Sheekooyinka ay dumarku jecel yihiin in ay raga ka maqlaan

Oct 5th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Jacaylka

pics from: travel.webshots.com

Nolosha wanaagsan ee qoysku iyo jiritaankiisu waa mid u baahan daacadnimo, niyad wanaag iyo dhaqan wacan oo xilikasnimo ay ku jirto. Taasi oo laga doonayo in ay ku dhaqmaan labadda qof ee lamaanaha isu ah.

Haddii aad rabto in aad nasiib u yeelato in uu jacaylkiinu noqdo mid waara, ha dhaliilin lammanahaaga, ha u soo jeedin wax dhaliil ah, hana canaanan. Haddii khalad idin ka dhex dhaco adiga iyo lammanahaaga si degenaani ay ku jirto isku daya in aad ku xalisaan.

Hadii aan u daadagno nuxurka hadalkeena, sheeko noocee ah ayay gabadhaadu ka heshaa? Waa su’aal ay adagtahay inaad ogaataa, waayo waxaa laga yaabaa inaydaan isku waxba ka helin. Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa inay iyadu ka hesho sheekooyinka madadaalada iyo filimaanta musalsalka ah.  Adiguna laga yaabaa inaad ka hesho wararka iyo dhacdooyinka dunida.

Hadaba maadaama oo aad guri ku wada nooshiin, wakhtibadana wada qaadanaysaan kolay waa inay meesha timaadaa sheeko ka duwan tii usbuucii hore aad ka sheekaysay. Taa micnaheedu waxaa weeye sheeko cusub ayaa lagaa rabaa. Sheekaysiga iyo faro ka ciyaarka u dhexeeya lamaanaha ayaa qaybwayn ka qaadata kobaca jacayl. Hadaba maxaa kula gudboon inaad ka taxadarto?

Majecla dumarku inay maqlaan ninka oo ka sheekaynaaya hadii yaraantiisii mid ay saaxiib ahaayeen uu lagday ama yara sabaaxadeeyay.Dumarku had iyo jeer way kasoo horjeedaan astaamahan fulaynimada muujinaya in ninkoodu ku sifoobo. Dumarku intabadan majecla inay kaa maqlaan amaanta gabadh aad yaraantiinii xidhiidh wada lahaydeen.

Sida badanaa dhacda, ragu waxa uu diirada ku hayaa waxa ka dhacaaya aduunka iyo dunida muslimka. Waxaa iska dhacda in rag badini inta badan ay dumarkooda uga sheekeeyaan arimaha Falastiin, Ciraaq iyo Maraykankii inta laga laayay, Baakistaan iyo qaraxyada lala beegsanaayo iyo Afqaanistaan iyo NATO  waxa kala haysta. Waa hadii uu yahay oday caalamka la socda ee.

Hadii kalana waxaa laga yaabaa inuu ka sheekeeyo inay maanta reer hebel shir la yeesheen oo magtii badh laga daayay, mid yar oo la dakhray ay lacagtii baanta uqaadeen, reerkooda loo magacaabay wasiir, halka reer hebelna agaasime loo magacaabay.Waxaa laga yaabaa inay haweenaydu sheekadan dhibsanayso isna aanu dhaadanayn.

Waxa ay jeclaan lahayd in iyada nafteeda laga sheekeeyo; inay tahay qof labiska ku soo baxda, cuntaday karisay maanta inay tahay mid aan hore loo arag dhadhankeeda iyo damcadeeda.Hadii uu jiro shaadh ay sifiican u kaawiyadaysay iyo shaaha ay kariso mooyee shaah kale udhadhamin.

Waxa ay jeceshahay in aad uga sheekayso waqtiyadii quruxda badnaa ee aad soo marteen bilawgii guurkiina, ka hadashaan hadii ay jiraan qorshayaal in aad dalxiis meel uun ugu baxaysaa. Ninku waa In uu u sheego oo ku amaano haddii uu arko guriga oo nadiifa oo tilmaamo in ay inay gaari tahay.

Raga intooda badani ku ma dadaalan inay gabadha farxadeeda joogteeyaan. Waxaa laga yaabaa inay ku adagtay inuu xaaskiisa udhaafo dhambaal yar oo ay ku qorantay “I love you” ama waan ku jecelahay. Dhambaalkaa yar ayaa haweenayda ugu fadhiya macno wayn.Halka kuwo kalakan ku guul daraystaan inuu xaaskiisa macaan, xabiibi, gacaliso ku yidhaa ama magaceeda oo saddexan ugu yeedho. Halka raga qaar ay kuba adagtay inay dumarkooda dhunkadaan, hadalkalooda fiicani haba joogee.

Waxaad ogataan weji furnaanta,qosolka iyo faraxadda badan ee idin ka dhaxeysa in uu saldhig u yahay jacaylka dhabta ah ee waara. Hadaba mudane aan kuu dhaafo su’aashanee, adiga oo qosli kara, isla markaana si faraxad leh ula ciyaari kara xaaskaaga, maxaa keenaya weji xidhnaan sababi karta burbur ku yimaada qoyskiina?

Xamse Suldaan Aden Faarax
hadhwanaag.com

Adiguna ka dhiibo rayigaaga!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga!

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

7 comments
Leave a comment »

  1. hayaaaaaaaay! manala garanayaan dumarka somalidu illeeen dumarka le soo amaahan mayneee ,mise waxay dhahayaan kani aduu dad kaa yaqaana dalla madiina kkkkkkkk ee sida adoonka uhayso kuna shaqayso waxkastana ku dhib ileen wuu ku jecelyehee oo sida dhulka ugu dul soco .
    waan ogahay in intaad shektayba ay runtahay lkn ,dhaqanka aan haysto waa kii aabahay iyaduna waa kii hooyadeed ,marka masuurta gali kartaa inay igu shumiso iyadu ama aan ku shumiyo anigu mel dad badani joogaan ama xaflad ah ?jawaabtu waa maya ee way xishoon ,marka taaasi waa dhaqan ,iyo waliba inay gabadhu iga xishooto xilli kasta aan ka ahayn marka dhib tirsanayso ama ay dagaal rabto inay igu qaaado , intaas waa loo qanabe yaa damaanad qaadaya inaynan dhahaynin kan waa lagugu sixray kkkkkkkkk??ama aduu sanka kaaga tolanyahay oo indha kale malahan  aysan dhahaynin ?somali hadaynu nahay waynu isnaqaaanaa calaacalka halla jojiyo qool iyo budh ayay ku islaamaan dumarka somalidu kuwa kale ma ogi ani ahaaan lolz,,,, ee isfahankaas waxaa kahoreeya ,ixtiraaaaam,jacayl,dadka oo noqda, like one part of body, aynan ka xishoonin xiliga farxadda iyo xilliga sariirtaba iyo waqtiyada ay dad lajogaanba
     

  2. wooooow  mashalah  walaahy  waa  soo  xaaaaaax  mashalah  i hope  in  ninkeeyga  uu  saas  camal  iigu  sheekeeyo  ii  koolkooliyo  walah  adoontiisa  camalaa  noqon  lahaa  omg……..mar dhow  ayaan  is guursanaynaa  wiil  somaliyeed  oo  sharaf  leh  so  waxaa  rajaynayaa  inuu   noqdo  mid  aad  u  macaan  dhinac  walba  iga  farxiya,,,,,inkastoo  hadaba  macaankiisa  io  sonkortiisa  io  malabkiisaba  ii  muuqdo  mashalah…mid  kale  somalida w axan ka  codsanayaa  inay  kala  bartan  ERAYADA  kala  ah  (Xbiibtii) iyo  (Xabiibii)  oo  kala  ah  male  and  female!!! xabiiibii  waa  ninka  xabiibtii  waa  naagta  saas  u   barta   khayr  ala  ha  idin  siiyee!!!

  3. asc bahda ladaneey  iyo qoraagaba  salam hadaan kahadlo rayigayga ma soomaali mise dunida kale  somaali waa dad ad adag oo  madax adayg  jahli u badan erayga meesha ku qoran waa sidee ukasbankartaa lamanataada or lamaankaaga , aduunka  wuxuu ku tilmaamaa fun laqaato in lawada cunteeyo lawada karsado lawada shekaysto film lawada daawado shopping lawada aado  iwm, hadaba somali maka bixi kartaa midaas?jawaabtaydu waa maya! 10% rag iyo dumar lagayaabaa ianay sameyan cuz ilbaxnimada iyo waaya aragnimada dheer ay leeyihin ama soo arkeen nolosha dunida tal , marka nolashaad ladaristahay haka dayrin waligaa aan dhihilahaa soomaalaay by qadar
     
     
     
     
     
     
     
     
     
     
     
     
     
     
    7

  4. @ QADAR YARE ninkaan  soo  qaatay,,, plzz  soomalidu  cid  niyada  ka  jabisa oma  baahnee  haka  jabin  dadka  niyada  cakuya  reer  xamar  iyo  doqonimadoodee!!!!! afsoomaaligana  soo  baro  intaada  wax  soo  qorin  fadlan!!!!!!! soomali  dad  aan  caalamka  laga  heli  karin  baa  ka  buuxa  hadaad  adigu indho  xiran  taahay  dadka  ha moodin  adoo  kale!!!  thnxxx

  5. kkkkkkkkkkkkkkkkk mansh allah wa maqaala beelo ah oo u fiican in sida uuyahaye loo qato soomali waajirana ku reer magaala ah u sifiican isula dhaqana oois ixtiraama oo si fiican uwada sheekayeta hadan dhan bay ka bukaa oo hadii la arkonin naagtiisa jecel oo wax kasata u keena oo aan ka ag dhaqaani wakhtiga uu firaaqdahayeseto wxaye dhahayaana waa ay sirxataye uu u sirxanayahaye hadii la arko nag daacada ah oo ninkeede jecel ama tix galisa oo u sheekayesa oo imtihiaan siisa oo si fiican u xidida ama ilaalisa wax la dhahayaa waa uu sirxaye waa madiidayetey wax baa loo qabataye marka soomalida marna amaan lagama helo waxan dhihilaha raga dumarkiina qadariya oo muhiimada koowaada siiya dumarkun si doo ake ay raguuda si ficaan u ixtiraaman u maqalaa ugu baari nuqudaana

  6. asc  iam back again walaashey puntland girl hadii aan ujeedka hadalkaaga hooriskiisa dabgalo horta waxa tiri soomali baa xodxodasha iyo hadal macaani leh, taas hal yar baa lagaa yiri soomaalida hormuudka ah hanaankiyo wnaaga kugu hawl baxaysa xagee ku hoydaan?midakalese waxse lagaa yiri soomaali kuhadalkiisiyo hooyguu ka soo arooray waa haydaartaydee bal iyadna garo, halse aan kuugu sii daro hamar waa halkii wacnayd iyo hawadii udgonayd hadaaq xun ma istaahisho by qadar

  7. sxbyaal  dhmaan tiin waan idin salaaamaya qoraaga iyo dhalinta kale ee calf doonka  ee soo booqday webkaan hadaaan mid ku darsado hadalkiina  ummadka kasta oo aduunka ku noool  waxay leedahay dad xun iyo dad fiican  sidaas si laida somalidu waa qomiyada kamida aduun waynaha  ee ogaad waxaa ku jira dad wax fahansan iyo dad aan wax faham sanayn  tan kale in lays afla gaadeeyo ma fiicna sida walaashay ay kutiri caku ye reeer xamar anoon ahay reer xamar baan hadana ka xanaaqay hadalkaas  plzzzzzzzzzz   raali galin ka bixi adoo ku hagaa jinaya qadar yare ………………..

Leave Comment


Ad