Cabitaanka biyuhu waxa ay yareeyaan gabowga maqaarka
Sep 22nd, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, QuruxdaErayga biyo ayaa ah eray soomaliidu leedahay laakiin marka laga hadlayo cilmiga sayniska ayaa erayga “bio” ee luqada laatinka macnaheedu yahay nolosha. Biyaha ayaa ah wax noole oo dhami u baahan yahay. Noloshuna jiri karin biyo la’aan darteed. Biyahay ayaa aad ugu muhiim ah caafimaadka bani’aadamka. Hadaba waxa kale oo biyuhu qayb wayn ka qaataan quruxda qofka.
Waxa shirkada Q Media ee ku taal wadanka England, baadhitaan ay samaysay ku sheegtay in hal ama hal iyo badh litir oo biyo ah uu qofku u baahan yahay in uu maalintii cabo si uu jirkiisu u qurux badnaado.
Duamarkii ka qayb galay baadhitaankan ayaa waxa ay mudo 8 asbuuc ah cabayeen biyo. Waxa cabitaanka biyaha ka hor iyo ka diba lagu sameeyay dumarkan wajigooda baadhitaan, ayada oo la adeegsanayo farsamo gacmeed aad u heer saraysa si loo ogaado isbedalka wajiga ku yimid.
Baadhitaanka socday 8-da asbuucna waxa lagu arkay in dumarkii maalin kasta biyaha cabayey uu gabowga wajigooda ka muuqday oo hoos u dhacay boqolkiiba 19.
Baadhitaankan la sameeyay ayaa waxa howlgalkiisa ka dambaysay shirkada la yiraa Willow Water oo samaysa biyo la cabo, oo ay ku jirto walaxda salicin oo marka uu jirku qaato isu bedesha salicin ogsejiin wadata, walaxdanina waa mid inta badan ku jirta kareemada jirka la mariyo.
Dadkii lagu samaynayay baadhitaanka ee cabey biyaha Willow Water ayaa boqolkiiba 24 maqaarka jirkoodu fiicnaaday. Laakiin waxa jira khuburo aan arintan wali ictiraafsanayn.
Mid ka mid ah khuburada aan ictiraafsanayn oo la yiraa Nick Lowe, kana tirsan Cranley Clinic i West London ayaa u sheegay Daily News in ayna biyuhas wax lug ah ku lahayn uumiga jirka ka soo baxa ee u fiican maqaarka.
Saynab Yusuf
Ladaneey Magazine
Adiguna ilaasho quruxda jirkaaga!
Halkan hoose kaga dhiibo rayigaaga!
No related posts.
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.







wlhy waa wax la rumaysan karo waayo biyuhu waa waxa kaliya ee nolosheenu suurta gal ku noqoto biyo la,aanina waa nolol laan markaa way dhici kartaa inay qayb ka qaadtola dagaalanka gabowga ama ay quruxda qofku ku sii kobocdo
waaaaaaa sax biyuhu waa furaha nolosha marka wey qur xin kartaaaaaaa jismiga bini aadam ka ama ka ilaaliso gabawga
haa waruntin sxb oo anjamacad wada dhigano oo markisi hore lahanjiray waji qalalan subax kasta biyo aan qiyas lahayn ayu caba hadana wajigisa wuu dhalalaya haa