Bar ninkaaga sida aad rabtid in uu kuugu raaxeeyo

Oct 7th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Jacaylka

pics from: bharattube.com

Bani’aadamku waxa uu markasta u baahan yahay in uu wax ka barto si uu horunar uga gaadho arimo badan oo khuseeya noloshiisa. Marka ay tahay xidhiidhka ka dhexeeya lamaanahya ayaa waxa uu u baahan yahay in markasta hore loo mariyo.

In uu xidhiidhkaasi ahaado mid xiiso badan leh oo jacaka ka dhexeeya lamaanaha ka dhiga mid waara. Lamaanaha kor u qaada aqoontooda ku saabsan sida ay ugu raaxayn lahaayeen ayaa ah kuwo jacayl iyo farxad badan ku nool. Waxa uu mid waliba dareemaa sida uu ka kale ugu qanacsan yahay.

Baadhitaan la sameeyay ayaa waxa lagu ogaaday in hablaha da’doodu u dhexayso 18 ilaa 29 ay ka haystaan aqoon fiican kulanka ka dhaca qolka sariirtu taal. Halka raguna ay yar tahay aqoonta ay ka haystaan qolka raaxada.

Mar hadii ay fududayn in aad u sheegtid ninkaaga sida aad doonayso in uu kuugu raaxeeyo, ayna adag tahay in la iskala hadlo sidii aqoon ku saabsan galmada loo wada baran lahaa ayaa waxa maqaalkan aan ugu tala galnay in aad u sheegtaan ragiina si ay u akhristaan. Waana maqaal aad u anfacaya jacaylkiina iyo ragiinaba.

Hadaba waa kan maqaalka uu ragu akhrisanyaan si ay horumar uga gaadhaan raaxada ay la samaynayaan dumarkooda.

Baashayska
Marka ugu horeysa in natiijo fiican laga gaadho qolka sariirtra ayaa waxa muhiim ah la isla soo galo ayada oo aad loo soo kulalaaday. Baasheynta (dhunkashada iyo salaaxa) ma aha in ay noqoto mid marka sariirta kor keeda oo kaliya la isku arko la sameeyo. Laakiin waa in ay ahaato mid tusaale ahaa la sameeyo subaxdii marka la kala tagayo oo shaqo iyo arimo kale la aadayo. Taas oo xaasjaaga ku bilaabaysa in ay ayada oo dareen kuu qabta shaqadeeda aado.

Faa’iidada ku jirta dareenka aad ku tustay dhunkashada iyo salaaxida ayaa waxa ay kuu arkaysaa in aad tahay mid markasta xaaskaaga raba oo jecl. Halkaasna waxa aad ka arkaysaa natiijada ka soo bixi doonta.

Dareenka jirka dumarka
Jirka haweenka waxa uu leeyahay meelo aad u dareen badan, laakiin nasiib daro lama ay soo dhalan haweenku buug ay ku qoran yihiin meelahaasi. Markaa waxa haboon in aad baadhitaan ku samaysid si aad u hesho meelaha xaaskaagu ka leedahay dareenka badan. Sida ay u muujiso dareen ayaad ka fahmaysaa in ay ku raaxaysanayso. Markaas ayaa waxa aad ogaanasysaa in aad wado fiican cagta saartay. Qalabka aad adeegsanaysaana si aad u hesho meelahaa aad raadinayso ee dareenka badanina waa dibnahaaga, carabkaaga, farahaaga iyo gacmahaaga.

Natiijaduna waxa ay noqonaysaa hooba hoo bay leedahay.

Kala bedbedel noocyada galmada
Galmo kala duwan oo noocyo badan leh waxa ay keentaa raaxo badan, laakiin galmo hal nooc oo kali ahi waxa ay keentaa xiiso jab. Mararka qaar waxa fiican in saacado la wada raaxaysto halka mararka qaarna mid gaaban oo deg deg ahi xiixo badan leedahay. Isla markaana waa in uu kolba qof ahaado ka firfircoon ee shaqada aad u wada halka ka kalena ka yahay mid degan.

Natiijaduna waa idinka oo hela galmo leh macaan, raaxo iyo xiiso badan, kana badbaadaya galmo hal nooc oo kaliya ah.

Ogow waqtiga aad joojinayso galmada
Waa in aad joojisaa marka ay dhamaato, ragga qaar ayaa waxa ay u maleeyaan sii wadida galmadu mark ay dhamaatay in ay tahay mid fiican. Dhab ahaantii waxa ay rabtaa xaasku in aad sii wadid galmada in ay ka biyo baxayso, ka dibna jooji. Waxa kale oo muhiim ah in uu ninku xusuusnaado in mararka qaarkood galmadu ahaan karto mid si dhaqso ah ay xaasku u biyo bixi karto marna ay qaadato waqti dheer. Marka ay dhamaatana waa in hab la isa siiyaa, la isa sii shumiyaa oo aan la kala cararin.

Natiijada aad ka helaysaana waa adiga oo ogaanaya in mararka qaar uu qofku hore u biyo bixi karo mararka qaarna uu waqti qaato. Adiguna aad iska yarayso culayska ah in aad ahaato nin ku fiican galmada oo wadi kara saacado badan.

Raaxada bacda galmada
Mahadsanid macaan. Si kasta oo aad u daasheen ayaa waxa muhiim ah galmada ka dib in aad ahaataan kuwa isu sii raaxaynaya.Cilmi baadhis la sameeyay ayaa waxa lagu ogaaday in raga qaar hurdo qabato galmada ka dib. Hadaba xaaji si aanad u seexan markasta oo aad xaajiyada sariirta isla aadaan waa in aad kula la raaxaysataa xaaska xiliyo kale duwan.

Natiijada raaxada bacda galmada ayaa ah jacaylkiina oo aad u sii xididaysanaya iyo waqti macaan oo aad isla qaadanaysaan.
cosmopolitan

Adiguna sideed ugu guulaysatay in aad xaajigaaga ka heshid raaxada aad rabto?
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga.

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

11 comments
Leave a comment »

  1. lamaanuhu maaha kuwa isku guursada  un inay ubad kala helaan inay raaxaystaan ayu Alle ugu tala galay. marka hadiiba nolol lawadaagayo ninka iyo nagtu waa isku maro ninka maradiisa wa xaaskiisa iyadana sidoo kale so wax badan oo rabitankooda ah ha ahaadaan wax walbe inay kawada munaaqashoodaan waa lama huraan.

  2. raaxada sariirta ayaa waxaad moodaa inay soo badanayso fahankeeda.taasina waa sabab la xariirta dadkii oo  akhriskii badiyay. run ahaan waa mahad san yahay qoraaga soo bandhigay casharkaan, si dadku uga helaan casharo kamaqan.
    intaas waxaan ku dari lahaa, dumarka WAXay ugu dareen badan yihiin intaan aqaan waxaa ka mid ah:
    naasaha
    bishimaha
    qoorta
    dhagaha
    cagta hoose
    boodyahay
    tinta oo aad faraha galgaliso
    calaacasha
    iyo inbada oo aan hada xasuusan.
    Nin tuur leh siduu u seexdo asaga yaqaan.

    Garyaqaan

  3.  su aal, horta walaalayaal arimahan  in  laga sheekeeyo diinta islaamku ma qabtaa haday qabto  waa sax? 
    laakiin muqaalka in laga daayo sow ma wacna? 
    hablahu waxay dareenka ka qaataan dhowr meelood,  horta somaalida gurigeed baa bay. 
    Waxaa hada ka hor dhacday inan ama wiil qurbaha ka yimi baa waxaa loo aroosay gabadh ay qaraabo yihiin oo miyi ku nool.  Aqal weyn baa miyi looga dhisay.

    Gabdaha wiilka abtigii baa siiyey.  Wiilku waa wiil rer magaalo oo wax u bilaaban yihhin, laakiin gabadhu waa alaheed alle. Waligeed aragti iska daaye  xitaa sheeko galmo meel lagu hayo may arag. Markii ay noqotay xabaal iyo ninkeed la isaga dareer ayuu inankii bilaabay inuu baasheeyo ama dhunkado xaskiisa.  Maxaase ka raacay? Markii uu afka lasoo aaday bay tiri “alla ba’ay oo hoogay”,
    ma afkaygu ursanayaa? Waar iga leexi afkaaga! 
    Markaas buu yiri, ” maya macaan, eee waa ku dhunkanayaa”:
    Markaas bay tiri, “Macaan ha i oran ee inaabti baanu isu nahaye”
    Markaasu yiriw, “Walaal afka waa la iska dhunkaada, la iska dhuuqaa” Isagoo isleh bal ina aad dareento xoogana dareen macaan  ayuu jirka gacanta ka mariyey, salaaxay.
    Markaas bay intay cirkaa u booday tiri, “Waar ma shilin baad naga guraysaa, maxaad naga taataaban.”
    Hush! Baa lagu yir. Waxa ayna ka baxady aqalkii.
    Wiilkii habeenka rafaad baa u dhamaday, wuu iska seexad, iyana waxay seexatay geed guriga u dhow.

    Markaa gabadhaasi waxay rabtay oo ku naagoobi lahayd hadii mid geel jira ah intuu guursado,  marka loo kala dareero intuu cirkaa u qaado dhulka ku jiido oo beerka kaga dego. saas bay doonaysay oo ku naagobi lahad bal somaaliyey taas talo ka keena!

  4. maaweel sxb sheekadaada waa iga qoslisay caadi ma ahan laakiin taas wiilka ayaa doqon ahaa waxaa la rabay meel sida ey tahay baa loola yaalaa roomana habeen qura laguma dhisine in uu u dhaqmo marka hore sida looga dhaqmo baadiyaha markey is fahmaana uu baro jaceylka 

  5. Marka hore waad salaaman tihin bahda ladaneey,  salaan ka dib. Run ahaanti ma xuma in laga hadlo ama la soo bandhigo arimahan la xiriira raaxada guurka,  balse waxaa is weydiin mudan, Yaa soo bandhiga, Yaase loo soo bandhiga, Sideese loo soo bandhiga.

    Isku taga raga iyo dumarka ma ahan wax hada bilaawday. waa wax soo jiray marki Adam iyo Xawo la abuuray. Xawayaanka xata waa isku taga ma ahan wax  labaray. Taasna waxa ay cadeyneysa in arintu tahay arin dabiici ah oo Allah (SW) oo ku abuuray wax kasta oo nool.

    Arinta koowad :
    1) Yaa soo bandhigayo, yaa garanayo sida qof kasta u dareemayo raaxada,  yaa qabiir ku ah oo dadka oo dhan soo tijaabiyay.  Ma qof soo guursaday ee soo arkay ayaa soo bandhiga Mise qof shahaado ka heeyso.

    Arinta Labaad:
    2) Yaa loo soo bandhiga, arinta kale ee muhiimka ah ayaa waxa ay tahay yaa hubo in arimaha la soo bandhigayo ay aqrinayaan dad guursaday sababto ah webka dadka oo dhan ayuu u furan yahay. qof aan weli guursan hadii uu aqriyo dabadeeda naftiisa iyo sheydan ay wax u sawiran oo uu ku kaco arin fool xun soo danbigisa wax kuma lehidiina. mida kale sawirda sida midka maqaal kan la socdo soo ma ahan wax aan habooneyn. Waxaase wax lala siiyaabo ah heesta maqaalka ku lifaaqan, waa maxay xiriirka ay la leedahay arinta maqaalka ka hadlayo. ?

    Arinta Sadaxad:
    3) See loo soo bandhigaya, dadka badankiisa hadal wax kuma fahmayan, sawiro ama muqaalo miyaa la isticmaalaya. Hadiise taas dhacdo sooma noqoneyso in arintu isku badasho wax la mid ah wasirada jinisiga oo aan habooneyn daawashadooda.
     
    Diinta Islaamka waa diin ku saleeysan nolol maalmedka dadka, kana hadashay wax kasta oo ku aadan horumarinta arimaha nolosha, ka bilaabato nolosha shaqsiyadeed ilaa nolosha bulsha weyna ku dhaqan aduunka. sidee aysan uga hadlin arintan oo ay u iloowday. Nabiga (SCW) waxa uu ka hadlay wax kasta oo la xiriira nolosha bini’aadanka, mana laga haayo hal xadiith oo ka waramayo arimahan. Waxaa kaloo soo maray taariikhda islaamka culimu waa weyn, welina lama hayo caalim ka hadlay arintan. Mana ahan wax cusub oo dunida dib uga soo korday. Dad waa jiri jireen waana guursan jireen. Soo taas ma cadeyneyso in aysan arinto aheyn wax sahlan oo buug ama maqaal la iskaga soo qoro.

    Wax kasta oo ku aadan habdhaqanka nolosha waxa uu si saxan ugu soo arooray Quraanka kariimka iyo axaadiithta Nabiga (SCW) mana dhici karto in laga waayo. Daraasad ama Caalim reer galbeeda ah marna lagama soo xigan karo wax aan aheyn cilmiga maadiga ah.

    Aniga waxaan aaminsanahay in aysan arintu u baahneyn ka hadal iyo wax la mid ah ee  qofkasta wuu garanayo sida uu u  raaxeeysan karo uguna raaxeyn karo lamaanihiisa. Sida ay labada is qabto ku qanacsan yihiin ay raaxadu ku imaaneysa, ee arimo la isku sheego meesha maba yaalan ……… 

    Wixi khalad ah halaga raali noqdo.

    Mahad sanidiin.

  6. sorry
    webkan waxa u ahaa webka bulshada iyo dhalinyaradu ku mada daasho ee ay caajiska iskaga biso
    marka inta ayadu dadka isleedin wanaag u sheega walaalayaa ha fasahaadinine ee ka daaya waxan oo kale ha soo galinae
    mahad sanidiiin

  7. Horta sheekada waa sheeko dhalax oo xoogaa normaal ah lkn muufa dabooolid kuroon in xoogaa shaar loo galsho ayeey igula qunneeed

  8. asc bahda ladaneey anigu waxaan qabaa in sanadahaan danbe aduunkoo dhan ilbaxay hajoogo miyi iyo magaalaba nolosha waalana lala jaan qaaday >>>>>>>>….by qadar

  9. asc dhamaan sual ban qabaa kawarama haduu ninku 2 sec uu ku biyo baxayo oo anu markaleh xitaa kareyn inu sameyo galmo gabadhuna ku dhib qabto waxisu tahay bas godka uun ku biyo bax oon salax laheyn oon dhukasho laheyn bas godka uun u soo aadayo bal dhibka maxad ka odhan lahadeen taalo idinka rabaa 7 sano ay qabtey dhibkaas

  10. asc bahda iyo asxaabtaba  suuban talo waa tii rabi , laakiinse hadaan tusaale yar ku siiyo waxaa tiri 2sec ma haynkaro  taas adaa ugu wacan? may be inay xishood  kuu geysay ? or jahli? mida koowaad maad usheegtid inuu dhaqtar tago oo uu spermka soo baaro> mida kalase hadaa rabto waqtidheer inuu ku rafaadiyo daawooyin loo cunaa dhoban maad biyaha ugu dhexdartid, hal ogow wax walba aad rabto adigaa sameesan karo, by qadar

  11. asckm to dadka dhahay ,looma baahana casharaddan in laso bandhigi diintana laguma sheeegin,dadcan waan kasoo horjeedaa oo waxaa leeyahay,diinta walagu soo bandhigay oo ayada dhaheeso dumarkiina intiina u tagin naftiina u hormariya oo yacni dareemaheeda ka shaqeesiiya, haday tahay dhunkasho ,ama waay ku jirtaa quraanka,xadiis oranaya ragyahow markii aad dhameesataan suga dumarkiina oo iyagana yacni ha dharagto isna wa jirraa

    Dabcan arintu ha ahaato dabiici lakiinse waxa laga hadlayaa sida ugu wanagasan oo misaman oo labada qof u helli karraan.
    Hadaad tirri xayawankuba waa sameeyaa iyadoo l abarrin walaalo xayawanku iyo anaga ibnu adanka wa nalakalla fadillay isku si uma noolnin,oo isku si wax uma cunno, isku si uma cabno oo isku si uma fakarno,si kasareesa tooda buu illah noogu deeqay,waagii hoorreh hadii uu jirri jirray dad is guursaddaa,waa run lakiinse imisaa ragga ka mid aha o dumarkooda si fiican hoshaas ula qabsan jirray,dumarkasse intii uu illaah ugu talla gallay ma kahelli jireen ragooda, markii laga reebo nabi muxamed scw oo isaga dumarkiisaaba cadeeyay inu si fiican ugu roonaa iyo intii kaga dayatay.
    inkastoo aan ahay inan aan walli guursan ,lakiinse waxaan ka aqoon baddanahay gabadha maskiinta ah oo badiyaha joogta oo xaaska ah arimahaas tasinna waa fadlig aillahay uu naagu deeqay nana sollan siiyay inaanu barrano oo akhrino.
    Marka walaalo arintaan wa loo bahanyahay qof walbaa inuu barto hana oran diintu kama aaysan hadlin waa ay ka hadashay waxaana fiican marka uu qofku hadlaayo inuu uu u hadlo si inay wax u dhimanyihiiin.
    For example u can say inta aan anigu ogahahy ama aan fahansannahy diintu kama aysan hadlin but stop saying diintu kama aysan halin waka anna inaad ogtahay 100%,qof kalle oo waddiisanaya rayigga ku saleesan arinta dhaqso loo biyo baxaayo walaalo cuduro farrabaddan baa keena arintaas u sheeg qof kaas ha baaro sababta oo ha iska daweeyo inshallah,tan kalle ma dhukado uun tiisuu racdaa cagaha buuna wax kadayaa,waxay illlatahya waa dhibka dumarka soomaliyeed intooda badanni ay ragooda kalla kulmaan waana aqoon darro. waa inaad bartaa waxa aad u bahantahay inuu kuu samee,adna samee isaga kaliya haku deenina,wallaahu acllam

Leave Comment


Ad