Waa maxay macnaha erayga guurku?

Oct 12th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Jacaylka

pics from: www.nation.co.ke

Waa heshiis sharciyeed bulshada dhexdeeda qeyb weyn ka qaata.

Sharci ahaan addunka oo dhami waa isaga dhow yahay oo wuxuu isugu soo biyo shubanayaa lammaane lab iyo dhedig ah oo si sharci ah isula nool. Lakiin dhaqan ahaan iyo luqad ahaan waa lagu kala duwan yahay.

Haddaan luqad ahaan soo qaadanno, baaris ka dib, waxaan ogaaday in cid kasta erayga guur ku arooriso micne afkeeda u gaar ah. Aan isla eegno falaqaynta hoos ku qoran:

1: Dadka ingriisku wuxuu guurka ku magacaaba “marriage”, wuxuuna ku arooraa erayga ah: xiriir ( Relationship).

2. Dadka Talyaanigu wuxuu guurka ku magacabaa (matrimonio), wuxuuna ku arooraa: kulan (unione).

3. Dadka Ruushku wuxuu guurka ku magacaabaa ( shiinitsa oo labka ah iyo samushla oo dheddiga ah), waxayna ku arooraan: xilaysi, macnaha hebla ama hebel xiluu yeeshay.

4.Dadyowga carabtu waxay guurka ku magacaabaan (zawaaj), wuxuuna ku arooraa: lammaane.

Haddaba, haddan dabagallo meesha erayga guur luqad ahaan afsomaaliga ugu jiro, waxaan helynaa inuu ku arooro erayga geedi:

a – Reerkii waa guuray

b – Kitaabkii waa la min guurshey

c -  Dhulkii waa nabaad guuray

d – Ceelkii waa ilo guuray

e – Ummaddii waa dhaqan guurtay

f – Gabadhii waa la guursaday

Dhamaan erayada kor ku qorani waxay tilmaamayaan walax meeshay horay u joogtay ka hayaantay oo meel kale oo la yaqaan ama aan la aqoon u hayruubtay. Markaas, erayga guur marka loo micneeyo luqad ahaan wuxuu ku aroorayaa:

Gabadha gurigoodii laga waday, gurigeediina lageeyey iyo wilkoo ah ninka geeddigaas raraya ah.

Abdi Qani Hassan Wali ( Qoordheere )
waryatv.com

Fikirkaaga ka dhiibo!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga!

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

One comment
Leave a comment »

  1. Asc  Wr Wb , walaalka maqaalkaan qoray in badan ayaad dadaashay , waadna ku mahadsantahay.

    Balse walaal waxaan rabay in aan waxyar isku iftiimino , waxaan ula jeedaa halka eray GUUR   Af Soomaaliga ka galo.

    Hadaba aan isku yara  dayo , garaadkayga iska kooban, waana sida tan

    Uga horayn horta erayga ,, Guur ,, waxaa aw u  sii kala baxaa laba eray oo af Soomaaliya, waxayna kala yihiin sida tan. GU iyo UUR ,.

    Hadab hadaan mid walba si gaara isku dul taago waxay kala noqaayaan sida tan.
    ,
    GU,  macnaha erayga gu waa waqtiga barwaaqada, run ahaantiina dhaqan iyo luuqadba miyi ayay u biya shubtaan sidaa awgeed dadka reer miyiga ah waxay is guursan jireen waqtiga Guga ee barwaaqada.
    Xitaa hadii ay waqtiga jiilaalka isku af gartaan guur qof guursan kara jiilaal ma jiro oo waa waqti hawleed aan guur firaaqo loo hayn dantana kuuma saamaxayso , oo xoolo arooris ayaa lagu jiraa.

    UUR, macnaha uurna waa uur oo marka la is guursado waxa la sugaa waa uur iyo ilma dhasha iyo reer tarma marka hadii la isku daro Gu+uur~ waxau noqonayaan Guur. Erayga uurba ha shaqal dheeraado balse sida ugu dhaw ee guurka loo macneeyo ka af soomaali ahaan waa sidaa . Dad badan oo Soomaaliyeedna waa laga warshaa macnaha sidaan ah . Marka waxaa iga codsiya walaal in aan maqaalkaaga dib ugu noqoto wixii aad isku lifaaqi kartana isku lifaaqdo. Adigoo welibana ku ekaanayn xogtaan yartaa ee cilmi baaris badan u gelaa. Mahadsan waa walaalkiin ( Bashiir Macalin Cali )

Leave Comment


Ad