Xulashada Ladaneey: Uurkii hooyadii buu ammaan ku waayey

Jul 26th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Nolosha


Nuxurka ‘’DHUGUC’’
Dhulka iyo markii aad gubteen, dhoobadii degelka
Dhallinyariyo waayeel markii, dhuunta laga gooyey
Haweenkiyo dhabeelii markii, dhiigga laga daadshay
Markii aad dhashiinii cunteen, dhababacaynaysay
Uurkana dhallaankii ku jiray, weydinkaa dhibaye
Maxamed Yuusuf  X. Cabdi (Kayse)

Dhacdo murugo iyo xanuun badan baa gabayga “Dhuguc” ee qormadani ku aaddan tahay ka hadlayaa. Gabayga oo uu tiriyey Maxamed Yuusuf  X. Cabdi (Kayse), wuxu ka dhashay dhacdo ugub ah oo ogaalkay murugo iyo calool xumo xambaarsan.

Maanso, gabay ama suugaani waxay macno leeyihiin markay ujeeddo salka ku hayaan. Maansada dhabta ah lama doontee way ku soo doonataa. Abwaanka Cabdi Aadan Qays maanso uu tiriyey ayaa in badan dareenka dadka si weyn u taabata, waa inta wax dareenta ee dadnimo ku jirto’e. Dadku muuqa waa wada dad, haddana badh baa hoosta dugaag ka ah balse kaba sii liita. Marka muuqa laga tago ayaa caqliga iyo garashada lagu kala tagsan yahay. Qof waxa ka muuqata karaamadii iyo sharaftii Eebbe ku sheegay aadamaha midna waxa ka soo if baxa dabeecadaha dugaagga iyo bahalaha.

Qofka wax baa dabra:
Haddaan diintu qabanayn
Sharci kaa dabbaalayn
Dabar kaa qabtaa jirin
Dadku waa belaayee
In dameerka aadmigu
Darajada ka hoos maro
Ama dawladaha qaar
Xayawaanka duurkiyo
Dugaaggii ka liitaan
Kumay jirin duruustee
Diiwaanka waayaha
Dib ma loogu qorayaa!

Aan sheekada ku soo noqdee intaanan u gudbin dulucda qormadan iyo sheekada Maxamed Yuusuf X. Cabdi (Kayse) iyo gabaygiisa ‘Dhuguc’; iyo waxa maanta igu xambaaray ka hadalkeeda iyo soo gudbinteeda, bal aan ku hormaro tixo iyo tilmaamo aan ka soo qaatay maanso uu tiriyey Cabdi Aadan Qays. Wuxu ka warramayaa ilme yar ooo uurka hooyadii ku jira oo habartii ku leedahay “Soo dhalo hooyo.”
Ilmihiina dacwaddiisa ayuu soo gudbinayaa oo wuxu leeyahay, “Dhalan maayoo…dhalan maayo”. Sababta aanu u dhalanaynna wuu sii sharraxayaa oo waxa uu leeyahay:
Dhalan maayoo!
Meel dhallaanka lagu dilo ku dhalan maayo
Meelaan cidi i dhawrayn ku dhalan maayo
Dhiigga iyo colaadaha ku dhalan maayo
Dagaalada dhexdiinna ku dhalan maayo
Dhagartiyo Iyo waxyeellada ku dhalan maayo

Waa ilmo yar oo ku jira uurka hooyadii, wuxu diidayaa inuu soo dhasho, wuu doodayaa, wuu garnaqsanayaa oo wuu sababaynayaa waxa uu u soo dhalan laayahay. Wuxu sawir ka bixinayaa muuqaalka iyo qaabka ay u taal meesha uu ku soo dhalanayo.  Wuxu ku doodayaa in hadduu soo dhasho uu kollay silic u dhimanayo. Wuxu diidayaa inuu ku soo dhasho meel aan xataa dhallaanka loo naxayn oo lagu dhibayo, lagu dilayo, meel dhiig daadinta iyo colaaduhu dhaqan u yhiin, meel aan biri- ma- geydo lahayn. Wuxu inna weydiinayaa macnaha ay u samaynayso ku soo dhalashada degaanka caynkaas ah.

Maansadu si sarbeeb iyo farshaxanimo ku dheehan tahay bay wax innoogu sheegaysaa, waxay inna baraysaa in ubadka aynu dhalayno u sii diyaarinno degaan ku habboon, degaan nabadeed ay ku nabad galaan, ku helaan negaadi iyo nolol xor ah, ka xor ah dhib iyo waxyeello, ka xor ah cudur iyo aqoon darro. Waxa maansadu inna tusaysaa sida qaaradda Afrika ay dunida uga dambayso ee ay u tahay meel ubadka lagu xabaal nololiyo oo aanay ka suuroobayn nolol barwaaqo iyo badhaadhe ku dheehan tahay inta dadkeedu sidan yahay.

Ilmahaa abwaan Cabdi Qays innoo sawirayo ayaa sawir labaad oo kii hore ka naxdin, murugo iyo calool-xumo badan Maxamed-Kayse ka bixinayaa. Maxamed-Kayse isna wuxu adeegsanayaa awoodda ereyga. Xaaladaha qaar waxay gaadhaan heer tix iyo tiraab midna sida ay yihiin aan loogu soo tebin karin. Aan in yar inna dul geeyo sida dareenka maansadani ugu dhashay Maxamed-Kayse.

Abwaanku wuxu booqday mareegta wararka ee la yidhaa: jilibweyn.com oo baahisay warkan soo socda taariikhdu markay ahayd 2-3- 2009. Warku sidan buu u qornaa:

´´ Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa dagaalladii dhowaan ka dhacay dhaawacii la keenay waxa ka mid ahaa Hooyo Uur leh oo dhaawac soo gaadhay, balse waxaa naxdin ahayd in hooyada canug ay uurka ku siddey rasaasi ugu tagtey caloosha hooyadiis. Waxa hooyadaa lagu sameeyey qalliin muddo saacado ah qaatay, waxaana laga soo saaray canuggii oo mayd ah, oo rasaastu kaga dhacday garabka meel u dhow oo wadnaha ku beegan.´´

Ha! Intaa markuu arkay Maxamed-Kayse ayaa dareenkii soo dhuftay oo qalbigiisii rogmaday. Dareenka iyo godlashada maanka haddaad u weydo wax aad ku halbeegto, xanuunka iyo murugadu dib bay kuugu noqdaan oo ma awooddid inaad cid kale farriinta gaadhsiisid. Halkaana waxa ku curyaama wax ka qabashadii dhibaatada iyo gurmadkii.

Qofka abwaanka ahi wuu ka nasiib badan yahay dadka mararka qaar oo dareenkiisa iyo culayska saaran ayuu awoodda maansada ku soo daadejin karaa, markaas oo uu waxogaa nafis ah dareemo. Marar badanna wuu ka nasiib daran yahay dadka oo si aan dadku u damqan buu u damqadaa. Wax aan dadka kale ka damqan buu ka damqadaa, wax dadka aan u muuqan baa u muuqda, isaga oo gu’yaal soo dhibtooday baa dadka kalena soo gaadhaa.

Maxamed –Kayse markuu warkan dhiillada leh akhristay waxa caawiyey hibada abwaannimo ee Eebbe siiyey oo ereyadan kor ku xusan “Dhuguc” markiiba ka soo booday. In dhacdo lagu halbeego suugaan waxay fududaysaa in si wacan dadku u dareemaan laxaadka waxyeellada dhacday, qalbigooda ayey gilgishaa, naxariis bay ku beertaa, inay dhinaca wanaagga u leexdaan bay ku caawisaa. Gabaygani waxa uu soo baxay markii abwaanku maqlay, arkay ee akhriyey warkaa naxdinta leh.

Maxamed-Kayse waxa uu gabaygiisa inoogu tilmaamayaa dhibka haysta soomaalida kas oo ah markii wanaaggii laga baydhay, markii nabad la diiday, markii dawladnimo la diiday, markii talo la diiday, markii si aan soohdin la hayn loogu xadgudbay xuquuqdii dadka ee dumar, waayeel iyo dhallinyaroba birta laga aslay, waxa dhaxalku noqday in ilmihii soo dhalan lahaana halkiisa loogu tegay. Dooddii ilmoha uurka ku jirayna iyo hooyadii ee ahayd: Soo dhalo iyo dhalan maayo, iyadoon weli biyo dhicin ayaa masiibo ugu tagtay halkiisii. Codkii ilmaha iyo kii hooyaduba halkaasuu ku soo xidhmay.

Intii ku hareeraysnayd ee ilmaha ku lahayd, “Ha dhibin hooyadaaye soo dhalo, iyana halkaasaa afka iyo gacantu isku dhegeen. Wuxu gabaygu ka hadlayaa dambiilaha maanta iyo dadka dulmiga ku difaacaya si uu ubadkooda u dabargooyo. Wuxu la hadlayaa dadnimada iyo garashada goob kasta iyo goor kasta oo ay joogto. Ka maanta nool iyo ka berri dhalan doona ayuu la hadlayaa. Wuxu la hadlayaa inta bed-qabta ee dhulkooda iyo dadkoodu fayow yihiin inuu u noqdo cashar iyo waaye ay wax ka bartaan si ay uga badbaadaan masiibo tan la mid ah.

Wuxu la hadlayaa dhego wax maqli kara iyo qalbi naxariisi ku dambayso. Bal hada aynu markale sii dhuuxno gabaygii “Dhuguc’”:

Dhawaaqii samaaneed markii, dhegaha loo diiday
Dhaxal weeye maamule markii, geesta laga dhaafay
Taladii dhisnaan layd markii, dhidibka loo fayday
Dheeldheel markii lagu tirtiray, dhuuxyadii qaranka
Nabaddii la dhooldhoodinlaa, maalintay dhugucday
Dhagaraha kuwiinaa qabaa, oogay dhiillada´e
Dhulka iyo markii aad gubteen, dhoobadii degelka
Dhallinyariyo waayeel markii, dhuunta laga gooyey
Haweenkiyo dhabeelii markii, dhiigga laga daadshay
Markii aad dhashiinii cunteen, dhababacaynaysay
Uurkana dhallaankii ku jiray, weydinkaa dhibaye
Dhalaq yar oo makaan jiifa baa, dhamac ku taagteene
Dhabarkaa rasaas kala dhacdeen, ilmo aan dhalane
Alle weydin dheehanahayaa, waxaad dhigaysaane
Dhoy laaweyaalyahow ka hadha, dhumise uunkiiye.

Xasan C. Madar
E-Mail: nabaadiino@yahoo.com (1)

Maansada ‘Darmaan iyo Dalxiis’ Cabdi Qays, Buugga Nabaadiino.
Maansada ‘ Dhalan maayo’ Cabdi Qays, Buugga Nabaadiino

Ladaneey Magazine oo marwalba ifinaysa dhibka haysta soomaalida ayaa qoraalkana waxa aan u aragnaa in uu yahay mid aad iyo aad u qiimo badan, waxtarna u leh shacabka soomaaliyeed si ay wax ugu qaataan, waxna uga bedelaan xaaladaha adag ee ay ku jiraan. Waxa aanan ku dhiirinaynaa qoraaga in uu halkaa ka sii wado dadaalka. Ladaneey Magazine ayaa la qaybsanaysa dhibka ay ku jiraan shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Ladaneey Magazine
Maamulka

Rayigaaga ka dhiibo maqaalkan!

Related posts:

  1. Dhibka tahriibka: Gabadh 12 jir ah oo uu qaaday wabi ay ka talaabaysay Ehelada dad dhawaan ku geeriyooday biyaha u dhaxeeya dalalka Greeca...
  2. Dedaalka ardayda soomaaliyeed ee ka qalin jabiyey jaamacadaha Malaysia Waxay aheyd malin farxad badan taasi oo ka danbeysay...
  3. Bandhigii Buuga Sirta Guurka iyo acdarihii aadiga akhristayaasha ee Hal-karaan Naadiga akhriska ee Hal-karaan Readers Club ayaa habeenkii xalay ahaa...
  4. Dhaqan aanad u dhalan dhib badanaa Wiil dhaliin yaro ah ayaa bari waxa uu jecla ina...
  5. Maxay gabadhan soomaaliyeed galabstay? Iyada oo ah  indhaha qoyskeeda iyo qaraabadeeda, Ubax Cabdi...

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

One comment
Leave a comment »

  1. ASC, dhamaan shaqaalaha Ladaneey,  waad mahadsanidtihiin sida qiimaha  iyo qayaha badan ee aad u muujinaysaan dadaalka.

    Aad iyo aad ayaan igu xumahay dhibaatada haysataa mantaa   umadanee, siiba dumarkii iyo carurrukii ee ay umadu inagu wiirsanaysi/ iioogu  qoslayso. Waxa aynu kagag bixi kartaa dhibaatan aynagoo raadina   nabad  dhamaan ragg iyo dumarba, waad aragteen suida ay dhibaatadu u haysato umadeen meelkasta oo ay joogan ba, sida dhalaankeenu u ba,ba ay , sida ay hooyoyinkeena u haysato dhibaata,  ayaa u maqan waa cidna. Markaas waa in ay gacmaha is qabsanaa oo aynu  iska dhaafno qabyaalada iyo xanuunadan inagu dhacay. Miyeynan dhiig iyo damiir lahayn, miyeynaan arkaan sida uu caalamku u tagay iyo  halka aynu joogno , miyeynaan arkeen sida cadowgeen inoogu wiirsanaayo. Miyeynaan isqaban oo kasaxi  karin kasaxi   saxi karin ka khaldan.
    Dhibaato aya kudhacday dalkeeni,  iyo dadkeeniinba waxan rajaynayaa inrabi inoo furo farash oo illahay nabad inooga dhigo wadankeeni,  oo rabi inaga daweeyo qabyaalada.

    ALAH ALAH ALAH
    SOMALI U DIIDA CEEB
    NAFTIINA U DIIDA CAAY

    Dhulkeena dabeecadiisaa
    micna dadku dhexqaadoo
    labada wabi ee dureeraa
    dalaga ciida wanaagsan
    abuurkaa ku daadiweeyoo
    qayraadkaa ka doono weeyoo
    siduu geelaa ugu daaqoo lo’dana
    u diinaahiyeesoo

    haa danyarteena eegtoo siday
    diiftu ugu taalo labadu is dabooli
    waayo dunidu way nagula yaabtey
    dunidu waay nagula yaabtey way.

    dadiyow dadiyow u dadaala nabad
    nabad soomaali u diida ceeb
    naftina u diida cay

    By Maryan Mursal.

Leave Comment


Ad