Galmada raga iyo dumarka oo la xisaabiyay inta ay nool yihiin

Sep 21st, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Jacaylka

pics from: .trulylovable.com

Hadii aad u malaynaysay in uu sayigaagu yahay mid ku deg deg badan sariirta oo aan shaqada si badan uga soo bixin bal hada marka aad xisaabiso inta jeer ee uu qof noloshiisa galmo sameeyo ayaad yaabi doontaa.
Baadhitaan lagu sameeyay wadanka England ayaa waxa lagu xisaabiyay inta uu qofku noloshiisa oo dhan galmo sameeyay. Wax lagu soo saaray xiasaabta in ragu celcelis ahaan ay galmo sameeyaan waqti ah 49 maalmood, 13  saacadood iyo 14 daqiiqo inta ay nool yihiin. Sidaasna waxa soo warisay, themirror.co.uk. Markaa ma xumo dadaalka xaajigu.

Galmada raga oo ka badan dumarka ayaa waxa ay tani ka dhigaysaa in ay celcelis ahaa ay galmo sameeyaan ragu 52 maalmood, 8 saacadood halka ta haweenkuna y qaadato 47 maalmood, 3 saacadood iyo 36 daqiiiqo.

Marka loo eegay mid ka mid ah xayawaanka duurjoogta ah oo ku nool waqooyiga yurub ayaa waxa uu celcelis ahaan howsha tarnida sameeyaa 19 saacadood noloshiisa oo dhan. Qaar ayaa ilaa 30 daqiiqo howsha waday, qaarna 5 daqiiqo ka badan awoodin.

Clare Kett oo ka socota Lloyds Pharmacys ee internet-ka ayaa oo ku samaysay  baadhitaanka 2000 oo qof ayaa waxa ay sheegtay in dadka baadhtiaanka ka qayb galay aad u kala duwanaayeen.
Waxa kale oo ay sheegtay in kuwa aan aad u xiisayn galmada ay galmo sameeyeen 1 maalin iyo in ka yar maalin badhkeed intii ay noolaayeen, halka kuwa kalena ay ahaayeen kuwa aad u firfircoon oo sameeyay galmo in ka badan 170 maalmood.

Safiya Ahme
Ladaneey Magazine

Adiguna rayigaaga kaga dhiibo halkan hoose!

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

2 comments
Leave a comment »

  1. Marka hore salaan, aad baad u mahadsantahay ayan leeyahay qofka soo qoray maqaalkan ka faaideysiga wacan iyo dhamaan bahda ladaneey.com

    Runti aniga oo cabiraayo fikirkeyga ku aadan maqaalkan  wxan dhihi laha arintaaan yaraanta ragga dhinaca galmada lagu sheegaayo wa mid khaldan o marin habaabsan sababta oo ah.

    1. aniga ahaan noloshayda wa bilaaw o ma,aan guursan walina ma arag xaqiiqdii GALMO o 20jir ayaan ahay wxana aaminsanahay in an kaso baxay xiliga kuriinka, balse hada wxaan diyaar u ahay in an guursado
    aniga o ku kalsoon kartida nafsad ahaan iyo hilawga an u qabo in an sareer la koro xaaskeyga isla markaana aan siiyo qancin GALMO o aysan arag nolosheeda mana aaminsani in ay kala go noqon doonto(insha alah)……kaba soo qaad qiyaas ahaan qofka cimrigiisa caadiga ah waa ilaa 90jir….MARKA LADANEEY AMA QOFKA MAQAALKAN QORAY IMISA SANO AMA MAALMO IYO SAACADOOD AAN LA WADAY GALMO JOOKTA AH CIMRIGEEYGA XAASKEYGA?????????…………xaqiiqdii aad ayay ugu badantahay xisaabta la sheegay ..

    2. wa macquul horta xisaabtan galmo ay ragga ka sheegayaan balse sida aan aaminsanahay ma,ahan ragga somalida iyo dalal badan oo caalamka ka tirsan sida afrika …lakin tirikoobku wxa uu ku koobanyahay kaliya qaarada yurub o inta badan ka dhaqan ah xili danbe in ay guursadaan.

    marka 49 maalmood, 13  saacadood iyo 14 daqiiqo inta ay nool yihiin ma dhici karto.

    mahadsanidin

  2.                             asc

    49 maalmood miyey wax u tageen oo naloshoodi ah ,maxaa loola jeeda arinkaa noo faah faahsha fadlan bal, raggu isbuuci ismasa jeer bu xaaskiisa u tagaa ?mala waydiiyey waxaan anigu fahmi maye ,

Leave Comment


Ad