaleeyaan, oo ay ka sheekeeyaan...
  2. Waar i fur “full-ka” ayaad cuntaa’ye Haweenay reer masar ah oo mutacalimad ah ayaa maxkamada...
  3. Raga oo dumarka u qaybiyay 7 nooc Oday-dhaqameed Soomaaliyeed oo waayo hore jiray, waaya-aragnimo ballaaran u lahaa...
  4. 6-da nooc ee ka xanaajiya gudoomiyaha shaqada iyo sida loo xaliyo Meel ay ku kulmaan dad wada shaqeeyaa marna kama  maqna...
  5. Sidan ayaad ula dhaqmaysaa xaaskaaga Waxa aan horey u soo qoray 10-ka qodob ee ay...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

Leave Comment


Ad