Dhacdo: Hadii cunug cadaan ahi idiin dhasho, idinkuna madowd tihiin maxaad dareemi lahaydeen?
Jul 27th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, JacaylkaQiso aad iyo aad uga yaabisay caalamka ayaa waxa ay ka dhacday bishan julaay 2010-ka wadanka ingriiska taas oo ahayd dhalashada gabadh yar oo cad waalidkeeduna ka soo jeedo qaarada Afrika.
Hadaba reer asalkoodu u dhashay dalka Negeria kuna nool cariga Ingriiska ayaa dhawaan gabar cadaan ahi ugu dhalatay cisbitaal ku yaal magaalada London. Kadis wayn ayeey ku noqotay markii hooyad Negerian-ka ah loo keenay gabar cad oo la yiri gabadhan ayaad dhashay.
Umulisooyinkii cusbitalka ay ku dhalatay gabartaan cadaanka ah, timaha blond ga ahna leh waxa ay weydiiyeen hooyadaa Negerian-ada ah in ay nin cadaan ah leedahay. Hooyadi waxa ay ku jawaabtay,”Ma lihi nin cadaan ah”. Taas oo yaab iyo lama filaan ku noqotay umulisooyinkaas.
Teeda kale ninkedii ayaa filan waa iyo yaab la amaakagay markuu arkay xaskiisa oo haysata gabar cadaan ah oo ay u sheegtay in ay tahay cunugtii ay u dhashay isaga. Dhaqatiirta cusbitaalka waxa ay cadeeyeen in gabadhan cadaanka ah aysan ahayn dadka lagu magaacabo boolka afka somaaliga ama (albino) afafka qalaad. Laakiinse ay tahay inan raacday sinji dambe oo loo yaqaan DNA. Dhaqaatiirtu waxa ay ku qiyaaseen reerkan Negerian-ka ah in meel sinjigooda ka mid ah uu cadaan ka soo galay.
Reerkan Negerian-ka ahi aad ayeey gabartooda cadaanka ah ugu faraxsanyihiin, iskumana dayin in ay ka qadaan dhiig si arintu dhinac ugu dhacdo. Laakiin markii dhiig laga qaaday ayaa waxa la ogaaday in uu aabuhu yahay ka dhalay gabadha. Abaha gabadhan oo lagu magacabo Ben ayaa u shegay jaraaidka layiraa The sun in aniga iyo xaaskayga kadib dhalashada gabadheena daymo aanu ku xalinay. Anago oo aan eray is dhihin. Aniga waaban adkeysan wayay, waxaanan weydiiyay xaaskayga, “Ma aniga in aa dhalay ayeye kula tahay?” Jawaabtuu helayna waxa ay ahayd in uu asagu yahay aabaha cunugta.
Hooyada gabadhan oo lagu magacaabo Angela da’deeduna tahay 35 jir, degana Woolwich, Londen waxa ay u aragtaa gabarteeda mid hibo ah.
“Midabkeedana micno iiguma fadhiyo, waayo waa cunug qurux badan, waana jeclahay” ayeey tiri hooyada gabartaan cajiibka ah.
Gabartaan waalidkeed waxa ay u bixiyeen Nmachi oo micnaheeduna ku yahay luuqada Negerian-ka quruxdii Eebe “Beauty of God”. Ben oo ah lamaanaha hooyada gabadhaan ayaa aduunyada u cadeeyey in uu xaaskiisa ku kalsoon yahay. Hadii aysan isaga xushmayna uusan gebertaan u dhalatay weligiis u arki doonin mid aan ahayn ilmihiisa.
Professor la yiraahdo Bryan Sykes ayaa u arka dhacdadan arin aan caadi ahayn. Wuxuuna sheegay in sinjiyada waqti hore ay dib u soo noolan karto taasina ay tahay arinta gabartan ka duwaneysiisay labo ilmood oo la dhashay iyo waalidkeed.
Hadaba aqristoow hadii arintani ku dhacdo maxaad yeeli lahayd?
Fiican Omar
Ladaneey Magazine
Adiguna ka dhiibo rayigaaga maqaalkan!
Related posts:
- Dhacdo la yaab leh oo ka dhacay magaalada London Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaaladda caasimadda ah ee London,...
- Dhacdo la yaab leh oo ku saabsan wiil iyo gabar la isu diiday Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho,...
- Sideed u aragtaa hadii qofka aad nolosha la wadaagayso dhibsado waxa aad jeceshay? Marka hore waxa aan salaamayaa dhamaan bulshada ku xiran shabkada...
- Maxaad ka ogtahay dhambaalada jacaylka ee waaraya? Dhacdadan xiisaha badan waxa aynu kaga waramaynaa xusuusaha iyo waraaqaha...
- Waxa aan idiin la galmoonaa in aan madaxa ku dejisano Rag badan ayaa aaminsan marka ay gabadhi galmo la samaysyo...
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.




Wax macquul ah maha in laba qof oo madow ah oo labadooduba ay ka soo jeedan dad madow dhalan ilmo “CAD”. Haday aniga igu dhacdana bartaas ayaan ku furi lahaa qofta waddankana waan ka haayiri lahaa waayo barnamba qoftan ma noqon karto ilmahayga. Balse intaan kahaajirin ama aanan ka tagin waan caawin laha, ka saari lahaa umusha waxaanna ogaan lahaa in ilmuhu uu xanuun unugyada iyo jimsiga qaarkiis uu lahayn ama ku baddan yahay. Tusaale, timiha cad waa cudur ka yimaada jimisiga qofka oo aan lahayn unugyada ka dhigga timiha badow, casan, iyo midibka ku haboon ilmaha, kas oo uu ama ay ka dhacli karto waalidka. Balse hubaal waan furi lahaa waanna ka tagi laha waayo markiiba DNA ayaan horan laha hala iga qado, mana dhacayso inaan dhalo ilmo sas oo kale u cad xadaa hadii naaqtaydu ay cadaan tahay. Sallama
asc waan idiin salaamy taasi maahan mid lala yaabo waayo maadaama eey tahay mid ale xagiisa eey tahay oo kucamal tusaayo alaawey wax walibane asigaa awoodo okbaaaaaaaaaaaaaaaaayyyyyyyyyyyyyyyyyy