100 ka jaamacadood ee adduunka ugu fiican oo markale Maraykanku hogaaminayo

Aug 14th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Nolosha

pics from: cies.us

Liiska kala hormarinta jaamacadaha adduunka ugu fiican ee sannadka 2010 ayaa maanta lasoo saaray. Liiska waxa markii siddeedaad oo isku xigta hogaaminaysa jaamacadda Harvard ee Maraykanka ku taalla waxana ku xiga jaamacadaha California Berkeley iyo Stanford oo ku kala jira kaalmaha labaad iyo saddexaad.

Dalka Boqortooyada Ingiriiska ayaa jaamacaddiisa Cambridge ku jirtaa kaalinta shanaad, waana tan ugu horraysa jaamacadaha Ingiriiska, halka ay jaamacadda Oxford ka gashay kaalinta 10aad oo ay tahay sannadkii 5aad ee ay kaalintaas gasho si isku xigta.Labadan jaamacadood ee Ingiriiska ah oo keliya ayaa ku weheliya jaamacadaha Maraykanka 10-ka kaalmood ee ugu horreeya.

Maraykanka ayaa boqolka jaamacadood ee ugu tayada fiican caalamka ka helay 55 jaamacadood, Waxa ku xiga UK oo leh 11 jaamacadood, Japan oo 5 ugu jirto, Sweden, Canada iyo Germany waxay leeyihiin min 4 jaamacadood oo nasiib u helay inay sannadkan ka mid noqdaan 100 jaamacood ee caalanka ugu fiican.

Liiskan jaamacadaha adduunka ugu fiican waxa soo diyaarisay oo maanta daabacday jaamacadda Shanghai Jiao Tong University ee dalka Shiinaha. I2 kun oo jaamacadood ayaa sannad walba la qiimeeyaa waxana lasoo bandhigaa 500-ta boqol ee jaamacaadood ee adduunka ugu fiican sannadkaa.

Sannadkii 2009, 67 ka mid ah boqolka jaamacadood ee ugu horreeya waxay noqdeen kuwo ka dhisan dalka Maraykanka, halka 13 ay ku yaaleen Ingiriiska, Dalka Japan waxa sanadkaas uu ku yeeshay boqolka jaamacadood ee dunida ugu horreeyaa shan.

Haseyeeshee sannadkan waxa kor uga soo kacay kaalimihii ay sannadkii hore kaga jireen boqolka jaamacadood ee ugu fiican dalal badan sida jaamacadda Australia ee Melbourne oo kaalinta 62 soo gashay halkay sannadkii hore kaga jirtay kaalinta 75aad.

Qiimayntan waxa lagu eegaa dhawr arrimood oo halbeeg ahaan loo isticmaalo, waxana ka mid ah: Tirada barayaasha iyo ardayda ka tirsan ama ka qalin jabiyay jaamacadda ee la guddoonsiiyay abaal marinta caalamiga ah ee Nobel.Tirada maqaalada ku saabsan dabeecadda iyo sayniska ee ardayda iyo barayaasha jaamacaddu ku qoraan jaraaidka caalamiga ah, tirada cilmi baadhista jaamacaddu ka samayso 21 maado oo qiimaynta ka mid ah, iyo qodobo kale.

Qiimayntan ayaa ah mid xoogga lagu saarro dhanka cilmi baadhista. Waxana markii ugu horraysay ujeedada loo aas’aasay ay ahayd in jaamacadaha Shiinaha lagu qiimeeyo oo lagu ogaado halka ay adduunka kaga jiraan, balse sannadihii u danbeeyey qiimayntani waxay noqotay mid caanbaxday oo dunida oo dhan laga xiiseeyo.

Dhanka kale khubaro badan oo dhanka daraasaadka iyo qiimaynta ku xeel dheer ayaa ku tilmaamay qiimayntan mid adag oo aan dalal badan duruufaha ka jira la tisqaadi karin. Hase yeeshee kooxda samaysay qiimayntani waxay sheegayaan inay waxyaalo badan khafiifiyeen sannadkan oo ka mid ahaa qodobada ay wax ku qiimaynayaan kadib cabashooyin muddadii sannadka ahayd kasoo gaadhay jaamacadaha adduunka.
somalilandedu.com

Adiguna waxbaro oo dadka waxbar, raac kuwa waxbaranaya iyo kuwa waxbartay si aad wax ubaratid. Ugu dambayna waxa aad noqonaysaa qof wax bartay.  Waxa ugu muhiimsan marka aad waxbaratid in aad ogaato in aad markii hore wax ogayn oo aad hada waxbartay. Walina ay kuu dhimantahay in aad wax kale baratid.

Halkan hoose ayaad kaga dhiiban kartaa rayigaaga qoraal.

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

One comment
Leave a comment »

  1. ramadaan kariim bahda ladaneey sida aad udhan tihiin waxan aad ugu farxi lahaa jamacado somali ku yala oo kaal maha hore gala lakiin madhicin waxan leeyahay dhalinta somali yeed dadaala xaaji cabaas wuu gaara mar yaan lagu mashquulin balwad wa in inta aad yartay ka faa ideysataa fursada ku soo marta ee wax barasho waad mahad san tihiin mahda ladaneey
    waxana ka mid ahay dhalinta sida weyn idinku xiran

Leave Comment


Ad