Sheeko dhexmartay gabadh iyo aabaheed
Jul 28th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, JacaylkaSamiira Cali waa gabar u dhalatay dalka Soomaaliya, waxaana sheeko layaab leh ay dhex martay iyada iyo Aabaheyd, Samira waxay aheyd gabar wanaagsan misana ka soocneyd gabdhaha qaar ee soomaalida.
Xilligii ay Samiira soo gaartay 19 jir ayuu aabaheed ku yiri, “ waxaan doonaayaa inaan kuugu daro nin, ee waa inaad ogaataa, misana aad diyaar garowdaa” Samiira ayaad aad u carootay misana ooyin dhulka la-dhacday.
Waxayna ku tiri aabaheyd “aabe maxaad nin igu dareysaa, aabe weli waan yarahay, ee aabe waan ku baryaayaa ee nin ha’iiguurin, aabe ima jeclid miyaa” hase ahaatee odaygii dhalay ayaa taasi ka madax adeegay, isla-markaana wuxuu ugu jawaabay “aabe hadalka aad maanta ileedahay, maalin kale ayaan ku siin doonaa jawaabteeda”.
Samiira Cali waxaa lagu daray nin ay qaraabo hoose ahaayeen, isla-markaana waxay degnaayeen magaaladda Marka ee gobolka Shabeelaha hoose, aabaheydna wuxuu degnaa degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.
Xilli ay kasoo wareegatay 5 sano, misana ay Samiira heysato dhowr caruur ah, reerkeedana si wanaagsan u dhaqaneyso, ayaa waxaa booqasho ugu yimid aabaheyd, wareysi dheer kadib ayuu aabaheed ooyay, kuna calaacalay “Aabe ina keen oo i raac, Aabe kaama maarmo oo waxaan rabaa inaad ila noolaato”
Samiira Cali ayaa aad u yaabtay, kuna jawaabtay “aabe sideen kuu raacaa, soo ma’aragtit inaan ahay Marwo uu nin qabo, misana heysato dhawr caruur oo yar-yar ah”.
Mmarkaas ayaa odaygii intuu qoslay ku yiri, “su’aashii aad hada kahor i waydiisay jawaabteeda waa taas”
dhacdo:com
Adiguna ka dhiibo rayigaaga!
Related posts:
- Sheeko xiiso leh oo dhexmartay Nasrudiin iyo ninkii uu warqada u akhriyay Nin ay daris ahaayeen Nasrudiin ayaa ula yiid wrqada ...
- Sheeko dhexmartay Nasrudiin iyo xaaskiisa Habeen habeenada kamid ah ayaa oday Nasrudiin iyo Xaskiisa oo...
- Aabe khamaar looga helay gabadh uu dhalay Waxa wadanka India ka dhacday arin warwar iyo naxdin...
- Sheeko gaaban: Maxaa iga qabsaday qaad – qaybta 1-aad Waa duhur qoraxdu korkayga ayay qotontaa, falaadheheeda dhinbiisha ka kululina...
- Qiso yaab leh oo ka dhacday Mombasa – Kenya Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaalo Xeebeeta ee Mombasa, kuna...
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.




Laga yaabee in oday waalid ah uu ku daro wiil gabadhiisa ama uu u doono wiilkiisa gabadh. Balse, waxaan anigu kasoo horjeeda dhaqankan qalifsan oo gabadh lagu daro wiil aysan waligeed arag ama shukansan ama aaysan la kaftimin, dhuuxin ama u kuur galin dabeecadiisa.
Waa arinn foolxun in odayaasha Somaliyeed ay doqa gabadha ku cayaraan. waayo, reer kuma dhisna isu galmood balse is’aamin, isfahan, iyo is’ogaansho labada qof oo is doorta iskuna kalsoon.
Waa in la mamnuucaa dhaqankaas, walow uu talo siinkaro odaygu gabadhiisa oo orankaro ama ku boorin karo wiilkas waa wiil wanagsan ee ma ku siiya.